Barnaamijyo kaa caawinaya habkaad u dhisi lahayd jidhkaaga

 



Waxaa lagavyaabaa in aad layaabto inay jiraan baarmijyo kaa caawinaya qaabkii aad udhimi lahayd culayskaaga, ood ka heli karto khadka. Barnaamijyada miisaan dhimista khadka tooska ah waxaa loogu talagalay inay caawiyaan shakhsiyaadka, laga yaabo inaad adiga ka mid tahay, oo raba inay miisaankooda dhimaan.  Waxa ay ku fiicanyihiin  barnaamijyada miisaanka lagu dhimo ee internetku dadka mashquulka ah ee ay shaqooyinku ku badanyihiin, islamarkaana aan awoodin inay ka qayb galaan laylisyada lagu kaantaroolo miisaanka , sida jiimka .


Haddii aadan waligaa ku biirin barnaamijka miisaan dhimista ee internetka, waxaad hubin kartaa inuu mid kuu habboon yahay iyo in kale.  Si ka sii wanaagsan, waxaad hubin kartaa in barnaamijka miisaanka lagu dhimo e internetka uu u qalmo qiimaha aad kubqarash garayn karto.  Si daacadnimo ah, waxaad caadi ahaan u ogaan doontaa in barnaamijyada miisaan luminta internetka ay aad ugu qalmaan kharashaadkooda, laakiin dhammaantood waxay kuxiran yihiin .  Si aad u hubiso in lacagtaadu si caqli gal ah u isticmaasho, waxaad u baahantahay inaad hubiso inaad doorato barnaamijka miisaan luminta ee internetka oo kugu habboon adiga iyo baahiyahaaga.


Markaad ka raadineyso barnaamij miisaan dhimis ah khadka oo qiimo badan , waxaad u baahantahay inaad baarto astaamaha aad u jeceshahay. Tilmaamaha ayaa sidoo kale badanaa salka ku haya faa'iidooyinka ay kuu leedahay xubinnimada ama xubin ka noqoshada barnaamijka.  Barnaamijku wuxu kuu sahlayaa inaad fursad u hesho islamarkaana door weyn ka cayaarto go'aaminta haddii barnaamijka miisaanka luminta internetka ee aad rabto inaad ku biirto uu mudan yahay qiimaha aad u hurayso. 


Mid ka mid ah faa'iidooyinka xubinnimada ee ka dhigi kara barnaamijka miisaanka luminta internetka mid fiican oo u qalmo qiimaha ayaa ah talooyinka ku saabsan cunnooyinka  caafimaadka u leh jirka, cunitaanka caafimaadku waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah qorshe kasta oo miisaanka lagu dhimayo.  Barnaamijyo badan oo miisaanka lagu dhimo kiwaas oo  lagabheli karo shabakada internetka ayaa leh qaybo kaa haqab tiraya sidaad u yeelan lahayd qorshe cunto oo caafimaad leh oo ay ka mid yihiin cuntooyinka fudud ee aan baruurta keenin iyo cabitaannada, iyo sidoo kale talooyinka wax iibsiga iyo waxyaabo kaloo badan.  Sidii horeyba aan u soo sheegnay, cunitaanka caafimaadka qaba waa qayb muhiim ah oo ka mida miisaan luminta; sidaa darteed, waa inaad raadisaa barnaamij miisaan lumin oo khadka ah oo ku baraya sida loo  sameeyo cunitaan caafimaad qaba.


Qodobka kale ee ka dhigaya barnaamijka miisaanka lagu dhimo ee internetka mid mudanaan leh  ayaa ah qaybaha laxidhiidha barnaamijka jimicsiga.  Waxaa dhab ah in jimicsiga iyo cunitaanka caafimaadka qaba ay yihiin labada qaybood ee ugu muhiimsan  marka laga hadlayo sida cayilka saaidka ah loo dhimo. 

  Qaybtani waxay soo bandhigaysaa shaqooyinka ay tahay inaad isku daydo, oo ay la socon karaan sawirro, fiidiyowyo, ama ugu yaraan tilmaamo faahfaahsan. Waxa kale oo laga yaabaa inaad hesho jaantusyo muujinaya inta kaloori lagu gubay layliyo caadi ah, iyo waxyaabo kaloo badan.


Hal muuqaal oo laga yaabo inaadan ka fikirin, laakiin muhiim ah, waa guddiyada farriinta internetka ama qaybta bulshada.  Qeybaha bulshada badanaa waxay ka kooban yihiin guddiyada farriimaha internetka. Qaybahaan waxay badanaa kuu oggolaanayaan inaad la xiriirto xubnaha kale ee barnaamijka miisaanka dhimista ee internetka ama hoggaamiyeyaasha kooxda.  Wadahadalkan ayaa fiican maadaama ay gacan ka geysan karaan in lagu siiyo dhiirigelin.  Xitaa waxaad ka heli kartaa saaxiib miisaan dhimista aad isu kaashataan ama lammaane kaa caawinaya hawl-galkaaga.


Natiijooyinka la hubo ama muddooyinka tijaabada bilaashka ah waa calaamad kale oo muujineysa in barnaamijka miisaanka lagu dhimo ee internetka u qalmo waqtiga aad ku bixisay.  waqtiyada qaarkood waxaa jira, shaqsiyaad aan miisaan dhimista culays saarin, maaddaama aysan hubin inay miisaankoodu yarayn doonaan iyo in kale.  Tiro badan oo barnaamijyo ah oo miisaanka lagu yareeyo ayaa ku siinaya awood aad ku tijaabiso barnaamijyadooda lacag la’aan ka dibna waxaa jira kuwa kale oo ku siinaya natiijooyin dammaanad qaad leh.  Iyada oo dammaanad laga qaadayo kuwan oo kale.


Qodobbada aan kor ku soo sheegnay waa in yar ka mid ah kuwa badan oo laga yaabo inay kaa caawiyaan inaad go'aansato inaad ku biirto barnaamijka miisaanka iyo baruurta lagu dhimo , kuwaas oo laga heli karo shabakada internetka iyo in kale..