Hadallo waawayn oo xikmad ah

 

Xogwara plus

Annagu taajir kuma nihin waxaan heysano, laakiin waxa aan taajir ku nahay waxa aan qaban karno la’aanta waxa aan heysano.


Shuruucda farxadda waa:


-Shay la qabto si uu kugu fududaado. 

-Qof la jeclaado si nolosha loo wadaago. 

Iyo 

-Shay la rajeeyo si aad u hesho.


Nolosha waxaa ugu ciriiri badan markii aad waydo oo ay duruuftu idin kala gayso walaalo aad Allaah dartii ku walaalowdeen iyo saaxiibo aad Allaah dartii ku wada saaxiibteen


Haddii aad dooneyso in Alle uu si joogto ah kuu siiyo sheeyada aad jeceshahay, adigana joogtee sameynta acmaasha uu Alle jecel yahay.


"Haddii aad sheeganeyso inaad ka mid tahay kuwa ka magangala naarta oo doonayana janno, sidaa darteed u halgan waxaad raadineyso hana noqon qof ay horkacdo jaceylka adduunyadiisa". 



Xaqiiqda biya kama dhib Caanka ah ee  jirta ayaa waxay tahay haddii qof calafkiisa la tusi lahaa, wuxuu dooran lahaa midkii uu Alle u dooray.



Ha siinin dadka kuwooda nacasiinta ah daqiiqad ka mid ah waqtigaaga hana ku khasaarin, sababtoo ah waxay kugu talalaalayaan cudurkooda oo kale, sababtoo ah waa kuwo qalbiga ka curyaansan.



Haka hadlin awoodaada qof daciif ah hortiisa.

Dhoolacadey xitaa hadduu qalbigaaga dhiig ka da’ayo.

Waxa ishu ay aragto qalbiga wuu ilaaliyaa.



Ma jiro wax dhaawacaya ruux wanaagsan iyo qalbi naxariis leh in ka badan la noolaanshaha dad aanan fahmi karin.



Run ahaantii muxuu qof doqon yahay, kaasoo burburiya waqti xaadirka inta uu ka welwelayo mustaqbalka, laakiin ooya mustaqbalka isagoo xusuusanaya waxa kasoo tegay.


Waqti kasta waxaad noqotaa ama aad ahaataa qof dulqaad badan si gaar ah waqtiyada adag, sababtoo ah qofka noocaasi oo kala ah waa qof naxriis badan, farxad badan  oo ilaahay ayaa ku beeraya qofka hadii uu dulqaadka badiyo



Dadka gaar ahaan saaxiibada waa laba nooc oo kala ah: saaxiibada qaar haddii ay naga tagaan waa kuwo aan u ilmayno wanaagii ay inoo sameeyeen dartii halka saaxiibada qaarna markii ay nolosheena ka tagaan aan ku faraxno dhubtii iyo xumaantii ay nagu hayeen dartii.