Nin soo toosay isagoo maal qabeen ah ...sababtuna waa Google!

 


Warbaahinta caalamka qaar kamida ayaa tabisay xog layaab leh. Xogtaas ayaa sheegtay nin siblama filaan ah ogu soo toosay akoonkiisa oo ay ku jirto lacag farabadan taas oo ka timid google-ka  cilad farsamo awgeed .



Shirkada google ayaa dhankeeda sheegtay , inay jirto lacag ay ku xawileen akoon u lahaa nin ku taqasusay amniga saybarka , taaso dhanayd , 250 kun oo doolar.

Wuxuuna inataas kusii daray maareeyaha qaybta amniga shaqaalaha google inay diraan lacagtaa isgoon wax faahafaahin ah sii raacin.



Ninkan injineerka ah ayaan wax xiriir ah ka helin dhaka shirkada, mudo sadex todobaad ah , hadii uu wacay kama helin wax jawaab ah .

Injineerkan ayaa sheegay inuu adeegyo dhanka amaanka internet-ka ah u qabto shirkado ay kamid tahay shirkada google, laakiin wuxuu sheegay , inuusan cadayn karin in xidhiidh ka dhexeeyo  ,adeega uu qabto iyo lacagtan ,iyo in kale.


Ingineer u hadlay shirkada google ayaa sheegay in xiwilaada lacagtu ahayd mid si qaldan loogu diray, wuxuuna yidhi "waxaan qadarinaynaa ninka acoonka leh maadaama uu soo war galiyay shirkada . Saxayna ku guda jirtaa shirkadu talaabooyikii ku haboonaa".



Maalin taajirka ayaa dhankiisa sheegay in ay, shirkadu kajawaabtay  suaalihiisi islamarkaana ladiyaarinayo sidii loogu celin lahaa lacagtaas .

Waxuuna sheegay inuu ku sii jeedo bangiga siuu u celiyo lacagtaas.