Tamarta laga dhaliyo cadceedda ee Guryaha iyo Faa'iidooyinkeeeda

 


 


Tikniyoolajiyadiya casriga ah ayaa gaadhay heer aan caadi ahayn islamarkaana soo kordholisay waxyaabo badan oo waaweyn.waxyaabaha ay tiknoolajiyadu soo biirisay waxaa kamid ah, isticmalka tamarta qorraxda ee guryaha. Ma ogtahay inaad kuraxeysan karto faa'iidooyinka badan  ee ay leedahay isticmalka tamarta qorraxda? Nidaamkan tamarta cadceedda aya hadda lagu rakibi karaa gurigaaga iyadoo si fudud loo raacayo tilmaamamaha la fahmi karo ee shirkadu siinayaan macaamiishooda . Nidamyada soolaradu hadda qaali ma ahan maalmahan .


Iyada oo laga duulayo baahida si kordheysa ee guryaha ee laxidhiidha tamarta qorraxda, waxaad hadda ka heli kartaa mashaariic fara badan oo kaa kabaya baahidaas  suuqa. Sababaha ay dad badan oo gurya leh aay hadda u raadinayaan soolarada qorraxda si ay ugu rakibtaan guryahooda ayaa ubadan , siday udhimi lahaayeen cimilada sii xumaanayso isla markaana doorkooda uga qaadan lahaayeen nadaafadda deegaanka. 



 Inta badan korantada waxay u isticmaaalaan shidaal sidaa darteed khidmada ayaa cirka isku sii shareeraysa maadaama ay ku tiirsantahay saliida cayriin. Shidaal-ka ayaa sidoo  kale  yaraanaya. Waxaa jira baahi weyn oo xagga korantada ah laakiin ilaha aya si aad ah hoos ugu dhacay. Xaaladda noocan ah, kharashaadka korantada ayay kadhigaysaa mid wali kor usii socon doonaysa. Sidaa darteed Awoodda qorraxda ee guryaha ayaa ah xal kajawaabi kara baahidaas oo aad u wanagsan.



Sida lawada ogsoonyahay adeegisiga shidaalka si looga dhaliyo tamarta korontada ayaa sii labajabaaraya xaaladda cimilo xumo ee isa soo taraysa. Marka Haddii aadan dooneynin  inay cirka isku sii shareeraan dhibaatooyinka deegaanka ,waa inaad u adegsataa tamarta qorraxda Gurigaga hadda.


Dhowr sano ka hor, unugyada qoraxda runtii qaali bay ahayeen isla markaana waxtar yar. Laakiin soolarada cusub aya la  soo saaray waxana loo yaqaan unugyada aragir-qaade. Unugyada cusub waxay u rogi karaan 36% raysyada koronto la isticmaali karo .




Xirmooyinka korantada qorraxda aya laga heli kara adduunka oo dhan. Waxaad ka iibsan karta dukamada internetka ama waxad sidoo kale  kasoo dukumaysan kartaa dukamada maxalliga ah. Haddii aadan hubin, waxaa ugu fiicnaan laheyd innad  laxidhiidhidho cid lagu kalsoonyahay isla markaana latashato. Halkas waxaad kaheli karta dhowr iibiyayaal sumcad leh iyo soo-saariyaasha xirmooyinka tamarta qorraxda.



Dukamada qalabka solar-ka caadiga ah  waxay iibiyaan qaybaha kalan duwan ee nidamka tamarta qorraxda. Haddii aad abuurto nidamka tamarta qoraxda, waxaad ku heli doonta oo keliya  wax aan saa oga badnayn$ 250 oo mar kaliya aad dhiibaysid is lamarkaana aad muddo dheer isticmaalaysid. Maalgashigas yar oo kale, waxaad durba ka faa'iideyssan kartaa tamarta qorraxda sannado badan. Kaliya ma badbaadinaysid lacag laakiin waxaad sidoo kale kale gacan ka geysaneysaa badbaaadinta dhulka iyo nolosheena.


Ilaha tamarta ee la cusboonaysiin kara iyo kuwa nadiifta ah  ayaa baahi weyn u qabnaa siiba maalmahan. Guryaha mustaqbalka aya hadda suurtagal ah. Waxaad ku bilabi karta mashrucyo yaryar oo aad ka shaqeyn kartaa.