WhatsApp oo noqday lacag-cashir online

 


App-ka whatsapp ayaa soo rogay , qaab cusub oo lacag oo premium ah, kaas oo bartilmaadsanaya adeegsadayaa profesion-ka ah.
Shirkada meta ayaa u diyaar garoobaysa sidii ay usii daylahayd qaabkan cusub kaas oo kusoo rogaya khidmad bille ah aďeegsadayaasha. Hadda waxaa suuragal u ah adeegadayaasha WhatsApp beta inay u wareegaan qaybta settinģ ee app-ka si ay u helaan WhatsApp Premium ee cusub kqdibna waxay samaysan karaan links ugaar ah oo sidan oo kale ah:
Markaad leedahay shirkad islamarkaana aad rabto shaqaalahaagu inay si fudud uxasuustaan ciwaankaaga WhatsApp-ka. Waxaad sidoo kale awooda inaad badasho cinwaankaaga saddex-dii bilood hal mar, inkastoo aad badashay cinwaankaaga hadan waxaad awooda inaad in lagaaga soo xiriiro . Sidoo kale ilaa toban mobile ayaad hal mar ah ku isticmaali kartaa . Waa hab u sahlaya shirkadaha leh maamulayaasha dhawrka ah oo hal xisaab ah wada adeegsan kara, xiliga shaqada.
Waxaa xusid mudan in khidmadan cusub ay wali ku jirto tijaabadeedii koobaad. Ilaa hada lama oga waqtiga si rasmi ah loogu dhawaaqi doonoo siidaynta adeegan cusub ee WhatsApp premium.