Dahab : afar dhagax oo caan ah oo aan caadi ahayn

 


dhagaxyo caan ah oo aan caadi ahayn


Waxaa jira dhagaxyo qaali ah oo qalbigeena qaadan kara markaan saa u aragno. Kumaan arag giraan dheeman ah ama safayr qurux badan? Ma quruxdooda kaliyaa ka dhigaysa kuwo qiimo badan oo qaali ah? Maxay ku heshay qiimaha sare?


Suaalahaas iyo kuwo kale oo lamid ah jawaabahooda hadaan si toos ah u guda galo, inta badan dhagaxa gemstones-ka ayaa si dabiici ah u matalaya macdanta Dunida. Waxa ugu badan waa ka afar geeska ah, oo ka sameeysan silikon iyo oksijiin, kuwaas oo ka mid ah kiimikooyinka ugu caansan ama walxaha ku jira dhulka. In kasta oo dadka intooda badani ay helaan kiristaalo noocan oo kale ah  keliya haddii ay si gaar ah u raadinayaan, haddana wali waxay ku badan yihiin goobaha dhagxaanta qaaliga ah laga helo.


Mid ka mid ah tayada go'aamisa qiimaha dhagxaanta qaaliga ah waa sida ay naadirka u yihii. Dheemantu run ahaantii waa ay qurux badan yihiin. Si kastaba ha noqotee, iibinta dheeman iyo qaybinta si adag ayaa loo xakameeyaa, sidaas darteed waxaa kor u kacaysa baahida dheemanka oo ka qaalisan hanti kasta oo qiimo sare leh. Dheemannada kaamilka ah laftoodu guud ahaan waa dhif.


Waxyaabaha kale ee qurxinta ayaa aad dhif u ah, sida safayr iyo rubies, kuwaas oo qayb ka ah bahda Beryl ee macdanta. Ruby waa dhif iyo naadir sidoo kale safayr iyo midabo tayo sare leh labadaba waa dhif oo aad looma helo. 


Macdanta la yiraahdo Benito



waxaa laga helay oo keliya dooxada San Benito ee California, halkaas oo dhowr boqol oo gram laga helo sannad kasta. Waa dahabka California waana buluug. Waa la gooyn karaa oo la nadiifin karaa si looga soo saaro dahabka qurxinta.


Qaar ka mid ah gemstones-ka ayaa aad ugu yar dhulka. Waa dhif, maadaama ay adduunka ka jiraan saddex ama afar nooc keliya. Meelaha laga helo dhagaxaantan qaaliga ah ayaa sidoo kale isbedel weyn sameyn kara. In kasta oo ay khibrad iyo aqoon u baahantahay raadinta macdanta noocaan oo kale ah, hadana laguma helo inta badan raad raacaas aqoontu hagayso ee waxaan meesha ka maqnayn nasiibka. Dadka la kulma macdanahan intabadan waxaa suura gal ah inaanay kasayn qiimaha heerkaas jooga ee uu ku fadhiyo dhagaxan gacantooda ku jiraa, sidaa darteed ay lumiyaan.

Hadaba hadaad maalin maalmaha kamida lakulanto dhagax indhagaaga ku cusub oo kaduwan kuwa kale Durba ha tuurin ee lawadaag Cid aad ku kalsoontahay oo aqoon u leh dhaxaanta qaaliga ah ee macdanta.



i