App-yo ku xadaya dag-dag oga tir mobilkaaga

 


App-yo ku xadaya dag-dag oga tir mobilkaaga



Waxaan ku jirnaa marxalad horumarka farsamo uu cirka isku shareeray oo lasoo saaray waxyaabo farabadan oo wax ka beddelay nolosha aadanaha. taleefanka gacanta ilaa iyo xiligii uu soobaxay, waxaa lagu soo kordhiyaa maalinba maalinka kadsnbeeya adeeg cusub taas oo dadka ka dhigtay inay si fudud uwada xiriiraan meel kasta iyo waqti kasta. abuurista taleefanka gacantu waxay sababtay dareen ka dhex jira aadanaha, Iyada oo la raacayo horumarka taleefanka gacanta, waxaad kala socon kartaa dheelitirka bangigaaga waxaa aad qaban kartaa shaqadaada kala duwan, laakiin dhammaan wax soo saaryadu waxay leeyihiin cilad. Telefoonkaaga ayaa wajahaya halista barnaamijyada jabsiga ee  ku basaasi kara isla markaana ogaan kara dhammaan macluumaadka taleefankaaga, Trend Micro ayaa ka digay barnaamijyada noocaas ah، Android waa mid ka mid ah taleefannada ugu nugul ee casriga ah.


Macluumaadka la jabsan karo e taleefanka casriga ah


Kuwa jabsada taleefanka waxay isku dayaan inay helaan macluumaadka u sahlaya inay si fudud u galaan oo ay u xadaan akoonnadaada, sida lanbaradaada sirta ah iyo PIN-ka waa macluumaadka ugu muhiimsan ee uu jabsaduhu doonayo inuu galo. Marka uu sidaa sameeyo, wuxuu si fudud ula wareegi karaa akoonadaada bangiga.


Google Play ma leedahay apps hakar ah?


Haa, barnaamijyadan ayaa inta badan laga heli karaa Google Play, tusaale ahaan:



Barnaamijka lucky clean.


Barnaamijka simple clean.


Barnaamijka crypt oUtils.


tra clean Rooster VPN×E.


Laakiin app-yadan ayaa dhibaatooyin badan u horseeday isticmaaleyaasha, sidaa darteed Trend Micro ayaa isla markiiba tirtiray oo kasaartay google  play hadaba waxaa jiraa kumanaan kale oo laga yaabo qaar kamid ahi ay kuu dagsanyihiin moobile kaaga, sidaa darteed waa inaad iska hubi.