Heeryada ratiga/awrta...qabeheeda - xogwaran plus



Heeryada ratiga/awrta...qabeheeda - xogwaran plus 


Soomaalidu waxay ahaayeen bulsho reer guuraa u badan, waxayna u geedi Gali jireen hadba meeshi daaqsin iyo biyo oga helayaan naflayda ay dhaqdaan. Geedigaa joogtada ah ee ay noloshoodu ku dhisantahay ayaa waxaa lagama maarmaan u ah in gaadiid la fan Gali kara noloshaa adag oo ay ku guuraan, kaas oo ay si joogta ah u heli karaan. In kasta oo noloshii hore intabadan la iska hilmaamay taa macneheedu maaha inay ka dheertaha duleedkeena, waana qayb muhiim ah, oo waa halbawlaha sooyaalkeenii taariikheed, aqooneed, xadaaradeed, waana buuga kali ah ee laga tix raaci karo haybteena soomaali nimo, qanina ku ah hal abuur iyo hibooyin inoo gaar ah oon ugu faani karno dunida inteeda kale.



Maanta waxaan rabaa inaan maqaalkan kaga hadlo, islamarka waxyar ka ifiyo mawduuc aan isleeyahay dadka nolosha miyyiga soo maray micne buuran uma samaynayso, sababto ah waa wax maalinwalba ay lanoolyeen, lakiin dadka magaalada ku dhaqmay u ah cilmi wayn, inay kayd unoqotana aan rajaynayo jiilasha soo socda ee aan soo gaarin dhaqanka, maadaama ay tahay hanti taariikheed oon dadka kale kaleenahay waa waajib in laxusuusnaada, oo la xusaa.



Waxaa jira mawduucyo hore oon kaga soo hadalnay rati/awrka iyo booska uu kaga jiray nolosha reer baadiyaha halkan ayaad ka aqrisan kartaa maantana waxaan wax kataaban doonaa heeryada loo adeegsado rarka awrka si aanuu rarku jirkiisa utaaban, islamarkaana loo simo gurada ratiga si ay alagaabtu u hesho guro ay fadhiisato. Waxaa jira heeryo lasaaro awrta kahor inta aan lasaarin rarka waxaana dul ahaan lagu magacaabaa heeryo. Heeryadu waxa ay ka kooban tahay dhawr shay oo kala duwan, kuwaas oo isugu jira,qaar ritiga culayska ka qabta, iyo kuwa rarka qabta. Hadaan sikale udhigno waxay ka koobanyihiin xadhko qobtal, karbaashyo kasamaysan maryo, kabaalo kasamysan geedo, iwm.


Qobtalka


Hadaan ku bilawno qobtalku waa kan heeryada awrta lasaaro ugu wayn e u culus una qalafsan oo dhexda laga laabay. 


Waxaa uu kasamaysan yahay caws nooxiisu adagyahay, xarko kuwaas oo lagu tolay, dusha sarana laga saaray maryo, bacaha kiishashka sonkorta iyo woxii lamida.


Dherer ahaan waxaa lagu qiyaasay dhereka gurada awrka oo uu wada ďaboolaa, qiyaastii 2 mitir ayaan filayaa inuuna ka badnayn ,balacana sidoo kale.


Waxaa loogu talagalay inuu ritiga kadifaaco rarka saaran si aanuu u qabanin. Siiba marka mudo dheer uu saarnaanayo.


Karbaashayada

Karbaashyadu waa maryo hun ah iyo waxyaalo jilicsan oo la isu geegeeyay, islamarkaana la iskutolay oo sidii buushkii laga dhigay si ay ritiga oga ilaaliyaan cadaadiska dooska ah ee rarka iyo adayga qobtolka, waxaana laga hoosmariyaa qobtolka.


Kabaalada/kabaalka


Kabaaladu waa qoryo afar ah oo si iswaydaara afartoodaba laisku xiraa.


Dherer ahaan waxay ila tahay inaanay 2-3 mitir in ka dhex le ka badnayn, dhumuc ahaana Jintao ruux qaan gaara kama buurna in kastoo aanay jirin qiyaas la raaco oo %100 ah.


Waxaa loogu talagalay inay rarka isu dheeli tiran, waxaakaloo loo isticmaalaa in la sudho faraaqyahooda agabka yaryar ee sidada leh, sida:xadhkaha dhiilka, waysada, iwm.



Maddanka


Madanku waa xarig adag oo qayb ka ah agabka rarka loo isticmaalo ee muhiimka ah.


Xadhigan dherer ahaan wuxuu gaarayaa ilaa 25 mitir , dhumuc ahaanna waxaan filayaa inaanuu ka dhuubnayn ilaa saddex Farood oo la garab galiyay.


Wuxuu isku hayaa rarka iyo ratiga, gurada iyo bogga hoose iyo laba Barbarba uu kaga soo wareegaa rattiga.


Daba-galiska 



Daba galisku waa surgin yar lasudho saynta rattiga/awrka, waxaa loogu talagalay in lagu miisaamo dheelirnaanta, wuxuuna ka ilaaliyaa rarka inuu horay urido awrku.



Marraaga 


Marraagu waa xarig dhumucdiisu adagtahay oo la tudcay, sikale hadii loo dhigo, waa ila saddex dhudood oo la isku tudcay.

Dherer ahaan qiyaastii wuxuu gaadhayaa 12 mitir .


Waxaa loo isticmaalaa isku xirka rattiga iyo heeryada, wixii kasoo harana waxaa lagu xiraa rarka qaybihiisa kale.



Baydda


Baydu waa xarig yar oo gaaban oo loo adeegsado isku xirka afarta kabaal.



Hogaanka iyo faruur xidhka


Hogaanku waa xadhiga lagu gadh qaado ritiga, waxaa loogu xiraa qoorta iyo gafuurka ritiga hanaan ay yaqaanaan, waxaana loo yaqaanaa "keeni" keenayn.

Faruur xirku waa xarig dhuuban oo faruurta looga xiro awrka kadib hogaan lagu xiro. Faruur xidhku waxaa loogu tala galay in awrka, lagu qasbo inuu hogaansamo maadaama uu dareemayo xanuun markii lajiido faruurta.