Avicenna ibnu siina…dhakhtar muslim ah ahna faylasoof aqoonyahan caalami ah



 Avicenna ibnu siina…dhakhtar muslim ah ahna faylasoof aqoonyahan caalami ah


Magaca oo dhan: Abu cali al xusayn ibnu cabdilaahi ibnu saynaa


Ingriisiga              : avicenna


Xirfadiisa               : dhakhtar, aqoonyahan faylasoof


Taar. Dhalashada: 22 August 980


Taar. Geerida      : 1 June 1037


Jinsiyad/dhalashada: faaris/ Persian 


Goobta dhalashada: Uzbekistan, bukhaaraha


Maxaad ka taqaana ibnu saynaa/avicenna?


Ibnu saynaa wuxuu ahaa dhakhtar wayn oo dhagax dhigay qaacidooyin fara badan oo caafimaadka la xiriira, faylasoof caan ah oo laga yaqaano dunida oo dhan, isagoo ka qayb qaatay curashadii aqooneed ee xiligisii , qooraalada uu sameeyay ayaa gaadhaya ilaa 240 buug oo aqoonta noocyadeeda kala duwan uu ku reebay.


Taariikh nololeedka inbu siinaa oo kooban

 Ibnu saynaa wuxuu ku dhashay magaalada bukhaara ee ku taala dalka Uzbekista. Wuxuu ku caan baxay aqoontiisa cad-dhaafka ahayd, isagoo gacan laxaad leh ka gaystay horumarinta caafimaadka, falsafada, cilmiga xidigaha (falaga) culuumta laxidhiidha xoolaha iyo beeraha iyo wm.


Billawgii noloshiisa

Inkastoo aynu qarniyadii dhaxe ku xasuusanno taariikh mugdi ahayd oo lasoo dhaafay! Laakiin waxaan lahalmaami karin in xiligaas ay reer galbeedku ku noolaayeen mugdiga, lana daalaa dhacaysay dagaalo , mashaakil aqooneed, mid fikir inay caalmaka islaamka duhur ahayd qorraxda aqooneed isla markaana hormuud u ahayd ilbaxnimada Dunia.



Waxay u ahayd caalamka islaamka casri dahabi ah oo ay cirka isku shareertay ilbaxnimada iyo xaddaarada muslimiintu. Guudhaa aqooneed waxaa hor mundo u ahaa aqoonyahanno islaameed oo xiliyadaas kacay oo horgal kayahay caalimkan aan kaga hadlayno maqaalkan ibnu saynaa, waana mid laga qadariyo caalamka oo dhan taniyo maanta.



Siday taariikhyahannadu sheegaan ibnu saynaa wuxuu ku dhashay tuulo ku dhaw magaaladda bukhaara oo ka tirsan dalka maanta loo yaqaanno Uzbekistan ee dhaca qaaradda aasiya 980-yadii. Magaciisa oo dhamays tiran waxaa la oran jiray "Abu cali alxusayn ibnu cabdilaahi ibnu saynaa" caribagana ku ah:("أبو علي الحسين بن عبدالله أبن سيناء)

Afka qalaadna lagu soo gaabiyo "avicenna" .

Xiligii uu dhashay caalimkan wayn waxaa magaalada bukhaara katalin jiray ninka lagu magacaabi jiray "abul mansuur" kaas oo halgan ugu jiray siduu u ilaashan lahaa kursigiisa. 



Aabihiis ayaa maamul ka ahaa mid kamid ah yoolooyinka hoos yimaada maamulka magaalada bukhaara, wuxuuna tacliintiisa yaraantii ku qaatay guriga aabihiis oo ahaa meel ay isugu yomaadan dad badan si ay wax ugu bartaan.


Wuxuu ahaa ibnu saynaa wiil yar oo maskax ahaan da'adiisa ka wayn. Wuxuu alle ugu deeqay fahmo aad usarraysa iyo garaad xooggan oo ay la dhaygageen dadkii u soo xereeyay/cilmi-doontay guriga aabihiis iyo culumadii soo booqanaysay.


Fahmadiisa iyo firfircoonida maskaxeed ayaa u suura galiyay xifdiga quraanka kariimka ah  kahor 10 sano jirkiisii, isagoo dusha ka qabtay gabayadii carbeed in badan oo ka mid ah.


Markay da'diisu 13 sano madax la gashay, wuxuu bilaabay barashada cimiga caafimaadka, taqasus gaara ayuu u yeeshay oo ay weheliso hibo xagga rabbi oga timid, wuxuu daawaynta bukaanada bilaabay markay da'adiisu gaadhay 16 jir. Wuxuu wax ka bartay aqoonyahanno waaywayn oo fara badan oo muslimiin ah oo xilligaas noolaa.


Xirfada uu u lahaa caafimaadka ayaa muujinaysay inu leeyahay mustaqbal gaar ah , islamarkaana uu noqon doono shaqsi magac wayn. Kadib markii uu ku guulastay daawaynta suldaankii bukhaara oo ka cabanayay cudur ay dhakhaatiirtu garan waayeen, waxaa ibnu sinaa loo furay maltabaddii boqortooyada, isna dhankiisa si wayn ayuu uga faaidaystay fursadaas. 


Markay da'diisu gaadhay 21 Dani jir, ibnu sinaa wuxuu ahaa caalim wayn oo la isla dhax maro magaciisa, isaga oo qalinka u qaatay qorista kutubta. Ibnu sinaa wuxuu ahaa mid aad oga fog fagaarayaasha siyaasada islamarkaana aan ku masquuli faalooyinka iyo arimaha la xiriira dhankaas si uu oga fogaado is-xagxagashada iyo mashaakilka kale.


Ugu danbayntii wuxuu sal dhigay oo fadhiisin u noqotay magaalada asfahaan (waxay hada katirsantahay iran) halkaas oo looga furay dugsi wayn oo gaara.

Noloshiisu waxay ahayd mid ku astaysan aqoon balaaran, wuxuu uga tagay aadanaha dhaxal aqooneed oo balaaran, mirahaas ayaa ka dhashay tacabkii uu beeray mudadii uu dunida korkeeda joogay. Kaydka aqooneed ee uu ka tagay ibnu saynaa ayaa lasheegay inuu gaadhay 450 buug ama kitaab hadba Saad u taqaanno, waxaase ka baaqi ah oo hadda innaga soo gaadhay ilaa 240 buug uu kaga hadlay culuum kala gadisan ooy kamid yihiin, cilmiga caafimaadka, falsafada, cilmu nafsiga, bulshada, cilmul falaga, xayawaanada, beeraha, cimilada.


Wax qabadkii ibnu siinaa

Wuxuu safarro kala duwan ku maray meela badan isagoo isaga kala gooshayay deegaanno kala durugsan, ujeedkiisuna ahaa aqoon kororsi, wuxuu gooyay masaafooyin shaadheer isagoo doonayay inuu kasoo cabo galsha walba oo aqoon lagu sheego, mararka qaarna isagu gaadhsiinayay aqoonta meela kale. Wuxuu u wareegay khuraasaan halkaas uu hawlgal caafimaad ka qabtay, shaqada x caafimaad waxaa barbar socday dadaalo uu ku fidinayay aqoonta, isagoo kafuray dugsi waxbarsho. Galb kasta waxaa hoos fariisanyay boqolaal arday ah oo ka baran jiray aqoonta qaybeheeda kala duwan.


Ibnusiinaa wuxuu samayay qoraalo tirabadan, qoraalada uu sameeyay ee hada jir waxaa ugu muhiimsan kitaabka la dhaho ashifa oo loo tixgaliyo inay tahay mawsuucad dhamaystiran u kaga hadlay qaybo kala duwan, sida falsafada mandiqa, caafimaadka, qaanuunka, xisaabta, muusiga, cilmu nafsiga, falaga.


Geeridii ibnu sinaa


Kadib Muddo uu jeelka ku qaatay, ibnu saynaa wuxuu go'aansaday inuu ka baxo magaalada hamdaan sanadii 1022 miilaadiga kadib geeridii amiir buudi oo u shaqaynayay, wuxuuna u safray dhankaas oyó asfahan. Markuu gaaray asfahaan wuxuu ka hawl galay maxkamada wuxuuna ku qaatay intii danbe halkaas. Magaalada asfahaan wuxuu ku ebyay inbadan oo ka mid ah qabyo qoraalka kutubtiisa, kuwa kalena uu ku alifay halkaas kuwaas oo ku saabsan caafimaadka, luqada carabiga, iyo falsafad.

Waxaa la wariyaa inuu xanuun kasoo gaaray caloosha 1037-dii bale nasiib wanaag uu iska daaweeyay, isagoo adegsaday daawo uu gacantiisa ku farsameeyay, lakiin mid kamid ah kaalkaaliyayaashisii ayaa qalday qiyaastii loogu talagalay daawada taasoo keentay dilaac.


Daawooyin kale oo lagu dabiiyay ayaa markale loogu daray sun ugu danbayna waa lagu guulaystay isku daygaas lagu hoynayay ibnu saynaa. Inkastoo uu dadaal badan sameeyay isagoo kaashanaya khibraduu u lahaa caafimaadka inuu naftiisa badbaadiyo hadana waqtiga ayaa ka hilayay iyo ajassha lama dhaafaanka ah.


Wuxuu geeriyooday markay taariikhdu ahayd 1037-dii alarma u naxariisto naxariis waadaca oo haka waraabiyo janadii fardawsa.