Dakhliga maalinlaha ah

 

Dakhliga maalinlaha ah


Dadku maanta waxay dib u eegis ku samynayaan miisaaniyadooda waxayna isku dayayaan inay la socdaan doolarka oo cirka iskusii shareeraya marba marka kadanbaysa . Iyada oo maanta adduunka heerka shaqo la'aantu ay marayso saqafkii ugu sareeyay. Waxau si fudud ugu dhacaan dad badani inay qaataan daynn si ay bisha xigta ubixiyaan taas oo ah caado aad u xun.

Guud ahaan waxaa jira dhowr tillaabo oo kala duwan, oo aad u baahan doonto inaad sameyso, markaad qorshaynayso miisaaniyaddaada.



Waan ogahay inaysan u muuqan wax lagu farxo in lagu sameeyo isbadal hor-leh miisaaniyadaada, si kastaba ha noqotee haddii aad la timaado qorshe weyn, oo leh midho-dhal aad u balaaran dhamaadka waxay soo baxaysaa mid qiimo leh. Waa hab wanaagsan oo lagu ogaado halka ay lacagtaadu ku socoto iyo sida aad u dhimi karto kharashaadka baxaya.


Markaad ogaato wadarta lacagta ay tahay inaad shaqeyso, waxaad awoodi doontaa inaad ogaato halka aad ka sameyn karto isbadalka; hadba sida ku haboon. Waxaad u tixgelin kartaa miisaaniyadaada sidii qorshe kharash garayn halkii aad ka heli lahayd miisaaniyad kale. Sababta oo ah taasi asal ahaan waa waxa aad sameyneyso markaad abuureyso qorshe ku saabsan sida aad lacagtaada u isticmaali doonto. Aynu si dhow u eegno kuwan

tillaabooyinka kuu oggolaanaya inaad ka gudubto miisaaniyaddaada.


 samee sanduuq kayd


Isku day oo ku kaydi biilashaada sanduuq. Tani waa hab wanaagsan oo lagu farsameeyo biilashaada xafiiskaaga adigoon qaan galin o ugu dambeyntii aadan khasaarin.


Raad-raaca Lacagta


Sida ugu wanaagsan ee aad tan u sameyso waa raad-raaca dhammaan waxaad ku kharash gareeyso naftaada toddobaad walba. Tan waa inaad sameeysaa markasta oo aad dukaameysato. Waxaa laga yaabaa inaad la amakaagto markaad ogaato inta lacag ah ee aad runtii ku kharash garaynayso waxyaabaha aan loo baahnayn sida cuntada degdegga ah, dukaamada qaxwada, iyo dharka iyo waxyaalo kuwa kale oon muhiim ahayn. waxaad u baahan tahay inaad hesho hab aad ku yareyn karto kharashyadan.



Kharashaadka go'an iyo Kharashaadka Dabacsan

Waxaad u baahan tahay inaad ku bilowdo talaabadan adoo gelinaya miisaaniyadda dhammaan biilasha go'an oo aan la beddeli karin. Kuwaas waxaa ka mid ah biilasha adeeggaaga, kirada guryaha, caymiska, tagsigaaga, ujeedadu waa wax walba oo lagaba maarmaan ay tahay inaad dhiibto bil kasta. Kadib markaad sameyso waxaad bilaabi kartaa inaad ogaato kharashaadka fudud sida:

1. Shaaha

2. Balwadaha

3. madadaalada

4. dhar

6. iyo waxyaalaha kale


 Badbaadi lacagtan kago'aysa mushaarkaaga

 


Waan ogahay inay habboon tahay in la joojiyo makhaayadda , laakiin aad.laqabsatay in maqaayada kuugu dhow kasoo qabsato burger deg deg ah, laakiin qiimaha cuntada degdegga ah ayaa si dhakhso leh kor ugu kacaya. Sidaa darteed Isku day inaad qado u qaadatid shaqada. Si aad u badbaadiso xoogaa lacag ah oo aad cunto wanaagsan ugu samaynsan karto si raaxo leh gurigaaga.


Waxaa jira waxyaabo kale oo badan oo aad sameyn karto si aad uga dhigto miisaaniyaddaada mid wax soosaar leh, laakiin waa inaad ogaataa sida ku habboon ay isu dabooli lahaayeen kharashyadaada iyo qaab nololeedkaaga. Dhaqaalaha maanta iyo diiwaangelinta kharash bixintaadu waxay muhiim u tahay inaad kawarhayso dhakhligaaga maalinlaha ah iyo habkaad u maamuli lahayd.