Garaacidu caruurta ma toosisaa dhaqankooda



 Garaacidu caruurta ma toosisaa dhaqankooda


Caruurtu marka ay wax bi'iyaan ama edab darro sameeyaan waalidku falcelino kala duwan ayay ka bixiyaan si ay u dareensiiyaan ilmaha qaladka uu galay inta uu dhanyahay. Waxaa inta badan loo turjumaa falcilintaas ficillo gacan kahadal ubadan.



Anshax marinta wax ku oolka ah wax xiriira lama laha ciqaabta jirka ee carruurta. Daraasadihii ugu dambeeyay waxay muujinayaan inuu xiriir toos ah ka dhexeeyo ciqaabta jirka iyo natiijooyinka xun ee kadhan carruurta oo ay ku jiraan dhaawaca jirka, korodhka falalka xun ee lidiga ku ah dhaqanka bulshada, ula xisaabtanka sidii qof weyn iyo dulqaad sare oo xagga rabshadaha ah. Cilmi baarista ayaa sidoo kale muujisay in ciqaabta jireed ay qatar ku tahay daganaanshaha iyo koritaanka carruurta. Waa muhiim in waalidku ay helaan wacyi gelin lagu barayo qaabab kale oo ay ku edbin karaan caruurta, maxaa yeelay dhammaantood waxay si fudud ugu kacaan ciqaabta jireed taasoo laga yaabo inay isu rogto xadgudub kadhan carruurta oo keenta dhaawac jireed oo daran, waxyeelo nafsiyeed iyo xitaa dhimasho. 




Sannad kasta kumanaan carruur ah ayaa la kulma dhibaatooyin ay ugu wacan tahay xadgudubka jirka. Caruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo xadgudubka jirka, kaasoo laga yaabo inay dhaawacaan ilmaha.


Waalidiinta badankood ma jecla inay u isticmaalaan ciqaab jireed oo ay uleeyaan si ay u edbiyaan.  Ilmaha ku nool jawi xanaaqe ayaa halis ugu jira dib udhac bulsho, mid shucuureed, mid jir ahaaneed iyo horumarka maskaxeed.  Qaababka edbinta ee waalidku isticmaalaan waxay u adeegaan sidii tusaale  ugu noqon lahaayeen kaas oo carruurta baraya sida loola macaamilo caqabadaha maalinlaha ah ee nolosha. Waa muhiim in waalidku ay qaabeeyaan dhaqanka ku habboon iyo inay dhisaan filashooyinka iyo sidoo kale xakamaynta. Caruurtu waxay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan jawi aamin ah, oo kobcinaya, sharaftoodana waa in la ixtiraamo. Waalidku waa inay si joogto ah u isticmaalaan farsamooyin macquul ah markasta oo carruurtu ku guuldaraystaan inay raacaan xeerarka. Waa inay maskaxda ku hayaan in ilmuhu aanu ahayn qof weyn oo qaan gaar ah, laakiin edbintaasi waa inay ahaataa mid la da'a ah oo ku habboon dabeecadda ilmaha iyo cimrigiisa.


Dadka waaweyn ee aqoonsan inay dhibaato ku qabaan ul u adeegsiga carruurtoodu waa inay si dhakhso leh u raadsadaan tala-bixin xirfadeed si ay caruurtooda oga saaraan jawigaas adag islamarkaana ilaaliyaan dareenkooda maskaxeed.