Aqooon iyo
iimaan … sayniska iyo mucjisada quraanka
بسم الله الرحمن الرحيم
Waxaan rumaysanahay ka muslimiin ahaan diin wayn oo la yidhaa “diinta islaamka”. Waana midi alle (subxaanahu watacaalaa) ku soo ebyay taxanihii dheeraa ee sharaaicda ka imaanaysay samada ee ay anbiyadu soo gaadhsiin jirtay banii aadamka.
Khatinkii fariimaha ka imaanayay alle waxay ahayd risaalada diinta
islaamka, waxaana inasoo gaadhsiiyay rasuulkii ugu danbeeyay anbiyada alle soo diray.
Sidaa darteed waxaa loosoo dhiiibay xojjo dhamays tiran oo waqti walba lagu
qanco casri walbana luqadiisa kula hadasha.
Xujada quraanku waa mid casri walba la socota
Gaalnimada iyo islaanimadu waa labo iska soo hejeeda
waloogood, hardana ka dhexeeyo isla markaana la soo da'a tirsaday. Waa dagaalka
ka dhexeeya xaqqa iyo baadilka. Dagaalkan ayaa ah mid hadba waji yeesha, hanaan
kolba cusub lasoobaxa. Waxaana gunshig u ah oo lagu saleeya hadba waqtiga
lajoogo.
Hanaanka waxbarasha e reer galbeedku hogaamiyo ee culuumta
maadadu xadhka goosatay islamarkaana guri walba ay gashay, ayaa waxay sameeyeen
gaaldu isku dayo ay ku marin habaabinayaan da'ayarta, iyagoo shaki ku abuuraya
ay ku wax yeelaynayaan iimaankooda.
Mucjisada luuqadeed ee quraanka
Xiligii xabiibka (salla llahu calayhi wasalam) lagu soo dajiyay, wuxuu
quusiyay oo u cajis galiyay fasaaxadii luqadeed ee ay ku faani jireen bulshadii
carbeed ee xilagaas noolayd, isla markaana ahaa kuwii uu dhaxdooda ka kacay
iftiinka hanuunku.
Waxuu ahaa casri uu taaganyahay calanka af tahanimadu. Wuxuu soo dagay
quraanku ayaamo lagu tartamo, la isugana faano anaa kaa af dheer iyo anaa kaa
af tahansan. Balse quraanka kariimka ah ayaa hor dhigay fasaaaxo iyo balaaqo
aanay ka lug bixi Karin. Wuxuu ku muquuniyay halraac isku taxan, hab dhac lala
qushuucu, kaas oo xanbaarsan cilmi aanay waligood maqal dhagtoodu. Markaasay gaalnimadii
asqowday, halalkii gabayga ahaa ka kala lumen. Ugu danbayn waxay miciin bideen
inay faraha dhagaha galiyaan si ayna u maqal subciska aayadaha qalbiga u dusaya
iyagoon albaabka soo garaacin ee xaqqa ah isla markaana ann la is hortaagi Karin.wuxuuna
alle ku timaamay aayadan:
لا تسمعوا لهذا القرآن والغو فيه
“Waxay dhahaan ha dhagaysanina quraankan ook ku buuuqa”
Maanatana waxaa laga jooga xiligaas 1400oo sano in kabadan walina
quraanku sidii ayuu mucjiso u yahay, hormarwalba oo aadanuhu curiyana waa mid
la gudhinaya oo aanu ka gudbi Karin. Ujeedka qormadeenuna waxay salka ku haysaa
icjaaskaas, waana cadaynta ugu wayn ee tusinaysa xaqnimada kitaabkan iyo in
uusan bashar alifin.
Aqoonta casriga iyo quraanka
Saynisku wuxuu sitaa taaj oqoonta casrigan, iyada oo ay gaadhay aqoonta
ku abtirsata hal-abuurka aadanaha heerkeedii ugu sareeyay, ayaan wali ka gudbin
itixaanka alle ee horyaala ee muujinaya inaanu ahay hadal dad. Quraanka ayaa
aqoon walba oo ay daah furan, usheegaya in hortood laga hadlay. Taasina waxay
daliil u tahay in cida kahadashay xogta hada la gaadhay muddo ka horraysay 1400
oo sano xiliga ladaah furay ay tahay cid wax walba ogg.
Sida ku cad yaadan wuxuu rabbi swt leeyahay:
{سنريهم آياتنا في الآفاق وفي أنفسهم حتى يتبين لهم أنه الحق من ربهم}
“waxaanu ka tusinaynaa aayaadkannaga jahooyinka iyo naftoodaba si ay ugu caddaato inuu yahay xaq xaggood kasugnaaday”
Isku dayga guuldaradu la daristay ee gaalada
Gaaladu tuur iyo gulxaba way isu yeeleen, tuur walbana way u fuuleen,
bal siday u burin lahaayeen quraanka, haday isku dayeen kuwii xiligii usoo
dagayna waxaa lagusoo af jaray bal mid lamida keenaa, waanay waayeen,
ceebtoodiina waxay nsoo mudh tidhi markay hal kalmad allaha kayeele wax
quraanka u eeg ka quusteen, taasayna ku garwaaqsadeen inuu hadalkani yahay kii
alle intii isdiidsiisay moyee.
Quraan ka kariimka ah ruuxii u hela lab furan oo iimaan leh iyo maskax
miyir qabta, caqligana kashaqaysiiya kuna tafakura waa mid ay ku dhantahay
aqoontii hore iyo tu danbaba. Maxaa yeelay waa kalaamkii allah kan og wixii
hore iyo wixii danbaba. Kawarhaya wax maqan iyo wax joogaba.
Aqoon walba oo lagu tookho, islamarkaana aadanaha looga martiyo quraanku
waa mid ka guda wayn, waana mucjisadii ugu waynayd mucjisooyinka xabiibka (sala
llahu calayhi wasalam) lasiiyay.
Quraanku waa cadaynta wax walba
Quraan icjaaskiisu waa mid aan laga gayoonayn dhan walba oo aad kaga
timaadana waa badwayn aan lahayn xeeb ay ku dhamaato, haday tahay dhanka
tashriica iyo xeer dajinta, oo uu yahay kitaabka qudha ee laga heli karo sharci
dhamays tiran oo cid walba qanciya. Sidoo kale nidaamka akhlaaqeed ee uu
dajiyay, nidaamkaas oo raadkiisu toos uga muuqdo culture da bulshooyinka
muslimka ah, waxaanda dareemi karta habka uu ugu milanyahay dhaqankooda. Taariikhda
iyo sida uu uga hadlay, qisaska iyo sida uu usoo bandhigay, waa mucjiso aan la
qiyaasi Karin.
Wax walba oo aan yabyabano hadaan ilma aadam nahay kor ka ayuu kaga
imaanaya.
Mucjisada aqooneed ee quraanka kariimka ah waa mid waagii yimaadaba
taagan, islamarkaana la jaanqaadaysa , talaaba walba oo banii aadanku u qaado
dha ilbax nimada iyo aqoonta. Sababtoo ah waxaa loo keenay inuu mugdiga inaga
saaro, oo aan iftiinka u baxno. Talaabo kasta oo aan dhankaa u qaadnana waxaa
fahan dheeraad ka helaynaa quraanka kariimka ah, inagoo ku raaxaysanayna
macaanida ay ka gaabisay aragtideenu inay gaadhno fahankeeda, sabankeedii oon
la gaarin owgood.
Quraanka iyo sayniska
Wali mucjisada quraanku waa ka yaabisay cid walba oo wax yar oo aqoon ah marsaday. Waqti xaadirkan waxaan ku jirnaa xiligii sayniska iyo tiknoolajiyada wax walbaana noqday, itu oo I taabsii, ilbaxnimaadsi waxay six un u saamaysay diimo fara badan oo dad badan haysteen, iyadoo ay dadkii aaminsanaa u bexeen daanta diin la`aanta ama ilxaadka.
Taasina waxay timid markay arkeed wax
yaabahay diin ahaan aamin sanaayeen oo ka hor imaanaya xaqiiqooyinka aqooneed
ee ladaahfuray islamarkaana hortooda kamuuqa, su`aalahaasna diimohoodu wax
jawaaba u waayeen. Diinta kaliya ee ka jawaabtay isla markaana is waafajisay
xaqiiqooyin la saleeyay ee ka dhashay tijaabooyinka saynisyahanu sameeyeen,
jiritaan keedana aan mugdi ku jirin, iyo caqiidada diimeed, taasina waxay
cadaynaysaa inay tahay caqiidada saxda ah ee wkh tigeedii joogtaa inay tahay
iyada. Sababtoo ah ma jirto diin ka hor imaanaysa waqtiga loogu talagalay, iyo
garaadka dadka loogu talagalay.
daahfurka saynis yahanad iyo wuxuu quraanku ka yidhi
Saynisyahanadu waxay daah fureen xaqiiqooyin cilmi ah , laakiin waxay
suaashu tahay ma ku waafaqay quraanku?
Bilawgii koonka
Dhalashada koonka bilawgiisii, cida bilawday, waxyaabahaasoo dhami waxay
ahaayeen kuwa ay mudo dheer suaali ka taagnayd, islamarkana waxaa laga bixin
jiray jawaabo kala duwan oo la xidhiidha hadba xiliga lahoogo iyo cidaa
muctaqadaadkeeda.
Saynis yahanadu markay ka hadleen arimaha la xiriira abuurista koonka ,
iyagoo adeegsanaya caqligooda oo kaliya kana qaawan wax walba oo diin la xidhiidha,
waxay soo saareen aragtiyo kala duwan, iyagoo isku dayaya inay sharaxaad ka
bixiyaan abuurkii koobaad ee koonka, si ay ufahmaan dabeecada koonkan.
Hadaan soo qaadano aragtida hadda ugu taageerada badan waa ta sheegaysa
inuu koonku ka dhashay qarax kaas oo loo garn ogyahay “big bang” iyaga oo ka
tix raacaya cilmiga loo yaqaano fisigiska falaga “astronomy physics” waxayna
leeyihiin qaraaxaas ka dib mudo gaaban ayuu ku kala fiday. Hadaba maxaa kaga
aadan caqiidada? Horta aragtidaas waxay muujinaysaa oo ay markhaati iyaguba ka
yihiin, inuu koonkani bilow lahaa. Talabaad hadii ayna keenin cadaynta inuu
qarax ku bilaabmay oo wali iska aragti uun ah, kubaddu goolkooda ayay wali ku
jirtaa, waxaana meesha soo galaya inay jiratay cilad kadanbaysay abuurkaas
intaas le`eg, nidaamka intaa dhanna suura gal ma aha bilaabe la`aan ayuu ika
bilowday.
Haddi ay jawaabtaas waayaan,
cadaynta waxaa haysa diinteena suuban, isagoo inoo sheegaya inuu bilaw lahaa
koonku, isla markaana sii raacinaya qodobka ayna sheegin ee ah cida kadanbaysay
abuurkiisa.
Waxay leedahay aayadan barakaysan:
{بديع السموات والأرض}
“alle waa bilaabihii samooyinka iyo dhulka”
Ayaadan waxaa ku cad mida ay kamar khaati keceen, oo ah in uu konku
bilaw lahaa, islamarkaana waxay ka jawaabtay mas aladii ay bixin waayeen ee
ahayd, cida ka danbaysay, waxay si qeexan u cadaysay ciddaas, waana allaah
subxaanahu watacaalaa.
Mucjisada fiditaanka koonka
Quraanka ayaa sheegaya xaqiiqo manta uun ay gaadhay aqoonta banii
aadamku taas oo muujinaysa inuu koonku sii fidayo marba marka ka danbayso. Quraanka
ayaa ka hadlay xaqiiqadan kahor 1400 oo sano xiligaas oo aan la aqoon wax
tiknoolajiyad ah, islamarkaaana aanay jirin tiskoobyo, iyo dayax gacmeed toona.
Wuxuu rabbi leeyahay subxaanahu watacaala:
{والسماء بنيناها بأيد وإنا لموسعون}
“samada annagaa ku dhisnay awoodayada
anagaana sii waa sicinayna”
Aydaasina waxay
u cadaynaysaa in cilmaga lagaa dhay aanu waxba ka ahyn aqoonta ku jirta
quraanka kariimka ah.
gunaanad
Wxaan kusoo
gaba gabaynayaa, horta quraanku waa hadal alle, wuxuuna inooga baahanyahay
inaan dhuuxno si aan u fahano, ogana faaidaysano. Wxaa hubaal ah inuu yahay
wadada aan kaga samata bixi karo cidhiidhiga aduun iyo ka aakhiro labadaba.
Afeef
Wixii aan
saxay waxay ka ahaadeen ilaahay. Wixii aan gafay, aan laaximiyay, amase aan
qalad ahna waxay ka yimaadeen aqoon yari dhankayga ah, iyo naftayda xun iyo
shaydaan.