Maxaad sameeyn lahayd haddii rabbi jannada ku geeyo????

 

Maxaad sameeyn lahayd haddii rabbi jannada ku geeyo????

adoonka Ayaa waxuu ku jawaabay sida tan:

Waxaan aadi lahaa Asiya oo ahayd Fircoon xaaskiisii, oo waxaan weydiin lahaa sideed dhagaxii waynaa ugu qaadi kartay calooshaada??!


Hadana Waxaan aadi lahaa sayidkeena Othman binu cafaan oo waxaan weydiin lahaa sideebaad ugu khatintay Qur'aanka oo dhan hal rakcad oo salaad ah.


Waxaan aadi aadi lahaa sayidkeena Musab bin Amir oo waxaan weydiin lahaa sidee ayaad ugu adkaysatay waxyeelada hooyadaa kuu geysatay uguna adkaysatay inaad soo hijrooto.


Waxaan aadi lahaa ragging saxaabada ahaa ee jannada loogu bishaareeyay, oo waxaan weydiin lahaa sideebaad jiifka u qaban jirteen idinkoo og inaad jannada geli doontaan.


Waxaan aadi doonaa marwo Haajar oo waxaan waydiin lahaa, sida aad ugu guuleysatay inaad ku noolaato cidlada adiga oo aan cidina ku ilaalinayn.


Waxaan aadi lahaa sayidkeenii Bilal oo waxaan waydiisan lahaa imaqashiiyo eedaankii, sabtoo ah waxaan wali maskaxda ku hayaa inaan maqlo mudinkii Rasuulka (scw)


Waxaan aadi doonaa nabiyulaahi Yuunis oo waxaan weydiin doonaa sida aad ugu sii jiray caloosha xuudka muddo dheer?!


Waxaan u tegi lahaa sayidkeenna Cali oo waxaan weydiin lahaa sida aad, markii aad yarayd, aad u awooday inaad u tagto oo aad ugu seexatid meesha Rasuulkii Ilaah adoon ka cabsan??


Waxaan u tagi doonaa Abu Bakr oo waxaan weydiin doonaa sida aad ugu adkeysan karto markii Rasuulkii Ilaah dhintay ilaa aad dadka u baxdid oo aad u sheegto dhimashada saaxiibkaaga iyo Rasuulkii ummada?

Anigoo og jilicsanaanta qalbigaaga, naxariistaada, iyo ilmada badan ee indhahaaaga?


Waxaan aadi lahaa sayidkeenna Muuse oo waxaan ka waraysan lahaa sida uu ugu adkeysan jiray awooddii Fircoon.


Waxaan aadi lahaa sayidkeena Cumar bin Al-Khattab oo waxaan u sheegi lahaa inaan aad u jeclahay oo aan weydiiyo sida ayaad dareentay markii aad u noqotay nabiga asaxaabi ka dib markii uu adoo ahaa cadowga ugu ugu wayn ee kasoo horjeeda?



Waxaan aadi doonaa sayidkeena Yusuf oo waxaan u sheegi doonaa qisadiisa inaan aad u jeclaan jiray surada loogu magac darayna ay ahayd.



Waxaan la fariisan doonaa xabiibkeenii Muxammad - naxariis iyo nabadgaliyo korkiisa ha ahaatee- oo waxaan ku odhan lahaa wax badan ayuu qalbigaygu tabayay inaan nolosha ku arko, lakiin waxaan eebe ku mahadinayaa inuu igu maamuusay inaan kugula kulmo agtiisa. Waxaanan usheegi lahaa inaan rabo inaan kawaraysto marxaladihii uulasooaray dointa iyo sida uu ku faafiyay. 


Waxaan u tegi doonaa Eebow haddii uu igu sharfo arggiisa, markaan arko ma hubo inaan awoodi doono wax hadal ah farxadda owgeed iyo maamuskaas lama filaanka ah.