Qabiil iyo qabyaalad aan kala saarno

 

Qabiil iyo qabyaalad aan kala saaro

 
Way fududahay qabiil oo waa lawada yaqaanaa, oo ruux walba wuxuu kasoo jeeda faamili, jufo, qabiil, ama beel wayn laga yaabo inuu ka tirsado ilaa 100 oday iyo kasii badan.
Waana wax qurux badan.

Maxaa yeelay Waxaa alle inaga dhigay bani aadam, wuxuuna qiraanka kariimka ah ku xusay inuu karaameeyay reer banii aadam. Wuxuu ahaa nabi aadam cs bar bilawgii tafiirteena, akdib markii laga abuuray dhoobo, islamarkaana la  galiyay ruuxda. Hooyadii u haraysayna waxay noqotay xaawa. Halkaasna waxaa kabilaabmay taranka dadka ee alaa maanta sii balaadhanaya. Nin walba oo dadka kamid ah waxaa dhalay hooyo iyo aabbo, markii lasii dhaafana wuxuu madaxa lagalayaa hayb qabiil oo uu kusoo taxayo awaw ka awaw, waalidiintii uu duudkooda isaga soo kala gudbay laga bilaabo aabihiis, ilaa iyo inta uu gaadhsiin karo. Waana dhaqan lagu garto qofka haybtiisa, islamarkaana lagu dhawro sharaftiisa.
Maanta oo aan joogno qarnigii 20aad, nahayna soomaali waxaa ka sheekaynaa qabaail, isagaan isugu faana , isku cisayna, isagaan isku xaqiraa, taasina way ka baxsantahay ujeedadii laga lahaa qabiilka.
Waxaa ku jirta quraanka aayad sheegaysa micnaha dhabta ah iyo xikmada wayn ee laga lahaa qabiilka. Ayaadan oo ku jirta, suurat al zijri ayaa u 
dhiga sida tan: (يا أيها الناس إنا خلقناكم من ذكر وأنثى وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا إن أكرمكم عند الله أتقاكم)
(Kuwa alle iyo nabi rumeeyoow anna ayaa idinka abuurray lan iyo dhadi, waxaan dinka dhignay shucuub iyo qiillo si aad isugu garataan uun , alle agtiis waxaa ugu karaama badan kuwiina ugu taqwada badan)

Inagoo ka duulayna ujeedada laga lahaa qabiilka, ee aayada ku cad, waxaan u baahanahay inaan kusoo celino booskeedii, kaas oo ah in la isku garto oo kaliya, qabiilka maaha in la isku faquuqo , amaba la isku liido, yaso, balse waa in la isku garto oo kaliya, lagu xidhiidhiyo qaraabada, intaas oo dhana waa mid alle agtiisa la jecelyahay. Qabaailka soomaaliyeed way dhaafiyeen halkaas waxayna ka dhigteen gaashaan ay ku ilaashadaan danahooda kale, iyo quwad lagu duudsiyo dadka tabarta yar, loogu hiiliyo danbiilaha. Waxaan marqaati kawada nahay in ay beeshu inanka ka dhadhay marku dhib gaysto ay dhabarka marsato, golahana ay isa soo tubaan odayaal gadh cas ah kuwaas oo isaga matalaya halkii ay kasoo qaban lahaayeen, kuna fulin lahaayeen talaabada sharciga kaga aadan.
Qabiilka sida aan u adeegsanay waa mid lid ku ah  nolosheena tafiirteena, iyo horumarkeenaba.

Sunta Qabyaalada 


Horta ogow qabyaaladu way ka duwantahay dhaqan ahaan habka qabiilka loogu talagalay. Qabyaaladu waa bilaawaha lagu kala saafo, islamarkaana qurub qurub loogu jar-jaro hal beer ah. Waxaa ayaan darra ah in ay tahay 

Waxaa xusid mudan inta aadan ku dagdagin inaad qof danbi oga dhigto haybta uu kasoo jeedo.4
In aanu wax lug ah ama tala ah ku lahayn in uu ka dhasho reerka uu yahay. Mana joogin, xiligii laga beerayay dhabarka aabihiis, war kamahayn waxna lagama waydiin.


Marka bilaahi calayka ma dawbaa in loo qabsado wax uusan talo ku lahayn lagalana tashanin. Maqabataa in loo dilo maxaad oga dhalatay reer hebal! Maya aniga siday ilatahay, waana dhaqan cawaan nima ah oo laga xumaado. Qofka bini aadamka ah waxaa lagula xisaabtamaa maaha , qoloda uu kasoo jeedo, mana ahaa midabkiisa, oo labadaba rabbi baa ku shuqul leh, laakiin waax falka isagu ku kaco, iyo waxa kasoo fula, shar iyo khayrba.


Qabiilku waqti xaadirkan  bulshadeenna waa kansar aad ugu sii faafaya. Waxaad arkaysaa caruur aan wali hadalkaba baran oo lagu ababinayo waxaa tahay reer hebal laandheere. Waxaad moodaa inaan nahay labadii qabiil ee madiina daganaa ee aws iyo khasraj islaamka ka hor siday ahaayeen inaan soo celinay. Waxaan kusoo afmeerayaa in laga fogaado qabyaalada iyo kicinta dacarta fadhida. Waana Sida uu tilmaamay abwaankeenii waynaa aun timacad markii uu lahaa: "dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane".