gabayadii dhoodaan kuwa ugu shidan
Gabaygii
dalxiis
Dalkayaga
dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay
Dulwareejis
guud baan tilmaan, kugu dawaarsiine
Ila
daawo oo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne
Hanfi,
dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere
Madaayaan
daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane
Oo
daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e
Umana
doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye
Mana
dookhdo duunyadu dhul kale, sidan daraadeede
Inta
Dahare, Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Ee
daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne
Waana
dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure
Durdur
iyo dad haro uu qotiyo, kali daf oo buuxa
Tog
durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daacye
Biyaha
daadka dooxiyo hundaba, way dindimayaane
Markaasuu
qofkii doonayaa, dalaga beertaaye
Madardarin
farsamadii shacbigu, tacab ku doontaaye
Harqodkii
dagtay kootar adag, dacal u saaraane
Jiqirtidaan
dabcayn nugi durtiyo, kooshi noo dadabye
Minaaq
daloolay bay marashadii, loo dusinayaane
Digiraday
dabfiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye
Minaaq
daloolay baa marashadii, la isku daabtaaye
Xadhko
dunniyo suun iyo qoryihii, layska wada duubye
Sango
dacayan dagaal kaa u sudho, lagu dabaabeeye
Markaasay
dullaha qaadannooy, daba istaagaane
Alaabtaa
carada jeexi bay, dibidu jiidaaye
Ciid
abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane
Dhulkuna
daahimaayee sidii, lagu dareemaayey
Durba
midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye
Oo
dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede
Hadana
way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiinkara e
Doc
katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnaaye
Waliba
shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye
Waxay
ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe
Doofaarraday
kaga ceshaan, amase daanyeerre
Wadhaf
bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e
Mudayba
laydh dabaalane kolkay, diircadaad noqoto
Qof
dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan
Looguma
daree beerta waa, laga daryeelaaye
Wixii
deeqi karay baa martida, looga sii dubiye
Qofkii
aan dagmada gaadhin bay, sii dibiriyaane
Qodaal
darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeerre
Way
ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guute
Bakaar
duugte xero ood la dayr, oo karoodsada e
Qofba
wixii dorraad kayd u yiil, wuu diq-diqayaaye
Dhulkani
deeq allaalehe intuu, naga durduursiiyay
Wixii
Daa'in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba
Dibno
kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye
Duuduub
ahaan saricii waan, kuu dulleed mariye
Dabrocelinta
hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye
Tanna
ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e
Inkastoo
daraanshihii batay iyo, dacatigii maalku
qof
daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya
Isba
caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye
Danga
malaha duunyadu hadaan, layska daayicine
Ma
darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge
Iyaase
dahalkii aan damcay, tani duwaysaaye
Maansada
dariiqii horaan, kuugu daadihine
Gu
iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle
Afarta
xilli dacalka Bari, waa isdabajooge
Dagmadiyo
siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo dooga
Durdur
iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne
Hadalkii
aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe
Waxba
yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere
Ma
daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane
Maantana
halkaa noogu daa, haysku sii diline
Diyaar
noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye[1]
Gabaygii xuuraa baf
Baadiye
raggii joogi jiray, balad markuu aaday
Hargaysana
u baysala-dhawdiyo, taa Baandiraba
Boqolaal
waxay igu tageen, been iskaga noole
Budhcad
suuqa maraysatoo, badan kuwii raacay
Ilbaxnimadii
lagu baaqyeey, baro yidhaahdeene
Bandarada
asluubta leh iyagoon, wali la baashaalin
Hal
bootaalaa jiita iyo, koox ba’naano ahe
Badh
saaqida iyo tuug miidhan bay, baasha ka ordeene
Badhaysaha
warkii lagu qubay, barako moodeene
Barbarkii
xumaa bay ileen uga bilaabeene
Wixii
edebta lagu beelayee, bi’in lahaa ruuxa
Loo
baratan waxay moodayaan, buro la dheeraaye
Basarxumo
magaaloo dhan baa, u biirta dabadeede
Beryo
iyo kolkay bilo jireen, baarqab la ismoodye
Markaasay
qalbiga buuxisaa, inay wax boobaane
Babaw
bay noqdaan iyo markaa, xuurta baalka lehe
Kuwii
baabadaa lagu ride, booca dheer lulina
Isma
bixiso booraan libaax, inay ka baydhaane
Bahalay
sidaa kaga dhigeen, beer walaal cuniye
Bani-aadminimadii
wakaa, loo badalayaaye
Berri
garasho uma dhaafsaniyo, uurta buuxsada e
Barkhad
iyo balaayana ma oga, kii bishaaro lehe
Midkii
boolaxooftiyo la kaca, baanis iyo guuxba
Durba
waa ka baybaysadiyo, camal barooreede
Marna
waa ka booboodayee, soo batarin dheele
Isagoo
rag kala baayacday buu, boqor ismoodaaye
Baguu
odhan hadduu badhi liqana, baarri buu noqone
Haddii
nacabkii baabi’in lahaa, beesada u dhiibo
Ballan
qaadna loo raaciyiyo, biro dhalaalaaya
Ujeedada
ma baadhiyo inay, boogi daba taalle
Ma
baaldhigo xuduudka babcan een, laga dul boodayne
Farxad
iyo bislaysaa gashoo, wuuba bararaaye
Shir
bilaada laysaga wiciyo, talo la baandheeyay
Hadba
baalna laysula rogoyoo, buuqii lagu daalay
Barta
laysku raacee wanaag, badi la doormoodo
War
waa taa in lagu beegsadiyo, xaajo loo bogaye
Arrinse
buug lahayd oo ma jirin, gaadhay beeshanuye
Dhulkan
fadhato baahnayd sidii, loogu galay bowdka
Dal
bannaan u yaallay heleen, deedna boolyada e
Baabsiguna
taasuu ku yimid, uma badheedheene
Innagoon
baraarugin kuwii, buunka noo tumayey
Intay
diratay niman buufinno ah, ooy barjaha siiso
Ooy
baagamuudiyo gurteen, wiilal baadiyaba
Ooy
baaxadsooriyo dhigeen, badaha xeebtooda
Buntukh
iyo banbaanadii dhulkiyo, waliba baasuuke
Baas
iyo balaayaba intay, badaw usoo dhiibtay
Is
burburiya waa waxay ku tiri, oo is baacsada e
Innagoose
dad weynuhu badqabo, bulannay laakiinse
Budda
waxaa na dhigay weerarkay, nagu butaacsheene
Iyo
baaqigii lagu dirqiyey, Bii-Emkii gubaye
Ama
baylahsigii xoolahay, bililiqaysteene
Markay
baqatay xuuraa baftii, ina
baduugaysay
Barbaar
fulaya baayacmushtari, boorso jiidanaya
Oday
boxosh ah balabaadka iyo, baanda jaahilaba
Nacas
buunshe leef ah iyo hangool, ay billado siisay
Oo
balanbal reeraha bada oo, ba’an ma waayaane
War
birmadkay isagu sheegiyee, lagu bilkaydaayo
Iyo
cadowga booriniye shacbiga, baygagshoo dila e
Ballidu
qaadi maayaan kollay, beelahaa idile
Adhyo
badan lo’dii balaqsigiyo, boqolka geel dhaafay
Iska
daa barmiil loo gadiyo, baaldi loo horiye
Birqodkoo
bilaashayba qaar, balalo gaystaane
Biyo
ceel barwaaqaqda dhulkiyo, meel bur iyo doog leh
Barkad
lacag ah kii uga raree, beecso yidhi jaalle
U
bakhtii buktiyo xaaluf iyo, oon busaarad ahe
Kuwaasaa
shacbigii baaba’shoo, waa bas taladoode
Baqoolahay
xaggaa uga rareen, bacadkii jiilaale
Biji
dheer hangool lagaga xidhay, bawdadiyo qoorta
Baagada
wakaa loogu qoray, boqon dhawgoodiiye
Inkastoo
bur-ciid lama madhshee, saa naloo buriyey
Dhagaxa
buuraha kama yaree, waa bidhbidhateene
Mana
baraad la ee way barteen, kii boqnaha goyne
Billowgeeda
qolihii leheey, godobtan baahaysa
Rag
badheedh xumaan ugu tabcooy, buubsataa jira e
Ummaddii
badbaada jarteen, nabad u baahnayna
Waxba
booqan maayan iyana, baan ma sugayaane
Bulshadii
abuurtte colaad, baaji laga waayey
Is bariinta diidee cidday, buurato aan dhawro[2]
gabaygii duraaqsi
Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan, igaga soo duulayGabay daallan aadna u dalfaday, oo durqumi taan lehGabay dood abwaan loola baxay, ama durbaan dhiiloOon kuba dareerayn xilliga, doorku yahay maantaOo doola bay soo dardaray, waanan daawadaye Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiligaNimankiina darandooriyee, gabayga soo duubayFalastiin gumasigi dafaad, uga daraateene Dalkan Yurub Israa'iil dajine, xoog duldhige NaatoUma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateeneWar xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaalaDanbiil lacaga, doolar iyo dahab, ma gooyaaneDhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahayeUmadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoodeHa iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine Soomaaliya ku soo durug, bal aan dayno FalastiineDagmo, balad, in dallag beeratiyo, daaqsatada guurtaShacbigaan danqaabiyo dhex ool, dira-diraa toonaShacbiga isu deexdee kalgacal, wada dalxaynaayaUmadaa wadaniyiinta eed, dooni sharaf toodaWalaalahan isdaaraynin ee, ooda wada dayrtaMaxaa loogu doolaabayaa, duhur in lays boobo? Kuwase qaar falbay nagu dabreen, cid u dareensiiyayWaxna furdaamis bay dooni yidhi, sixir la daandaamayDanbigooda lama dhaafayaal, waysku dilayaaneSoomaalina danteed kama hadline, waa dariiq lumise Kaa dunuunucaayow adoon, duulal kale caayinAdoon daala dhaaf iyo af xumo, qaar dacaayadininSoomaalida dalka u siman adigoon, kala dambaysiininWar duuf iyo dhaleeciyo adoon, ceeb dusha u saarinDanbas aad ku saydhiyo adoon, deeb marmarinayninKaad durraamanaysiyo intuu, deeqi hadal kaaguEed Daarood kusheegayso maad, aayar daydayatid?Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca, idin dabaalsiiyey? Kuwiinaa dardaarmiye lahaa, aafadii darartayEe Daarood sidii sheekh digriyi, ugu garaar daayayMa tu laydin dirayaa dirqigu, waa ba dooc kale?Mise waa dubaaq iyo waxay, damacday laabtiinu? Xukunkii dakhaakhulay uunbaa, show duraaqsadaye!Ragga gabayga dirayow hadaad, nabad ku doonaysoOod xumaha diidoo samaan, ugu dacwoonaysoSoomaalida maxaad uga duwdeen, idinba Daaroodka? Dacdariyo dareenbey ogtahay, dhiilo danantaayeWar qaylada dannaaniday, anoon daalacba u raacinDad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayeeMaxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay? Hadiise dacayda loofuray qabiil, sidanna loo daacoDuntiyo kay wadaageen jinsiga, ama degaankoo dhanSoomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday?Mise roobab duufaanle baa, daad iyaga qaatay?Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ahKolkaanse baaqa loo dirin ayaga, maw dardaarwarisay! Soomaliyi makala daah adkayn, dayro iyo deeqeDiif hadduu badh qabo reer majiro, daranyo beelaayeDacatigiyo waa loo sinaa, deexsi nololeedeInta qaar ladaayacay miyaa, gobol la baar daajay? Dubbayn uga ma jeediyo macnaha, sii dacaayadiyeDabroo celi su'aalihii madayn, ii dihnaa waliyeDhulka waad kasoo dayriseen, daakhil kiina aheDildilaacintoodaan rabnaa, wararka dihimooneeDakaniyo haday timid colaad, lays ku wada dooxdayDabbow duur gub hoosaa jirtiyo, ollol dareemooyeWar duumiyo, dabayl cudur ah iyo, durrayga yaa beeray?S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsanSoomaaliya dabeed lagu badalo, magacan DaaroodaMa qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso? Dayaxa Afrikaad baan nihiyo, Xamar qabiil duugtayMaba durugsanayn taa kolkay, soo daldalayeeneDaarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo? Is durraamad kiinaa bixiyo, dhawr dublaa jiradaKu darsoo iblays darajaliyo, doofillaa wadayeDhibaatada daryaantee sidii, danab u yeedhaysaBalaayada markii lala dardhaday, dakharka yaa gaystay? Ragiise loo dabaaldagi jiree, Xamar ka doobyaayaInay nabada daanyo u noqdaan, ma isku dayi waayay?Badhkiin eray duxluu noogu daray, tii uu daabacayeWaxaana maansadiina u da' wayn, doona xididkii eQofka dudaya duulbaw gafaye, sheeg ninkii didiyay? Dallanbaabigiyo oohintiyo, ciil la dabandeebkaSida lagaga duudsado hadaad, wax u dabiibaysoHorta dibada maad soo dhigtaan, kii danbiga gaystay? Doxor iyo danaystaa ku jira, dayrka reeraha eTaliskii dakhaakhulay unbaa, show duraaqsadayeIdinkaa duliga sheegayiyo, dacarta kii qooshayWar Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay? Hadiise maamul daadihinayaa, dulin abuuraayoDaalimiinta iyo daacadii, ha isku duubina eKuwa idin dakhaakhullahayee, ruuxba ruux dubo lehEe dhaardusmayn jiray miyaa, idin leh Daarood dheh? Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eedaMarkaan dayay ujeedada ku dahan, tiina dulucdeedaSaw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda?Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e! Tol baan dumida aad leedihiyo, daawo maan xidhanoHaday malab dibnaha kuugu tahay, qaarna wow dacareMa dalliil cadeeyaad i siin, taa in lagu diirsan?Mise doobabkay badin, inay dacawada u loogto? Daleel madhan ciyaar looma digin, kaydun deydeyi eMarkuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawshaDhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuseWaxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay?Diilintiyo maxaa gubadka dhigay, dagaladii beesha? Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysaArdaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiidayHaddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubayninSidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdkaWar geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaacaNinka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday? Haddaan waliba doocdoociyeen, tiina uba daayoDayac tiridba how dacal ordiyo, damici shaaleeyeMa daryeela wawga dari, dhay madaacuhuye? Dumar iyo da’ waayeeshay iyo, diliq caruureedbaDurduriyo bilaash kuma neceen, dagalladoodiiyeMaba daqaqamaynine shacbiga, yaa dagaajinaya? Xagiinaba kuwii faras dalbaday, ama dorraad fuulayIyaba way kusoo daba socdeen, kuguma diimayneWaase daabad loo wada sinaa, nin iyo doorkiiseRagga calanka doolaab ah iyo, goolkii baa dagan lehHaduu iguday yidhi waaba daw, inaad u daysaayeXil uu daadahayn karo maxaad, kowdii ugu diiday? Xoriyad doomanaysneyd intaad, dawliska u ridatoShubaal lagu daliiqiyo adoo, maaxdii dawdabayaKolkaad doqonka Daarood tidhaah, wada dibaax siiyaSoomaalidii kalaa dulmanoo, daris ahaydeeneMiyaan diric kaleetiyo wadani, daacad ihi joogin? Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaayeGardaro iyo daandaansi ba'an, qoomkii lagu doontayHayeeshee dulqaataye idaa, maanta dabadeed lehRaggii dilay darbadahaa kolkuu, waana daminwaayoFicil lala dirganayaa jiroo, way digiigaxaneKu danqaaday mid kibir diidsanaa, waa la diriraayeWar Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay? Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumoDuq dhixiyo hadaad daanyo, tahay ood dacwadi qaadoDar Allaaban kugu dhaarin iyo, diinta EebahayeDahaadh maleh cadaaladi gartee, labada kee dow leh?Dagaal waajib ma u yahay kuwii, dhiiga laga daadshay?Mise dabar go'ooday sugaan, jeerkii laga daalo?Oo way dagdagi baad odhan, la isma daafoco e? Dabci jaahil baan sii daniyi, meeluhuu duriyeeDiyaar siduu difaac ugu yahee, duurxul uga yaabiDulalaati buu dalaq odhan, waa ma laydagiyeKuwaa gabayga daranyayn jiree, deelka fiirsadaynaXigmadaan durduursiini waa, kaga digtoonow eTaliskii dakhaakhulay wakaa, sii duraaqsadayeKa diidanee ku daran jiidhayoow, dan iyo yeelkaaga[3]
[1] Gabayaa. (n.d.). Retrieved from farshaxan: https://www.farshaxan.com/Gabayaa/Dhoodaan.html#M
[2]
boggasuugaanta/. (n.d.). Retrieved from .doollo:
https://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dhoodaan/duraaqsi.htm
home/gabay/suugaan. (2022, 7 15). Retrieved from baargaal: https://www.baargaal.net/2010/06/maansooyinka-dhoodaan-maa
[3]
home/gabay/suugaan. (2022, 7 15). Retrieved from baargaal:
https://www.baargaal.net/2010/06/maansooyinka-dhoodaan-maansooyin-qosol.html
