Gabaygii cali dhuux sayidka ku caayay iyo jawaabtii sayid maxamed cabdulle xasan

 


Gabaygii cali dhuux sayidka ku caayay iyo jawaabtii sayid maxamed cabdulle xasan

 

Cali Aaden oo loo garan ogyahay cali dhuux oo kana mid ahaa raggii ciidankii sayidka ee daraawiishta, lana sheegay inuuu markii danbe ka goostay xerta sayidka isla xiligaasna ka soo horjeestay oo had iyo jeer Sayid Maxamad ay afka iska tuur-tuuri jireen, gabayo cay iyo aflagaado ahna isu marin jireen hawada, ayaa Sayidka  gabay cay iyo diradiro ah u soo mariyey. Gabaygaa halkudhiggiisu wuxuu ahaa 

gabayga cali dhuux ee ku socday sayidka

Allahu akbar eedaanku waa, kaa afkiyo beene 

Ashahaaday gaalkubase waa, ehelunaarkiiye 

Ubbo-weesta waa kugu arkaa, agab salaaddeede 

Asaxaabihii-olol ku dhace, wow abtiriyaaye 

Hadduu uurka kaa jiro wardigu, kaama orodneene 

Abtiyaaladaa iyo ku nacee, ururki reer Kheyre 

Arbrow Jaamac iyo Aaden iyo, Oogle ka tage’e 

Waxaan uubateeyaha tolkay, oodda soo jabiye 

Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka maaheyne 

Waa uur gaslow Aaden-Dhagax, odoyadaadiiye 

Abtirsiinyadaa waxay gashaa, eyda reer Xamare. 

sida ku xusan buuga laga qoray isla markana lagu kaydiyay gabayadii sayidku, Mar kale Cali-Dhuux isagoo isku diraaya Sayidka iyo Cali-Geri oo ahaa nimanki dariiqada iyo jahaadka diirka u ahaa, wuxuu yiri: 


Arxan nimaan u gelihaynin oo, ina Ogaadeena 

Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa’ilaye 

jawaabtii sayidka

Sayidku wuxuu ahaa afmaal aan hadal laga badin, gabyaa maansada aan lagaga  daba dhufan, isagoo hadaladaas Cali-Dhuux ka jawaabayana wuxuu yiri: 

AwYuusufoow erey yar baan, ku erganaayaaye 

HadduuEebbahay kuu idmaad, ururta weyn gaadho 

Ikhwaanoowadkee xaajadaan, kugu ammaanaystey 

Ku ansaxi halkii aan ku iri, aadna ugu fiirso 

Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iiddoora 

Ogaadeen haddaan ahay dad wow, amar korreeyaaye 

Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashima e

Abtirsiinydey waxay gashaa, odoyo waaweyne 

Halkaan uga arooraana waa, odaga Daaroode 

Rasuulkii udgoonaa waa, ina-adeerkay e 

Sayidkii Axmed ahaana way, awow ruma e 

Ibraahim-Rashiid1 aabbahay, odagi weeyaane 

Asaxaabihii oo dhan baan, ehel waddagnaaye 

Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanayaaye 

Nin Amxaara mooyee intii, edge adduun joogta 

  

Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu-kheyrkiiye 

Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanayaaye 

Adiguna abbaanow midgaan, uraya saw miihid? 

Saw kii Ilaahay necee, eyga qalay miihid?[1]

 



[1]Ciise, S. J. Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan . Iskaa-U-Same.