Shahiidkii Daqiiqado uun islaamka ahaa


Shahiidkii Daqiiqado uun islaamka ahaa


Kahor dagaalkii Yarmouk wuxuu ka bilaabmay muslimiinta iyo Roomaanka, hogaamiye Roman ah oo la yiraahdo ( Jarjah ) wuxuuna codsaday inuu la kulmo Khaled bin Alwaleed, hogaamiyaha Muslimka.


  • Khaled bin Alwaleed ayuu u yimid Jarjah wuxuu yidhi :


  •  Khaled, iga rumeysi oo been ha iga moodin, maxaa yeelay Carabta xorta ah way rumaystaan dadka oo ma beensadaane; Ilaahay miyuu seef ka keenay samada uu siiyay Nabiga, tass oo qofwalba oo ka horyimaada qof ka adkaata.


  •  Khaled wuxuu yiri: Maya


  •  hadaa maxaa lagu yidhi: sayful laah?


  •  Khaled wuxuu yidhi: Ilaah nebi buu noo soo diray, sidaa darteedqaar naga mid ah rumeeyeen halka qaarkayo beeniyeen, anna waxaan ku jiray kuwa beeniyay, ilaa uu Ilaahay qalbiyadeenna u duway Islaamka oo uu nagu hanuuniyay Rasuulkiisa, markaan soo muslimay ayuu Rasuulku (naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee) iigu yeedhay :


"Waxaad tahay seeftii alle"


Sidaas ayuu iigu baxay magaca seefta Ilaah.


  •  Jarjah wuxuu yiri: muxuu nabigiinu idiinku yeedhaa?


  •  Khaled wuxuu yidhi: In la kali yeelo Ilaahay oo la rumeeyo Rasuulkiisa, (naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee) waana sidaa Islaamku.


  • Jarjah wuxuu yiri: Ma leeyahay ninka islaamka maanta soo gala ajarkiina oo kale?



  • Khaled wuxuu yiri: Haa oo ka sii fiican.


  • Jarjah wuxuu yiri: Sidee idinkoo uga hor maray?


  •  Khaled wuxuu yidhi: Waxaan la noolaynay Rasuulkii Ilaah oo waxaan aragnay calaamooyinkiisa iyo mucjisooyinkiisa, waana xaq inuu muslimaa ruuxii wixii aan aragnay arka ama waxaan aan maqalnay maqla, laakiin Kuwa aan arkin oo aan maqlin, ka dibna rumaya nabig iyagoo abaalkoodu aad iyo aad iyo aad ayuu uga weyn yahay kuwa arkay, waa haddii ay rumayaan qalbi iyo qaaliba.


  •  Jarjah wuxuu yiri: hadaba ibar islaamka khaalidoow.


  • Khaled wuxuu yidhi: Waxaad dhahdaa, laa ilaaha illa laahu maxamadu rasuulu laah.


  •  jurjah wuu qoray asha haadadii ka dibna wuxuu tukaday labo ragcadood wuxuuna galay jihaadkii isagoo ka horjeedsaday dadkiisa, isla dagaalkiina waa ku shahiiday, oo wuxuu ku tukaday noloshiisa keliya labadii ragcadood ee uu la tukaday Khaled bin Alwaleed!!!!