Kaalinta ratiga/awrku ugu jiro soomaalida


Kaalinta ratiga/awrku ugu jiro soomaalida


Ritgu/awrku waa geela kiisa lab, waana mid ku xeel dheer hab dhaqanka soo maalida, siiba soomaalidii hore ee u badnayd reer guuraaga, nolosha migana waa mid kaga jira kaalin culus, laf dhabar wuxuu u yahay nolosha reer guuraanimo ee ay u badantahay soomaalidu. Wuxuu agtooda ka ahaa amaba yahay wali markabka ugu qaadka wayn ee ay yad u leeyihiin. Waa gaadiidka ay ku guuraan markay isaga kala gooshayaan, dhulalka ay daaqsinta u doonanayaan, isla markaana ay ku qaataan raxankooda,kuna geeystaan meel walba oo ay u socdaan. 



Ratigu wuxuu mari karaa meel walba oo ay cagta aadanuhu mari karto, buuraha, togaga, dooxyada, iyo meel kasta oo aanay mari kari gaadiidada casriga ahi. Wuxuu xamil u leeyahay socodka dheer, iyo biya la'aanta maalmo badan.


Wax qabadkiisa kuwa ugu muhiimsan


Wuxuu ahaa midka ay ku qaataan ruuxa ka xanuunsada isla markaana ku guudhsiistaan giobaha caafimaadka ee bandarada ku yaala.sidoo kale caruurta aan socodka baran iyo waayeelka socdka gabay. Waxay ku raran jireen raashinkooda, iyo agabka ganacsiga oo uu laf dhabr u ahaa gudbintiisa. Sidoo kale waxaa lagu qaadan jiray aqal soomaaliga markii guri laga guurayo, iyo wax walba oo leh culays kabaxsan owoodooda, hayinka ayaa ahaa mid aan laga maarminkarin xilina. Marka la eego hawlaha uu ufudaydinayay bulshada wuxuu noqonayaa midvqiimo wayn agtooda ku leh, maadaama uu qayb laxaad leh ka yahay noloshooda. Waxaa sidaa si lamida u ciseeya qolada carabta ah oo uba yaqaana "doonta saxaraha" isla markaana ku xidhnaa safarkooda iyo ganacsigooduba.


Maxuu dheeryahay xayawaanka kale ee la rarto


Inkastoo ay jiraan xayawaano  kale oo loo adeegsado isla ujeeda loo adeegsado ratiga oo ay leedahay soomaalidu,hadana awrka ayaa ah midka ugu tunka wayn dhanka qaadka, islamarkaana ugu adkaysiga badan markay tahay masaafooyinka dhaadheer iyo misaanka saaran oo loo geeyay calaf la'aanta iyo biyo la'aan.


Maraxaladaha koritaanka awrka

Qurbac:

Qurbuca waxaa loo yaqaana marka uu yaryahay ee uu caana nuuga yahay ilaa inta ay 5 sano jirkiisa waxaa lagu magacàabaa qurbac.

Qaalin:

Qaali waxaa loo yaaqaana markay da'diisu tahay laga bilaabo 3 sano jir ilaa 5 sano iyo 6 sano jiba.

Awrka:

Intaa kadib waxaa lagu sifayn karaa awr oo macneheedu yahay wuu dhamays tirmay oo buuxsamay awood ahaan.


Maxaa looga jeeda awr cadaysimo ah?

Waxaa weeyaan awr aanay heeryo saarnay oo madhan. Marka aanu rarnay ayaa lagu baadi doonaa "war waxba awr cadaysimo ah oo baadiya ma aragteen".


Awr karmoon/karanle ah:

Awrka karmoon waa ka laylyan ee la rarto ee lagu qaato alaabada kala duwan.

Baar-furan:

Baar furaku waa awrka aan laylyin ee aan oqoonin rarka ee geela iskala daaqa.

Koranka:

Koronku waxaa loo yaqaana ritiga la xiniinyo siibo.


Awrka qoodha ah:


Awrka qoodha ah waa midka geela loo qoodhiyo ama loo xulo isla markaana lagu daro geela.