Naseexo wayn .. 3da arsaaqda fura 3da cudurka keena sadexda jidhka dila
Saddex shay oo jirka ku rida cudur:
1. hadalka badan.
2. Hurdada badan.
3. cunnada badan.
Afar shay oo jirka baabi'iya:
1 . Hamiga
2 . Murugada.
3 . Gaajada.
4 . Saama laylka habeenkii.
Iyo afar korodhiya dhalaalka wejiga iyo farxadda :
1 . cibaadada.
2 . fulinta balamaha.
3 . deeqda.
4 . dhawrsanaanta.
Afartan ayaa arsaaqda fura:
1 ) salaada habeenkii.
2 ) istiqfaarta habeenka galinkiisa danbe
3 ) ku dadaalka Sadaqada.
4 ) xuska alle galinka hore iyo ka danbe ee maalinta.
Ka fogow saddexdan:
1 ) Hurdada subaxdii.
2 ) Salaad la'aanta.
3 ) caajiska badan.
Mar alla markii aad naftaadu damacdo dembiga, xusuusnow saddex aayadood:
"ل"أَلَمْ يَعْلَمْ بِأَنَّ اللهَ يَرَىٰ"
"Miyuusan ogayn inuu Ilaahay arko"
"وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ"
2- Oo kii ka cabsada kulanka Eebihiis wuxuu leeyahay laba janno"
3- " qofkii ka cabsada alle wuxuu u furayaa makhraj"
"وَمَنْ يَتَّقِ اللهَ يَجْعَلْ لَهُ مَخْرَجًا“
Ka faaidaysi wacan oo xiiso leh!!