Waxaad maqasho oo dhan ha rumaysan

 

Ninba maalin isaga oo dariiq maraya wuxuu arkay habadh qurux badan,


Wuxuu ku yidhi: gabyahay jacaylkaagii ayaa iga dafay qalbiga, wali dunida ma iman ruux kaa qurux badan!


Intay dib usoo jaleecday ayay ugu jawaabtay:


Gadaal bal fiiri, walaashay oo iga sii qurux badan yaa idaba socotee.


Ninkii dib ayuu eegay, saa cidnaba ma joogto.


Wuxuu ku yidhi: aaway gabadhaad sheegayso?


Waxay ku tidhi:

Hadaad run sheegaysay maxaad dib u fiirisay?


Waxbay ku dhigtay, sababtoo ah waxaa is diiday qawlkiisii ahaa gabadh kaa qurux badan dunida majoogto, iyo ficilkiisan danbe oo gabadh ka qurxoon dib ka fiirinaya.


Hadaba waligaa ha wada rumaysan waxa la leeyahay, wax walba oo la yidhaahdaa run mawada aha.