erayo jaceyl oo macaan

 

erayo jaceyl oo macaan

Dumarna Waa adoo qudha
Dookhna waa kan igu jira
Duntuna iigu ka Xidhan

Marka kaliya aan qaxwayahayga sokor la'aan cabayo waa marka aan adiga kula cabayo, waayo markaas labo macaan iskuma xamili karo.

Haddii uu jiro hal-beeg aan ku cabiro xiisahaaga, waxa aan si fudud kuu dareen siin lahaa dhawaqa qalbigayga, garaaca wadnahayga iyo farriimaha dhambaallada dhiiggayga turjumaan.

Waxa aan sugayaa la kulankaaga, in ka badan inta dhararayo wicitaankaaga.

Aad baad ugu mahadsantahay daryeelka qalbigayga, Markaad gudaha ku jirto,Waa farxad iyo qalbi furan, Waan ku jeclaha.

Jacaylku waa sida beer qurux badan. Waxow keenaa xamaasad iyo xamaasada nolosheena. Waxow nolosheenna ka buuxinaysaa farxad. Nolosha jacayl la'aanteed waxay dareemeysaa mid aan dhameystirneyn. Aad ayaan u nasiib badanahay inaan jacayl qabo. wan ku jeclahay gacaliso. Aniga, wax ka yar riyo run iima tihid. Aad baan kuu jecelahay.

Wax baa ka maqnaa noloshayda. Runtii ma garanayo waxay ahayd. Laakiin, tan iyo markii aad timid noloshayda, waxaan bilaabay inaan dareemo dhammaystir. Haa, taasi waa run, adiga uun baan ahay. Mcnto, aad baan kuu jeclahay, maalinta oo dhan waxaan u oomanahay daawashadaada. Joogitaankaaga noloshayda ayaa i siinaysa meel sare oo cusub. Ma garanayo waxaas oo dhan waxay ku dhaceen goorma iyo sababta? Laakiin, dareenka jacaylka ayaa laga dareemaa qalbiga. Hadda, aniga iyo adiga ayaa wada joogna, waligeen ma kala tagi doono. Kaliya waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo imaanshaha noloshayda. La'aantaa jacaylkayga runtii way adagtahay in la dadaalo. Aad ayaan kuu jeclahay.

Gacaliye, waxay yiraahdaan waxaa jira dhowr waxyaalood oo lagama maarmaan ah oo qof kasta oo bini'aadam ah u baahan yahay si uu u noolaado, xaaladdeydana, lambarka koowaad ee lagama maarmaanka ah waa adiga.



Waxaad iga dhigtaa qofka ugu farxadda badan adduunka.

Waan ku jeclahay qalbi.
Ma rumaysnayn in jacaylku jiray muddo dheer, laakiin taasi waxay ahayd ka hor intaanan kula kulmin.

Dumarku waa noole arbushad badan

Raguna waa noole mudan in la arbusho

haddi aad xaaskaga ku caajistay oo ay ku tidhaahdo hooyaday ayaa laba maalmood soo bookhanaya haku farxin ee is jilci waxaanad ku tidhahda hal maalin la'aanta ma joogi karo ha iga tagin, waxay u badantahay inay 4 maalin la soo joogto hooyadeed iyado is leh aad ha kuugu xiiso, 
Adna baashal kaaga dhinacaaga ka gal nacasow.


Ninku waa noolaha kaliya ay ka suuragasho isaga oo caawa aroos ah, in uu casarkii kusii shukaansado.


waa adiga oo ku jira laabta ruuxa aad jeceshahay, dhawaqa wadnihiisuna dhageysanayaan cod qaadashaaya dhagahaaga. Dhub lab, dhub lab soo dhawoow xppi. Waxaa siyaadaya dhibcaha dareenkaaga.

Qirashada iyo ku celcelinta ereyada ku habboon dhagaha lammaanahaaga, waxa ay haddiyad siin u tahay naftaada, waxa ayna shidaal iyo nafaqo u tahay ruuxda noolaha aad jeceshahay.

Sida dhiigagga qaar aysan isku qaadan karin, baysan dadka qaybtoodna isku qaadan karin, in ay is qasbayaan mooyaane.


Waxaad Tahay Qofkii ugu Qiimaha iyo sharafta Badnaa ee aan abid la kulmay.

Raggu waxa ay u haween jecel yihiin 40ka wixii ka horreeya, dumarkuna waxa ay u rag jecel yihiin 30ka wixii ka dambeeya.

Guurku waxa uu qeyb lixaadle ka qaataa koriinshaha timaha, qulqulka dhiigga, kobaca nafaqada, hab-dhiska dheefshiidka, yaraynta walwalka, taxadarka cunno xumida, ka hortagga gaaska, hergabka iyo hurdo la'aanta. Laabgalintuna, waa xanuun baabi'iye la hubo ee yaan la moogaan.

Quruxdu waa wada jirka lamaanaha iyo hab maamuuska ay ku heshiiyaan, iyaga oo dareenkooda jaceyl isugu muujiya, qaab xasillooni iyo naxariisi ku dheehan tahay.

Ixtiraamku waa haddiyadda kaliya ee uu kaa mudan yahay qof walba, xitaa haddii ay iyaga garan waayaan qiimahaaga iyo qofnimadaada.

Haddii dunida wax noqo la i odhan lahaa, waxa aan noqon lahaa ilin ka dhalata indhahaaga oo ku nool dhabanadaada, kuna dhimata dibnahaaga.

Dad badani waxa ay tagaan iyaga oo ku jecel maadama ay ku daaleen sugista iyo salgaarid la'aantaada.

Miyu qaybsami qalbigu mugiisu hadu qof yahay miyu laba qaadaya