sida loo ogaado gabadhu inay ku jeceshahay


sida loo ogaado gabadhu

Waxaa Laga yaaba inaad jeceshahay gabadh facaaga ah oo gayaan ah lagana yaabo inaad xiriir leedihiin oo sheeko idiin socoto, oo kuu sheegatay caynteedu jeceel kaaga lamida inay kuu qabto, lakiin xooga mugdi ah kaaga jero heerka uu gaarsiisanyahay jeceylka aykuu qabto iyadu. Sidoo kale waxaa jira ragga qaar u baahan in loo qeexo astaamaha lagu garto gabadha ka heshay ee jecel. 

Waxaad naga sugtaanba akhristaashayada sharafta badanaw waa qaada dhiga arimahaas xasaasiga ah ee daalacasho wacan.


Hadii aad araagto gabadh bildhaantaada halacsanaysa isla markaana kulba dhan isha kaala raacaysa, gabadh hadalkaaga lasocota markaad xooga kaftan ah qac kasiisana qosol ku dhufanaysa, waxaad ogaata inay ku mudantahay irbada caashaqu oo ay caawin kaaga baahan tahay.


Fiiri indheheeda

Waxay u badantahay gabadhu marka ay kaa hesho inay si isdaba joog ah dhankaaga usoo fiiriso iayada oo la soconaysa dhaqdhaqaaqaaga iyo tiraabtaada, oo marka aad fiiriso ee ay labadiina indhood isku dhacaana waxay hoos u foorarsanaysa, waa calaamad muujinaysa inay kaa dul dhacday oo ay ku jibaysantahay ee ha udama la'aan.

Hadii ay meel fog dhawrto markaad dhaayaha la hesho waxaad ogaata inay walaacsantahay oo ayna diyaar u ahayn inay qayaxdo niyadeeda iyo dareenka laabteeda hurada.


Marka uu kusoo boxo gabadha nin ay ka heshay xogaa indheheedu way waawaynaadaan inkasta oo ay adagtahay in la ogaadaa.


Hadii aad aragto marwalba oo aad dhankeeda fiiriso iyada oo kusoo eegaysa waxaad ogaataa inay kaa heshay.


Haday ku taabato ama kugu soo dhawaato

Hadii ay kaa hesho waxaa hubaal ah inay isku daydo taabashadaada, sidoo kale kaasoo ag dhawaato sidii ruux horay kuu yaqaanay oo aydaan isku cusbayn. Waxay talaabadani u muujinaysaa sida aad oga falciliso, iyo inaad ogoshahay. Waxaa laga yaabaa inay garabka kaatabato iyada oo fal celin oga dhigaysa hadal aad ku hadasha oo ay u bogtay, ama lawgaaga ay taabato hadii aad is horfadhidaan, waxaa soo dhan waxay u samaynaysaa ismoogaansho. Waa astaan lagu garto in jacayl meesha ku jiro oo loo baahanyahay in ninku daryeelo, oo uu dhugto.


Inay timeheedu gacanta galiso

Ufiirso hadii ay marka ay ku hor taagantahay timeheeda gacanta galiso, oo ay ka dhamaan waydo , ama ay marada ay huwantahay taa taabato waa astaan muujinaysa inay hortaagan tahay gacaliyihii ay ku riyoon jirtay.


Dhoola cadaynta

Mar alle iyo markaad soo istaagto meel ay joogto haddi ay kugu qaabisho judha hora dhoola cadayn intaa anuu midkiina hadal, waa calaamad muujinay, sida ay ugu faraxsantahay wehelkaaga, islamarkaana cadayn u ah inay nafis ka hesho ag joogaaga.


Amaanta

Haday gabadhu heesaha amaanta ah ee ragga daarato adoo lajooga, hada maaha mar walba laakin marka ay adiga kula kulanto, amaba ay iyadu ku geeraarto heesha ay ka bawsatay fanaaniinta, ama ay hawraar caadi ahba ku amaanto, ha ahaato aman ku saabsan quruxdaada, shaqadaada, dhaqankaaga iwm, waxaa lagu tilmaamaa inay ka turjumayso jecayl ay kuu qabto qalanjadaasi, maadaama uu jacaylku qofka ka qariyo dhaliilaha uu leeyahay qofka la jecelyahay.


La soco falcelinta saaxiibadaheed

Markaad la kulanto hablaha ay saaxiibada yihiin u fiirso habka ay oga fal celiyaan la kulankaaga, marka aad salaanto hadii ay kuu jawaabaan iyaga oo dhoola cadaynaya waxaad ogaataa inay xog siisay is lamarkaana ay hoosta kala socdaan dareenkeeda kugu aadan.


Inay mar walba ku gacansiiso

Waxay raadinaysaa marwalba meesha aad ka nugushahay si ay kuu gacan siiso, waxay kaa caawinaysaa cashirada ay dareemayso inay kaa caawin karto. Waxay mar walba ku way diinaysaa maxaan kaa caawiyaa? Iyadoo intabadan lasoconaysa xaaladahaaga si ay u ogaato duruuftaada iyo xiliyada aad oga baahan karto caawimaad, si ay kuugu soo dhawaato.


Ku dayashada saanqaadkaaaga

Hadii ay gabadhu marka ay kula joogto ay kaaga dayato dhaqdhaqaaqa oo koobiyayso kolba farta aad qaado, sida markaad wajigaada gacanta mariso aad aragto daqiiqado ka dib iyaduna iyadoo wajigeeda gacanta marinaysa, waxaad ogaataa inay iyada oo ismoog arintaas ku kacayso, waxaana loo bidinayaa inay ka dhalatay jacayl ku guda jira oo aan daboolka laga rogin.


Inay ismoogi laabta ku galiso

Waxaa dhacda inay hablaha qaar si ismoogi ah laabta u galiyaan wiil ay ka heleen, kalsooni ka dhalatay  jacayl dagay laabtooda awgiis. Waana calaamad muujinaysa jacayl xad dhaaf ah, waa hadii ay kaligaa uun kugu gaaryeeshee. Waxaa lagu tilmaama laab galinta hab moojinaya naxariis iyo xanaano gaara, oo jacayl ku dheehanyahay. Waxayna ka dhigantahay qaab shukaansi oo aan loo meel dayin oo ay ku kacday gabadhu si ay kuugu muujiso heerka uu ka taaganyahay jacaylkaagu.


Ufiirso taagnideeda

Gabadha ku jecel waxaa lagu gartaa hanaanka ay kuula taagantahay, oo gabadhu haday kuu hayso gacalrooyo marwalba waxay istaaagaysaa kasoo horjeedkaaga. Hadii ay si dabacsan oo furfuran isu kaa hor taagto waxay cadaynaysaa inay kugu kalsoontahay.

Hadiise ay dhinac isu buusto ama is ururiso xoogaa way kaa dareen qabtaa , oo qajilaad ayaa ayaa ku jirta. 


Gabadhu way way kaasoo ag dhawaan oo luqada jidhkeeda way furfuri hadii ay kalsooni kugu qabto oo ay ku faraxsantahay kulanakaaga.


Hadii ay markay kusoo hor fadhiisato lawyeheeda dhankaaga soo qaabilsiiso waxaa hubaal ah inay kula dhacsantahay.