Qalabaynta xafiiska sida ugu fudud ee u qarash yar


Qalabaynta xafiiska sida ugu fudud ee u qarash yar


Marka aad rabto inaad furato shirkad ganacsi ama adeeg bixin waxaad u baahntahay marka koobaad waa xaruntii aad ka maamuli lahayd mashruucaaga cusub. Sidaa darteed waa lagama maarmaan inaad hesho gurigii aad saldhiga ka dhigan lahayd kana maarayn lahayd shaqadaada maalinlaha ah iyo mshaariicdaada. Sidaa darteed waa lama huraan xafiis kuu gaar ah oo loogu soo hagaago shorkadaada, macaamiishuna ka helaan adeegyadaada iyo tala bixintaadaba. Waa halkii aad ka hagi lahay dhamaan shaqaalhaaga, iyo hawlahaaga oo dhan. Waa goobtii aad ku dajin lahay shaxda qoryashayaasha shirka, iyo hinsahaaga mustaqbalka ee soo socda. Xafiisku waa xarunta ugu muhiimsan ee laga dhaqdhaqaajiyo hawlaha oo dah. Hadaba ma ka fikiraysaa inaad bilawdo mashruuc hor leh? Ma qprshaynaysaa furida xafiiskaaga, iyo qalabayntiisa? Ma ka walaacsantahay qarashka uu ku kacayo qalabka xafiiskaagu?

Haday jawaabtaadu haa tahay, waxaan qormadan ugu tala galay waa adiga iyo inta kula midka ah ee ka faaidaysu wacan.


Dooro goobta xafiiska

Xafiiska inta aadan furin waxaad u baahan tahay inaad ka fikirto goobta aa aad ka furayso, waxaad u bahaantahay inaad u eegto akabaabiga aad xafiis ka furayso shaqada uu qabanayo xafiisku. Waxaa muhiim ah inaad ka ag dhawaato goobta ay ka socoto shaqadu, hadii ay suura gal tahay si ay ugu fududaato shaqaalaha inay kula socdaan, isla markaana cayntaada ay kuugu sahlaanaato kormaarka shaqadu. Sidoo kale hadii aad kiraysanayso waxaad ku sar jartaa awoodaada dhaqaale adoo qiimaybaya miisaaniyadaada, iyo mashaariicda aad rabto inaad ka hawl gasho.


Qalabaynta xafiiska

Markaan leenahay xafiis horta waa xarun laga maamulo shaqooyinka iyo shaqaalaba, waxayna ku xidhantahay qalabayntiisu hadba mashruuca baaxadiisa, taas oo kala duwaysa qarashaadka ku baxaya qalabka. Hadii uu yahay xafiis wayn, sida mid haayadeed ama urur rayid ah, dugsi, iskaashatoiwm. Waxàad awoodaa inaad iska yarayso xylayska dhaqaale ee galaya qalabaynta xafiiska adoo adeegsanaya dhawrkan wado:


•  waxaad awoodaa inaad la xiriirto goobaha iibiya qalabka guryaha iyo xafiiayada ee ciliska ah. Waxay iibiyaan qalab tiro badan oo la iaka badalayvoo waxba aan iska badilin oo qiima jaban, sidoo kale qalab dib u cusboonaysiib lagu sameeyay, oo ku haboon hayntaada dhaqaale.


• Sidoo kale waxaad dhimi kartaa qalabka aad u baahantahay qiyaastii ilaa kala badh, adoo ka soo reebaya waxyaalaha ugu muhiimsan ee lagama maarmaanka u ah xafiiska, sida miiska, hal kursi oo masuulka ah, halka aad kuraasta macaamiisha ku badali karto hal miis oo loox ah oo dheer oo isku yaala oo ay ku fariisan karaan ilaa 4 qof hal mar, halkii aad kasoo iibsan lahayd, afar kursi oo mid waliba la qiima yahay kaas looxa ah, hal desktop, waga dambana waxaad kolba awoodo aad dib kaga soo biiriso.