taariikhda magaalada jigjiga


Magaalada jigjiga - macluumad kooban


Magaalada Jigjiga waa magaalada ugu weyn ee gobolka Soomaali Galbeed, waana caadimada dawlad deegaanka soomaalida ee wadanka Itoobiya. Waa magaalada xarunta gobolkaasi, iyo waa xarunta dowladda Soomaalida Galbeed.


Jigjiga waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu muhiimsan ee dalka Itoobiya, waxaana ku ku dadka Soomaalida ah iyo dadka kale ee ku hadla af Soomaali. Magaalada waxay hoy u tahay dhaqan iyo hidaha Soomaalida, sidoo kale magaalada jigjiga waxaa ku yaala dhamaan xarumaha dowladda deegaanka soomaalida, jaamacadaha, xarumaha ganacsiga, iyo goobaha muhiimka ah.


Jigjiga waxay ku taalaa cidhifka bari ee Itoobiya, oo uu ku yaallo gobolka Soomaali Galbeed. Magaalada Jigjiga sidoo kale waa xarun dhaqaale, iyo mid soo jiidatay maalgashiga ganacsatada, waan xarunta goobaha siyaasadeed ee gobolkaasi. Magaaladu waxaa ku yaala xarumaha caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada dhaqaale ee gobolka ay soomalidh dagto.


Jigjiga waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu firfircoon ee soo kobcaya dalka Itoobiya.


Taariikhda Magaalada Jig-Jiga


Waxay jigjiga ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimsan geeska Africa , islamarkaana ugu mustaqbalka wanaagsan,

Jigjiga waxay kutaallaa silsilida buuraha gurayska ( karamardha) waxayna u dhaxaysaa

dekeda berbera oo ay ujirto 320km iyo addis ababa oo ay ujirto 630km, Magaca jigjiga waxa lagu sheegay inuu ka soo jeedo shanqarta jugjug waxayna shanqartu ka imaan jirtay ceelal iyo laasas farabadan oo laga qoday hareeraha togag iyo waadiyaal magaalada udhaw, Maadaama dhulku ahaa dhoobey ,ceelashu waa dumi jireen waxayna samayn jireen shanqar iyo daryaan farabadan.


Waxa kale oo jira magac kale oo magaalada loo yiqiiney magacaas oo ah “laaca” magacan oo ka turjumaya in meeshu ahayd meel qurux badan oo soo jiidasho leh. Jigjiga waxay waligeed ahayd dhul carrasan ah, oo deegaanka ku wanaagsan ,islamarkaana leh muhiimad ganacsi. taasna waxay keentay in xoogag badan isku hardiyaan.


Waxa magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda katalin jiray Garaad Xirsi Garaad Faarax (Wiilwaal) sida uu qoray Sir Richard Burton oo ahaa dalmareen ingiriis ah, Qoyska Garaadku waxa ay ku xirnaayeen amiiradii xukumi jiray harar ,safarada ka imaanaaya ama usocda berberana waxay sii mari

jireen deegaanka uu kataliyo,taasina waxay ka dhigtay Garaadka saaxiib aan laga maarmi Karin iyo waliba Cadaw khatar ah.


1887kii markii ciidamadii boqor menelik ay qabsadeen harar oo ay jabiyeen xoogaggii amiirrada , ayay la ahaatay inuu qabsado dhulalkii soomaalida ee harar deriska la ahaa,

saas ayaana gudoomiyihii cusbaa ee loo magacaabay harar, Ras mekonen , 1890- meeyadii qabsaday jigjiga, dabadeedna waxa gudoomiye looga dhigay nin ganacsade ahaa oo carab ahaa lana oran jiray Cabdalla Daaha.