saliga nabiga iyo xalinta dhibaatada | waligaa dayn maysid hadaad maqaalkan dhamaysato


saliga nabiga iyo xalinta dhibaatada | waligaa dayn maysid hadaad maqaalkan dhamaysato


Saliga nabigaa sareeda leh oo ninkaa laasimaa sad wayn helay!! Alaahuma sali calaa sayidinaa muxamad waxaalaa aalihi wa saxbihi wa salim. Waxaa hubaal ah in saliga xabiibku yahay furaha khayr oo dhan, iyo albaabka barakada, qof walba oo muslima uu u baahanyahay inuu daaimo.


Waxaan halkan kugula wadaagayaa qiso ku saabsan saliga xabiibka oo kor u qaadi doonta yaqiintaada, iyo jacaylka aad u hayso rasuulka suuban (salalaahu calayhi wasalam).


Waa qisooyin cajiib ah oo qalbigaaga taabanaya, qofkii aad u dhuuxana uu iimaankoodu kobacaayo, yaqiintoodana waa mid kor u qaadaysa. Waa qisooyin dhaxal gal ah oo laga soo xigtay afka dadkii goob jooga u ahaa, amaba ay ku dhacday qisadu iyaga.


Bukaankii loo xalwaayay iyo saliga nabiga (scw)


Sheekh saalax al maqaamisi oo ah sheekh wayn oo caan ka ah caalamka ahna imaamka masjidka quba ee ku yaala magaalada barakaysan ee madina al munawara ayaa waxaa uu la wadaagay mid ka mid ah war baahinta, qiso ka soo martay saliga xabiibka (salalaahu calayhi wasalam) qisadan uu sheekhu warinayo ayaa u dhacday sida tan:


Isagoo sheekhu xanuunsanaya xaaladiisa caafimaadna ay aad u liidato ayaa waxaa la dhigay mid kamid ah hospital da magaalada, markii lala tacaalay xaaladiisa lana dhakhtariyay, ayaa waxaa aragtay gabadh kaalkaaliso ah cilad khatar ah oo ku soo korodhay sheekha isla markaana aan wax laga qaban karin. Way argagaxday waxayna u sheegtay in xaaladu xuntahay, waxay tidhi sheekh xidid ka mid ah xididada wadnaha ayaa awdmay. Wayna baxday iyadoo quus joogta.


Wax yar kadib way soo laabatay. Haday soo laabatay waxay aragtay xididkii owdmay oo furmay dhiiguna si caadi ah u maraayo. Sheekhii ayay waydiisay iyadoo faraxsan sheekh, xididkii waa caadi alxamdu lilaah! 


Sheekhu wuxuu yidhi: markay gabadhu ii sheegtay cilada, waxaan carabka saaray saliga nabiga (naxariisiyonabadgaliyokorkiisahaahaatee) markaan mudo ku celceliyayna barakadii saliga ayay xaaladaydii ku hagaagtay oo ku bogsaday. Gabadhii markay aragtay in xididkii xidhnaa furmay qulqulkii dhiiguna bilaabmay ayay way diisay sheekh maxaad samaysay?

Iyadoo layaaban sida ay wax isu badaleen. Sababtoo ah xaaladu waxay gaadhay heer aan xataa qaliin lagu dhiiran karin oo halis ah.


Sidaa darteed waa qof walba oo muslim ah inuu ogaadaa in saliga nabigu wax walba ka daawo yahay. Mushkilad walba oo kusoo food saarta oo kaa awood badata waxaa loo baahanyahay inaad alle la kaashato Doo salliga nabiga badinaya, waxaa hubaal ah in mushkiladaadu xalismayso si walba oo ay u adagtahay, idamka alle, kaliya waxaad u baahantahay inaad afkaaga ku carfiso uduga saliga xabiibka(naxariisiyonabadgaliyokorkiisahaahaatee).