Maansadii tolow Colka Jooja (abwaan Salaan Carrabey)


 Maansadii Colka Jooja   (abwaan Salaan Carrabey)


Kani waa geeraar dhaxal gal ah oo ka mid ah suugaanta lagu xaliyay khilaafaad daba dheeraaday. Waa murti abwaan , oo xanbaarsan talo oday waaya arag ah oo wax badan usoo joogay.

Geeraarkan wuxuu abwaanku ku kala guntanayey laba jilib oo HJ ah (Daahir Faarax & Axmed Faarax) oo dagaal isugu qalab qaatay. Abwaanka oo sama-taliye weyn ahaa wuxuu isku deyey inuu u caqli celiyo raggii colaadda hurinayey oo uu xasuusiyey cawaaqib xumida iyo cirib la'aanta colaaddu horseeddo. Salaan Ilaah waa ku guuleeyey inuu dagaalkaas hakiyo. (Geeraarku ma dhamma)


Maalintii Cumar Daahir

Is ku gooyay cayaartiyo

Nin Caloolacad joogay

Oo Meygaag Ciidan war qaatay


Waa cibaaro qabaayoo

Belaayuu curufkeediyo

Camalkeeda yaqaane

Waar tolow, colka jooja!


Nin habeenno casheeyay

Cadar aan hadh lahayn

Iyo ceeryaamays ugu toosta

Oo inuu caafiyaddiisa

Cabbaar meel la fadhiisto

Caqligaanay gelayne

Waar tolow, colka jooja!


Carabkaan ku hadlaayana

Nin caleentii caddaatiyo

Caamadaan garanaynoo

Kolkay carruuri dhintaane

Cutub weyni idlaataa

Lays canaanan hadhoowe

Waar toloow, colka jooja!


Labadiinnan cuure

Is u coobe ridaayow

Cidna ways u xignaaye

Ciilna ways u qabnaaye

Canla na waa is ogayn?

Shantii Caadle lahayd

Iyo curadkii habartay iyo

Cali Fiin ma illaawin

Oo raggii ceeriga yiilla

Cabasaannu ahayne

Oo Jaamacii calmanaaye

Codkar noogu horreeyiyo

Rabjaan baydin cayaayir

Iyo caado dhaaf ku disheen

Oo haddii aad is cuntaan

Idin caabudan maayo

Oo waa intaan mid la ciidmi

Oo ka kaleeto ku ciiriye

Waar tolow, colka jooja!


Intii baad cantarteen oo

Cunkadaydin marteenoo

Oo meydkiinnii cammirraaye

Candhadheerta dhurwaa

Iyo ciidda haaddu ku jiidday

Iyo cuqduudkii ka baxdeen

Oo cosobkii Balanbaal

Iyo caleentii Karamaan

Oo Cayn baa oo gudhsateen

Oo cambartii geela dhalaysiyo

Adhaa ceegan guryaaya e

Waar tolow, colka jooja!


Nin carruur iyo maato

Iyo calli reero la yaal

Oo I coofaaya golaa

Oo cararaaya had dhow

Iyo nin colaad talinaaya

Oo caddaystaydinka buuxa e

War tolow colka jooja.