4 qodob oo hadaad dhaqan galiso waligaa guulaysanaysid


4 qodob oo hadaad dhaqan galiso waligaa guulaysanaysid


8 sʜᴇʏ ᴏᴏ 20 ᴊɪʀᴋᴀᴀɢᴀ ɪʟᴀᴀ 30 ᴊɪʀᴋᴀᴀɢᴀ ʜᴀᴅɪɪ ᴀᴀᴅ ɴᴏʟᴏsʜᴀᴀᴅᴀ ᴋᴜ ᴅᴀʙᴀǫᴅᴏ ᴀᴀᴅ ɢᴜᴜʟ ᴋᴜ ɴᴏᴏʟᴀᴀɴ ᴅᴏᴏɴᴛᴏ .


1 : Self-discipline.


Qofkastood aragtay oo nolosha heer ka gaarey misana guuleystay waa qof ka adkaadey naftiisa.

Waa qof diiday inuu qaato awaamiirta naftiisa iyo waxa ay jeceshahay oo dhan, kaliya waxey ku shaqeysaa naftiisu qorshaha uu udajiyey isagu.


Alle (swt) ayaa wuxuu quraanka ku leeyahay waxaa guuleystay kan naftiisa ka adkaada.waxaana guuldareeystay qofkii ay naftiisu ka adkaato,


2 : Aqbalida guuldarada iyo fashilka


Ujeed kasta iyo hadaf kasta oo aad leedahay waa qasab in fashil kugu dhaco, sida darteed waa inad aqbashaa fashilka kugu dhacay uusan kaa hor istaagin hadafkaaga iyo ujeedkii Aad laheyd.


Sheekh mustafa wuxuu leeyahay maalin walbo lama guuleysto fashilkaagu waxad wax ka barato ha noqdo, fashilka qofna waxa uu arkaa inuuba khasaarey, qofna wuxu u'arkaa inuu aqoon helay.


3 : Cibaadada iyo ku xirnaanshaha allah


Ma jirto wado kaaga dhow guusha in allah aad ku xirnaato, cilaaqadiisa wanaajiso isaga tala saarato sido kale jaceylkiisa raadiso isaga ka baraydo inuu ku jeclaado.


Asbaabaha lagu hanto jaceylka allah waxaa kamida mida acmaasha qarsoon ee allah dartiis aad u samaysi, sida soonka aan lagu ogeyn, adkaarta, sadaqada iyo sidoo kale saliga nebiga ﷺ, Oo aad daaimto, jeclow suubanaha insha allah allana wuu ku jeclaanayaa.


4 : Ku qanac waxad haysato iyo heerka aad mareyso intaba


Mar marka qaar kuma qanacsanid noloshaada halka dadka kale ayku riyoonayaan noloshaada.

Noloshu iyadaaba usameysan kala sareynta in dadka darajo isdheeraadan waa wax caadiya laakiin muhiimadu waxey tahay inaad ku qanacdo waxaad kasbatey adigu iyo sidaa taheyba.


Is dareensii isku filnaansho inaad leedahay in Aysan jirin wax kaa maqan, inaad tahay qof haysta wixii u ubaahnaa naftana rabitaankeedu ma dhamaado oo haraac raacin xusuusnowna ballankii ahaa ineysan ku maamulin ee aad adigu maamusho nafta.