Awoodda aad leedahay ogow Hadda

 


Awoodda aad leedahay ogow Hadda


Caalimka ruuxaaniga ah iyo qoraaga Germalka u dhashay ee Eckhart Tolle, waxa uu leeyahay buug la yiraahdo “Power of Now”—Awoodda Hadda. 


Waxa uu ku sheegay buuggaas naseexo aad ugu muhiim ah nolosheenna. Waxa uu ku leeyahay “Ahoow halkan hadda”! Waxa uu ula jeedaa in aad ku noolaatid xaaladda aad ku jirtid, aadna la noolaatid dhacdada aad ku sugantahay iyo shaqada aad qabanaysid, adiga oo aysan ku saameeynayn ka walaaca mustaqbalka iyo ka walwalidda wixii la soo dhaafay, aadna u oggolaan fikirkaaga, maankaaga iyo naftaada in ay ku mashquulaan wax aanan ahayn waxa ay ku guda jiraan.


Kadib markii uu tukaday salaadda Subax, ayuu ku laabtay hurdada. Waxaa la tagtay hurdadii, waxa uuna soo kacay 7-dii subaxnimo oo ay bar dhaaftay. Waxaa loo keenay quraacda si uu u cuno, balse kama dagayso; waxaa u yimid canuggiisi yaraa si uu salaamo, laakiin waa uu iska ceyriyay….

ma uusan macsalaamayn xaaskiisa, waxa uuna soo tagay isaga oo sidii qof waalan ah. 


Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah ka 

walwalidda waxa soo waajihi doona, oo waxa uu is leeyahay muxuu maamulaha shaqada ku dhihi doona ? Imisaa lacagaa  kaa go’i doonta ? Maankiisa iyo maskaxdiisaba waxaa mashquuliyay intaas ! 


Waxaa saxsanayd oo uu sameyn kari lahaa in uu la noolaado dhacdada, uuna si wacan u cuno quraacdiisa, salaamo canuggiisa, uuna sagootiyo xaaskiisa, ka dibna si deggan uu ku soo baxo, balse la noolaansho la’aanta waaqica iyo isticmaal la’aanta qaacidada caanka ah ee “Here and Now—Hadda iyo halkaan” ayaa u diiday !. 


Waxa uu ku jiraa salaadda, oo waxa uu marayaa rakcadda seddexaad ee Duhurka, balse ma oga inta uu tukaday, oo ma oga waxa uu soo akhriyay intii hore ! Maankiisa waxaa walwal galinaya muran isaga iyo maamulihiisa shaqada dhex maray, oo waxa uu ka fikirayaa hadalladii ay is dhaafsadeen. 


Waxa uu awooday in uu la noolaado waxa uu sameynayo hadda, uuna ku tukado si khushuuc leh.waxa ay ku rafanaysaa sariirteeda…. ma gama’do, hurda ma dhadhamiso, walwalkuna ma daayo. 


Waxa ay awoodday in ay u seexato si deggan balse waxaa walwal galinyo taleefoon laga xaday—waxa ay isticmaali kartaa “Hadda iyo halkan”, waxa ayna u seexan kartaa si deggan, balse …!. Dhacdooyinkaas oo dhan laga yaabaa in ay ina wada qabsadaan, laakiin waa muhiim in aan isticmaalno qaacidadan , oo aynu la noolaanno dhacdo waliba sida ay tahay, oo aynaan u oggolaan in ay innaga walaaciso wax soo socdo, ama naga walwaliso wax la soo dhaafay.


Aan ku siiyo mid ka mid tusaalooyinka ugu qurxan ee mawduucan; waa kan suubanaha (NNKH) : waxa ay Isaga iyo saxaabadu qodayaan god magaalada Maddiina lagaga difaacayo xulafo u soo weerar tagay in ay qabsadaan. Waa xilli kulul, gaajo iyo biyo la’aanna waa ay jiraan. Rasuulka waxa uu ka mid yahay dadka shaqada qabanaya. 


Waxa ay saxaabadu ku luuqaynayaan meerisyo ay isla qaadayaan, Nebiguna waa uu la horinayaa. Ila suureyso hoggaamiyo ay soo weerareen ciidan ka cudud weyn kana cadad badan, laakiin ciidankiisa ku dhex jira, oo aan ka walwalayn waxa soo wajahan, lana horinaayo tixaha ay qaadayaan askartu. 


Dhab ahaantii waa muuqaal cajiib ah.

Mar kale, waa kan Nebiga (NNKH) isaga iyo saxaabada oo ka soo wada noqday safar. Waxa uu la baratamayaa xaaskiisa Caa’isha! Ila suureyso : waxaa laga yimid safar, waa la daallanyahay, balse Nebiga waxa uu ka faa’idaysanayaa dhacdo waliba oo noloshiisa ah… waxa uu la soo noolaa dhibaatooyin badan : imisa dad oo uu jecelyahay ayuu waayay ? 


Laakiin haddana Suubbanuhu waxa uu ula noolaa dhacdo waliba sida ay tahay, isaga oo aan ka walwalayn waxa la soo dhaafay, walaacna ka qabin waxa soo socdo.


Adiguna la nooloow dhacda walbo oo yaysan ku wareerin ka fikiridda mustaqbalka iyo ka walwalka wixii la soo dhaafay, oo yaysan kaa hor istaagin in aad ku noolatid “hadda iyo halkan”. 


Igana qaado xikmadda quruxda badan ee Xasan Albasri oo yiri “Adduunyadu waa seddex maalin : Shalay oo tagtay wax walbo oo ay ahaydba, berri oo laga yaabo in aadan gaarin iyo maanta oo aad leedahay ee ku qabso waxa aad doontid ”.


References 


Cabdullahi, c. c. (). iftiinka qalinka. p.60 - 62.