Bariiska sakaatul fidriga



 Bariiska goosashadiisa


Faaladaan waxay timid kadib markiin bariiska su'aal laga keenay  zakaatul fidhriga  in lagu bixin karo iyo inkale  cullama ku kala aragti duwanna aan aragnay   ayadoo cullmada qayba kamid ah eey kutilmaameen inuuyahay bariiska aanu cunno  mid ceebleh taas oo ah inuusa  baxaynin hadii labeero

Halka cullamada kalana eey diideen  oo dhaheen  lama shardhiyo sheeyga inuu soo dhalan karo hadii labeero  laakin waxaa  la shardhiyaa inuu yahay  mid bad qabo ( Saliim) taas oo kadhigan

1.  Waa inuu keyd gali karo   rashinka sakada lagu bixinayo

2. Waa inuu  uu suubadaa inla  quuto

Su'aasha meesha taalo ayaa ah  hadaba bariiska aan cuno  sidee ayaa loo soo gooyay ?

Waxa inooga jawaabayo  su'aashaas  Sh Deeq cabdi xuseen    sheekh Deeq waa nin  faqiih ah oo mudaris Aqriya funuunta kala duwan   shekhu wuxuu yiri :


Bariiska markii lasoo gooyo  asagoo qubkiisa wato ayaa makiinad lakeeni   makiinadaas ayaana qubka looga saari  kadib waxaa soo harayo bariiski oo aad ucad  marka sidaas uuyahau bariiska lama cuni karo   dabka hadii kasaarana budo ayuu noqonayaa sida shurbadda  ookale (mushaali)

Si taas eeysab udhicin waxaa lasameenayaaa  digisi weyn ayaa biyo lagu shubayaa dabka ayaa lasaraayaa  kadib weel kale oo yar ayaa lasoo qaadayaa bariiska lagu shubayaa  digsigi weynaa ee dabka saarnaa ayaana ladhex galinayaa  weelkaan yar bariiska ayuu ka'ilaalinayaa biyaha hadana kuleelka biyaha weey gaarayaan bariiska  sidaas ayuuna bariiska ku huursamayaa oo waxaa gaarayo bukhaarka  iyo kuleelka biyaha  sidaas ayaana lagu daboolayaa  mudda ayaa loogu kaadin  wuxuna kusoo baxayaa  sida  hadda bariiska aan cunno uuyahay

Markaas kadib ayaa dabka laga qaadayaaa  teendha  ayaa dhulka la goglayaa bariiska ayaana lagu shubayaa si uu uqalalo

Markaas ayaa waxa uu noqday mid lacuni karo laakin  ogow hadii la beero masoo dhalanayo

wuxuu  soo dhalan karay ookali ah kahor inta aana qubka laga bixin markaas ayada ahna lama cuni karin

Marka suurta galmaaha ineey ku kulmaan bariiska halmar   inuu noqdo  mid hadii labeero soo dhalan  karo ( qub leh)  iyo in lacuni karo 

 F.G . Hada waa lacasriyeyay oo waxaa loo isticmaalaa qallajinta iyo fijilitaankaba makiinado sida aad sawarida hoos kamuuqdo ka arki kartid waxaana kasoo qaaday sawiradaa  Google ka 


Xaawil kabiirka  masalada kuqoran Shardhin kama muuqato hadii uu meesha shardhi yaalo kitaab kaste  marka uu marayo ayuu cadeyn lahaa  Daqiiqa unbaa ladiidanyahay sida muuuqato

Wa illaahi Tawfiiq