سم الله الرحمن الرحيم:
MAAMUUSKA MAWLIIDKA RASUULKA (NNKH)
Waa dhanbaal ku saabsan xuska mawliidka ra - suulkeena (csw) shareecadu waxa ay kaqabto.
Walaalayaal waxaynu halkan kusoo koobi doon naa toban waji, oo aynu ku eegi doonno mawliidka rasuulka (scw) asalka uu ku leeyahay kitaabka quraanka ah iyo sunnada nabigeena .
(1) Akhriste waxaad ogaataa in rasuulku uu ilaahay uga mahad naqay dhalashadiisa, oo maalin kasta oo ku beegan yoomkii uu dhashay wuxuu ku gaar yee -lay camal cibaado ah, kaasoo mah soon,
Taa waxaa umarag ah xadiiska uu (abii qataada) wa- riyay ee ku sugan kitaabka saxiixul muslim iyo ku - wa kale ee hoos ku xusan,
عَنْ أَبِى قَتَادَةَ الأَنْصَارِىِّ قَالَ سُئِلَ رَسُولُ اللَّهِ عَنْ صَوْمِ يَوْمِ الاِثْنَيْنِ قَالَ « ذَاكَ يَوْمٌ وُلِدْتُ فِيهِ وأُنْزِلَ عَلَىَّ فِيهِ » . أخرجه أحمد (5/297 ، رقم 22594) ، ومسلم (2/819 ، رقم 1162) ، وأبو داود (2/322 ، رقم 2426) ، وابن حبان (8/403 ، رقم 3642) ، والحاكم (2/658 ، رقم 4179) وقال : صحيح على شرط الشيخين ، والبيهقى فى شعب الإيمان (2/135 ، رقم 1386) .
Hadaba maxaa uu bi'iyay qofkii ilaahay uga mahad celiya dhalashada xabiibkeenii muxamad (csw) oo islamarkaana ku gaaryeela camal khayr ah maalikii uu dhashay? Waa yaab! Xagay ka didsan yihiin kuwa sidaa inkiraya?
(2) Waxaa dhacday akhriste inuu nabigeenu (nnkh) intii ladiray kadib uu dhalashadiisa ka wanqalay, sidaasi waxay ku cadahay xadiiska uu wariyay saxaabiga (aanas binu maalik)
قال: الحافظ الطبراني في المعجم الأوسط(ج1 /ص 298 رقم 994) حدثنا أحمد قال حدثنا الهيثم قال حدثنا عبد الله عن ثمامة عَنْ أَنَسٍ : أَنَّ النَّبِىَّ عَقَّ عَنْ نَفْسِهِ بَعْدَ مَاْ بُعِثَ نَبِياً . وأخرجه الحافظ الطحاوي في شرح مشكل الآثار(ج3 / ص 78 رقم 1053) والحافظ الرويانى المتوفي 307 هجرية في مسنده (ج1/ص 428 رقم 1389) وصححه الحافظ الضيا المقدسي في الأحاديث المختار (ج2/ص351 رقم 1832) وأورده الحافظ الهيثمي في مجمع الزوائد (ج4 /ص 94 رقم 6203) وقال: رواه الطبراني في الأوسط ورجال الطبراني رجال الصحيح خلا الهيثم بن جميل وهو ثقة . وشيخ الطبراني أحمد بن مسعود الخياط المقدسي ليس هو في الميزان .
Hadaba taasi waxa cadayn utahay in rasuulku (csw) inoo jideeyay inaynu kamahad naqno mawliidkiisa oo aynu ka wanqalno.
Waxaad ogtahay akhrite, in dadka ka muraara dilaacsan xuska dhalashada suladaankii anbida ay qabtaan xaflad habeenka ku beegan dhalashada xabiika, laakiin waxa ay ku hadlayaan waxa weey- aan in ay canbaareeyaan dadka ku mashquulsan habeenkaa, badinta salliga iyo kasheekaynta taariikh nololeedkii rasuulka(scw) oo waxay badiyaan kalmado ay kamid yihiin, waa shirki mabanaana waa xaaraan iwm.Waa yaab!
Ma'aflagaadada ayaa khayrku ku jiraa? misse amaanta iyo maamuuska nabiga (scw)? Way cadahay jawaabtu ……..
(3) qolada diidan xuska habeenka uu dhashay xabiib keenii(csw) waxay leeyihiin mabanaana xuska maw -liidku, taasina waxay kadhigan tahay ha laga maan taago marka uu soo galo habeenkii uu dhashay rasuulku(csw) oo yaan cidina dareemin.
Xaqiiqadu waxay tahay: inuu hadalkoodasi yahay waxaan waxba kajirin oo uu yahay waxaan shaqaynayn, maxaa yeelay wiil kasta oo dhasha oo islaam ah waxaa sunne ah in ay xusto dhalashadiisa cidii xigtada u'ahayd,
waana baab ama sidaad utaqaano (chapter) oo kusoo arooray kutubaha isla- amka, waxaana layidhaa:
(باب العقيقة)
عن عمرو بن شعيب عن أبيه عن جده قال : قَالَ: رسول الله « مَنْ وُلِدَ لَهُ وَلَدٌ فَأَحَبَّ أَنْ يَنْسُكَ عَنْهُ فَلْيَنْسُكْ عَنِ الْغُلاَمِ شَاتَانِ مُكَافِئَتَانِ ». أخرجه الحافظ أبو داود في سننه (ج3 /ص 66 رقم 2842) والحافظ النسائى(ج7/ ص162 رقم 4212) والحافظ البيهقى (ج9/ص300 رقم 19057) . وأخرجه أيضًا : الإمام أحمد (ج2/ص 182 رقم 6713) والحاكم (ج4/ص265 رقم 7592) وقال : صحيح الإسناد وأخرجه أيضًا : الحافظ عبد الرزاق (ج4/ص330 رقم 7961) والحافظ ابن أبى شيبة (ج5/ص114 رقم 24244)
Hadaba waxaa iswaydiinle hadii ilmo kasta oo dha- sha ay sunne tahay inay xigtadiisu xusaan dhalasha- diisa maxaa rasuulka tiisa ka faquuqay ee ka dhigay danbi, ama shirki, Miyaanay dhabahayn in rasuulku dhashay, Mise inaka ayaan xigto u ahayn?
Hadaba xaqiiqadu waxay tahay, waxaa waajib inagu ah inaynu ka xigtaysano nabiga(csw) nafteena, iskaba dhaaf ilmaheena,e . maxaa yeelay ilaahay baa quraankiisa kariimka ah ku yidhi:
)النَّبِيُّ أَوْلَى بِالْمُؤْمِنِينَ مِنْ أَنْفُسِهِمْ) الآية (6) من سورة الأحزاب .
عَنْ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بن أَبِي لَيْلَى، عَنْ أَبِيهِ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ :"لا يُؤْمِنُ عَبْدٌ حَتَّى أَكُونَ أَحَبَّ إِلَيْهِ مِنْ نَفْسِهِ، وَأَهْلِي أَحَبَّ إِلَيْهِ مِنْ أَهْلِهِ، وَذَاتِي أَحَبَّ إِلَيْهِ مِنْ ذَاتِهِ".أخرجه الحافظ الطبراني في المعجم الكبير (6 / 183رقم6302)
(4) Waxaad ogaataa akhriste, xaflad nabi looqabto oo lagu waynaynayo, cid qabata waxa ugu horeeyay ilaahii koonkan abuuray (swt) isagaana inoogu macalin ah waynaynta rususha uu dirsaday, cida uu uqabtay xafladaa aynu soo xusnay wuxuu ahaa aabihii bini aadamka nabi aadam (CS)
waxaana ka soo qayb galay dhamaan malaaigtiisa, waxaanu udhacay maamuus kaasi heerkii ugu sareeyay oo ah in ilaahay(swt) uu amray malaa'igtiisa inay u sujuudaan, taasoo kadhigan ama looga jeeday salaan sharaf, waxa ilaahay quraankiisa kuyidhi:
(وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَى وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ )
Waa aayada 34 ee suurada al baqar.
Hadaba waxa is waydiin leh xafladaa lagu maam- uusayay nabi aadam yaa kabiya diiday? Su'aasha jawaabteeduna way cadahay oo waxa uu ahaa iblays waxaanu ku mutaystay lacnad .
إلى قوله(وَإِنَّ عَلَيْكَ اللَّعْنَةَ إِلَى يَوْمِ الدِّينِ )( قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ السَّاجِدِينَ)
Waa ayadaha 32 ilaa 35 ee suurada al xujuraat .
Ilaahay baanu (swt) ka magan galnaynaa .
Sidaa daraadeed cidkasta oo ka muraara dilaacda xaflada lugu waynaynayo sayidkii rasuulada waxay haysaa tubtii ama wadaddii iblaysu laciin, najjinaa .
(5) Xuska dhalashada rsuulku, waa qisooyin xanbaar -san wararkii rasuulka (NNKH) lagasoo bilaabo dhalashadiisii ilaa inta'uu cadaystay arinkiisa, hadaba in la,isaga qiseeyo wararkii nabiyada waxaa inoogu macalin ah ilaahay (swt)
( وَكُلًّا نَقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنْبَاءِ الرُّسُلِ مَا نُثَبِّتُ بِهِ فُؤَادَكَ وَجَاءَكَ فِي هَذِهِ الْحَقُّ وَمَوْعِظَةٌ وَذِكْرَى لِلْمُؤْمِنِينَ ) سورة هود : 120.
Waxaa ku cad aayada in ka sheekaynta akhbaarta rususha ilaahay ay ku sugan tahay waano iyo baraarujin mu'miniinta iyo xaslooni xaga qalbiga ah,
hadaba maxaa faquuqay nabigeena(nnkh) oo in layska waraysto taariikh nololeed kiisii (iwm) ka dhigay qayru sharci? Waa yaab!
(6) Waxa ilaahay uu quraanikiisa ku xusay mawliidka ama dhalashadad anbiyada qaar kamida, sida nabi ciise,
( فَحَمَلَتْهُ فَانْتَبَذَتْ بِهِ مَكَانًا قَصِيًّا فَأَجَاءَهَا الْمَخَاضُ إِلَى جِذْعِ النَّخْلَةِ )سورة مريم:22 ،23
Mo'ogtahay akhriste in uu nabigeenu(nnkh) habeen- kii ladheelmiyay uu kutukaday goobtii uu ku dhashay nabi ciise(cs) isagoo xusaya dhalashadiisii,
Sidaasi waxay ku cadahay xadiiska uu wariyay saxaabiga (shadaad binu aws) ee ku yaala musnad - ka xaafid ka( bazaar ) iyo xufada kale ee hoos ku xusan,
عن شَدَّادُ بْنُ أَوْسٍ قَالَ : قُلْنَا يَا رَسُولَ اللهِ ، كَيْفَ أُسْرِيَ بِكَ لَيْلَةَ أُسْرِيَ بِكَ ؟ قَالَ : صَلَّيْتُ لأَصْحَابِي صَلاَةَ الْعَتَمَةِ بِمَكَّةَ مُعْتِمًا ، فَأَتَانِي جِبْرِيلُ بِدَابَّةٍ بَيْضَاءَ فَوْقَ الْحِمَارِ وَدُونَ الْبَغْلِ ، فَقَالَ : ارْكَبْ ، فَاسْتَصْعَبَتْ عَلَيَّ ، فَأَدَارَهَا بِأُذُنِهَا حَتَّى حَمَلَتْنِي عَلَيْهَا ، فَانْطَلَقَتْ تَهْوِي بِنَا تَضَعُ حَافِرَهَا حَيْثُ أَدْرَكَ طَرَفُهَا ، حَتَّى انْتَهَيْنَا إِلَى أَرْضٍ ذَاتِ نَخْلٍ ، فَقَالَ : انْزِلْ فَنَزَلْتُ ، ثُمَّ قَالَ : صَلِّ فَصَلَّيْتُ ثُمَّ رَكِبْنَا ، فَقَالَ لِي : أتدري أَيْنَ صَلَّيْتَ ؟ قُلْتُ : اللَّهُ أَعْلَمُ ، قَالَ : صَلَّيْتَ بيت لحم حيث ولد عيسى المسيح بن مريم . أخرجه الحافظ البزار في مسنده (ج8 /ص 409 رقم 3484) والحافظ الطبراني في الكبير (ج6 /ص 436 رقم 6996) والحافظ الطبري في تهذيب الآثار (ج6 / ص 277 رقم 2775) وأورده الحافظ الهيثمي في مجمع الزوائد(ج1 /ص 242 رقم 236) وقال: رواه الحافظ البزار والطبراني في الكبير وفيه إسحاق بن إبراهيم بن العلاء وثقه يحيى بن معين.
Waxa aayad kale ilaahay uu ku xusay dhalashada nabi yaxye (cs) iyo calaamadii lagu garanayay,
(يَا زَكَرِيَّا إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَامٍ اسْمُهُ يَحْيَى لَمْ نَجْعَلْ لَهُ مِنْ قَبْلُ سَمِيًّا (7) قَالَ رَبِّ أَنَّى يَكُونُ لِي غُلَامٌ وَكَانَتِ امْرَأَتِي عَاقِرًا وَقَدْ بَلَغْتُ مِنَ الْكِبَرِ عِتِيًّا (8) قَالَ كَذَلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٌ وَقَدْ خَلَقْتُكَ مِنْ قَبْلُ وَلَمْ تَكُ شَيْئًا ) من سورة مريم .
Xataa waxaa uu quraanku ka sheekeeyay oo uu xus -ay mawliidka ama dhalashada awliyada qaar kamida,
( فَلَمَّا وَضَعَتْهَا قَالَتْ رَبِّ إِنِّي وَضَعْتُهَا أُنْثَى وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا وَضَعَتْ وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالْأُنْثَى وَإِنِّي سَمَّيْتُهَا مَرْيَمَ وَإِنِّي أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ ) آل عمران : 36
Walaal mar hadii quraanku uu xusay mawliidka ama dhalashada qaar kamida ambiyada maxaa hoonka loogu shidayaa xuska dhalashada suldaankii nabiyada? Waa yaab!
(7) Waxaa sunnayaasha la adkeeyay kamida in habeen kasta lanooleeyo iyada oo lagu noolaynayo noocyada kala duwan ee khayraadka oo dhan, maxaa habeen rasuulku(nnkh) uu dhashay isaga assaaggii ka reebay oo hagaasiyay?
Hadaba waxaa iska cadaatay in ay u kasayaan wahaa biyadu, tirtirista wixii arrin ah ee lagu maamuusayo ama lagu sharfayo nabigeenii soo afjaray ambiyada, mar haddii ay kasaareen habeenkii uu dhashay habee nada kale ee sannadka .
Waxaa su,aal ah, habeenkan ma waxaa faquuqay dhalashadii uu dhashay rasuulkii ugu sharafta badnaa uunka dhamaantii? Waa yaab!
(8) Wahaabiyadu waxay kudoodaan ama suuqyada kayidhaahdaan, waa la'isku khilaafsan yahay dhala- shada rasuulka oo maba sugna, hadaba talaabadaasi waa mid lagu duminayo diinta islaamka, oo garab sii naysa gaalada, maaxaa yeelay, taas gaalada ayaa gar ku helaysa oo ay wado ufuraysaa, waxayna odhana- yaan diinta islaamku raad iyo sal midna malaha, mar hadii aanay sugnayn nabigii ay kusoo dagtay dhalashadiisii oo lagu muransan yahay.
Subxaana allaah.
(9) Sida ay isku wada raacsanyihiin muxadisiinta iyo xufaada iyo dhamaan culumada xadiisku, sunanku waxay ukala baxaan afar.
(a) wixii uu amray nabigeenu (scw) in lala yimaado ama laga tago.
(b) wixii uu layimid nabigeenu (scw) ama uu sameeyay.
(c) wixii nabigeena (scw) hortiisa laga sameeyay isla markaana aanu ka biyadiidin.
(d) wixii wara ah ee xanbaarsanaa sifooyinkii nabiga (scw)oo layidhaa(الشمائل أو خبر الوصفي) taasoo ah hadii uu warku yahay mid laxidhiidha nabigeena(scw) daata diisa.
Sida tilmaamihiisii uu dadka kaga soocnaa dhaqan - kiisii iyo dhamaan taariikh nololeedkiisii lagasoo bilaabo dhalashadiisii ilaa wafaadkiisii.
Hadaba maadama uu mawliidku yahay mid xanbaar- san taariikhdii rasuuka (csw) bilaw ilaa iyo dhamaad, sida dhalashadiisii, barbaaristiisii, tilmaamihiisii, hibooyinkii uu lahaa oo ay kamid - yihiin mucjizoyin kiisii laga ashqaraaray.
Waxaa iswaydiin mudan akhriste, bal xagay ka bood san yihiin kuwa diidan in laga sheekeeyo ama laxuso inta aan soo sheegnay? Jawaabtu waxay tahay waxa- ay ka baxsayihiin kuwa diidani ehlu sunna waljamaaca, oo waxay ku cadaanayaan bidco, mar haday diideen qaybtii afaraad ee sunayaasha oo ahayd ( الشمائل أو خبر الوصفي)
Maxaa yeelay waxay isku raacsanyihiin muxadisiintu iyo dhamaan xufaadii waawaynaydba, in hadii uu qofku diido afartaa qaybood ee sunnayaasha mid kamida in aanu ahlusuna wal - jamaaca ahayn oo uu noqonayo bidci ama khawaarij.
(10) kuwa yidhaahda in laxuso dhalashada rasuulku waa shirki, waxay ujeedaan oo ay ku magacaabaan inuu yahay arimihii ilaahay uu ugaarka ulahaa oo shanta lala galay, isla markaana waxay daliil ka dhig -taan, in xuska dhalashada rasuulku ay tahay mid rasuulka xadkiisii la dhaafiyay oo markaa qiimo aanu lahayn rasuulka siinaysa,
Jawaabtu waxa weeye, xuska dhalashada rasuulka (csw) ee lasameeyo ma'aha wixii ilaahay uwaajibay, ama ugaarka ahaa. maxaa yeelay ilaahay wuxuu quraankii kuyidhi:
{ لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ } الآية (3) من سورة الإخلاص
Macneheedu wuxuu yahay ( lama dhalin ilaahay waxna looma dhalo ) .
Xaqiiqadu waxay tahay, hadii layidhaahdo xuska dhalashada ilaahaybaa iska leh oo rasuulku ma'aha wax uu uqalmo, waa gaalnimo cad, ilaah dhashaana majiro oo dhalashadiisa loo dabaldego, taasi waa caqiidada kiristaanku ay ka qabaan nabi ciise inuu ilaah yahay hadana uu dhalasho lee yahay.
(إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ) .
taas ayaana shirki cad ah, waxaan leenahay walaalayaal ilaahay usoo noqda .
Wasalalaahu calaa sayidinaa muxamadin wacalaa aalihi wasaxbihi wasalim walxamdu lilaahi rabil caalamiin.