Nin curyaana afarta addinba la'a oo guul ka gaadhay nolosha, .!



Nin curyaana afarta addinba la'a oo guul ka gaadhay nolosha, .!


Waxa aan akhriyay taariikh nololeedka mid ka mida dadka “naafada” ah, ee guulaha gaaray – aniga oo ka xun in aan adeegsado erayga “naafo”. Waxaa la yiraahdaa Nicloas Vujicic. Vujicic waa jir socda, oo malahan gacmo iyo lugo toona, Waxa uuna qaatay shahaadada Phd isaga oo 30 jir ah, waana mid ka mid kuwa ugu caansan dhiirrigaliyaasha dadka iyo ka hadalka arrimaha horumarinta nafta.


Waxaa lagu guul darreeystay in loo galiyo lugo ama gacma macmal ah marar badan. 


Waxa uu leeyahay markaas, “ Waxa aan dareemay in aanan noloshan la ii abuurin, la iiguna talagalin in aan ku sii noolaado caalamkan.”


Aabbihii markii oogu danbeeysay ee ay fashilmatay in wiilkiisa loo galiyo lugo macmal ah, waxa uu ku yiri ; 


“ Wiilkeeygoow, aragtida aad ku fiirinaysid 

naftaada ayaa ah argtida ay dadka kale kugu eegi doonaan. 


Ilaahay ayaa kuugu abuuray sidaan xikmad, mana khaldamo. Laba waa mid : in aad noolaatid adiga oo ka dudsan una careysan nolosha iyo abuurkaaga, ama in aad jeexatid waddo. 


Aragtiyada dadka ma sameeynayaan 

qofnimadaada, ee waa adiga cidda hagaajin karo noloshiisa. 


Been kuuma sheegayo oo waxa aad tahay naafo, laakiin kan baqayaa waa naafo sidoo kale, kan shakinayaa waa naafo-naafanimada tan ugu weyni waa naafanimada doonista”. 


Waxa uu yiri Nickolas hadalkaas aad ayuu ii saameeyay, waxa uuna inooleeyay mar kale, kadib marki aan ka quustay nolosha. 


Kadib waxa uu ku yiri aabbihii kalmadda caanka noqotay ee “Everone has his own battale—qof waliba waxa uu leeyahay 

dagaalkiisa u goonida ah.


Ma ahan Nickolas oo kali ah dadka naafada ah ee jeexday waddo, gaarayna guul. Dad farabadan oo aadanaha ku leh abaal ayaa ahaa kuwo aan u naqaanno naafo.


Dhanka siyaasiyiinta, Franklin Roosevelt waa siyaasi Ameerikaan ah. Waxa qallalay qayb ka mid ah jirkiisa isaga Oo 39 jir ah. Kama aysan reebin naafanimadu hankiisi siyaasadeed, Ilaa uu ka gaaray kursiga madaxweyne ee Maraykanka sanadkii 1932dii, isaga oo madaxweyne ahaa afar xilli doorasho oo isku xigay, Ilaa uu ka dhintay sannadkii 1945tii.


Dhanka aqoonta waxaa ku jiro aqoonyahanka xisaabta ee gaaray meesha ugu sarreeysa xisaabta caalamka, lana magacbaxay “Kursiga Xisaabta” ee Stephen Hawking qabtayna xilalka ugu sarreeyo ee cilmiga xisaabta. 


Waxa uu ahaa fadhiid aan soconayn, kana dhaqaaqin kursigiisa.Dhanka suugaanta waxaa ku jiro suugaan yahanno carbeed oo indhoola ahaa, sida Abul calaa Almacarri, Bishaar bin Burd iyo Daaha Xusseen oo ahaa tiirkii suugaanta Carabta ee qarnigii tagay.


Dhanka cilmiga sharciga aad ayay ugu badan yihiin waxaana ka mid ah Imaam al-Tirmidi oo ahaa indhool, kana mid ahaa culumadii xadiiska, ahaane sheekhii Bukhaari, qorayna mid ka mid ah kutubta ugu caansan Xadiiska Rasuulka.


Waxaa kale oo ka mid ah : Sheekh Ibnu baaz, Sh. Cabdicasiis Al-Sheekh, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo kuwa kale oo badan. 


Dhanka hoggaamiyaasha militariga waxaa ka mid ah Muusaa Ibnu Nuseeyr, oo furtay Andalus iyo Afrika, waxa uuna ahaa jiis ! Waa ay badan yihiin dadka guulaha gaaray, jir ahaanna ka mid ah dadka aan u naqaanno “naafada”, laakiin aanan doonista ka ahayn naafo.


Haddii aad fiirisid waxa ay wada wadaagaan dadkaas aan ka soo sheekaynnay waa in halka ay naafada ka yihiin ay saameyn toos ah ku yeelanayso hadafka ay doonayaan xaqiijintiisa, laakiin naafanimada dhabta ah ma ahan tan jirka ee naafanimada dhabta ah ee ina haysta waa “naafanimada doonista”. 


Dadka aan u naqaanno “naafada” waxa ay ku qasbeen dunida in la siiyo magaca “dadka baahiyaha gaarka ah leh”, ka dibna waxa uu u gudbay magacaas uuna isku beddelay magaca “Dadka awoodaha gaarka leh” ka dib markii la arkay guulahooda aan caadiga ahayn.


Xaqiiqadu waxa waayeen in aduunyadan iyo jannadaba loo abuuray darteen, ee aanan loo abuurin dunida in ay hor istaagto caqabadna ku noqoto waddadeena guusha, kor buurta oo jabi dhagaxa cabsida, hana ka yeelin in duruuftu kaa hor istaagto guusha, ee adiga la dhaqan duruufta, hana quusan. 


Dadaalahana waxaa la jiro Ilaahay.! 


References 

Abdullahi, A. (). iftiinka qalinka. p.53-54-55.