Maansadii "Jacayl dhiig ma lagu qoray"



Maansadii "Jacayl dhiig ma lagu qoray

Jacayl dhiig ma lagu qoray

Weli dhuux ma loo shubay

Qofna saanta dhabarkiyo

Ma u dheegey feedhaha

Dhabanada cad laga jaray

Hadalkii ma lagu dhigay

Xinjir aan is dhalan rogin

Midabkeedu dhiin yahay

Laga dhuray halbowlaha

Weli dhiil ma lagu shubay

Laba mays dhansiiyeen

Sida dhayda xoolaha

Dhag dhag maw wadaageen


Weli laba is dhaarsaday

Beryo dhacan nasiib iyo

Dhul ku kala cillaalaa

Subax dharabku kowsadey

Dhedaduna cuddoon tahay

Cidla aan dhir mooyee

Wax dhaqaaqayaa jirin

Jabaq maysku dhaadeen.


Kulankii dhabta ahaa

Riyo dhiifi keentiyo

Dhalanteed ma moodeen

Sida ay dhadhabayaan

Dhawr jeer ma seleleen

Af dhabaan dhab jamashada

Ma ka dhoofay hadalkiii

Bal dhaqaaq na kay tahay

Dhihidii ma waayeen

Ma ka dhabaqday xaajadu


Ilma dhalatay xiisuhu

Sida dhibic ma hiigaan

Ma ka qubatay dhaayaha

Ma ku qoyey dharkoodii

Naxariis ma dhidideen

Iyagoo dhanqalankii

Dheel dheelli mooyee

Dhegna aanay kaga jirin

Kolba erey dhex roorkiyo

Dhumucdii ka maqantahay

Dhitinaaye keligii

Ka dib tooban dharaarood

Carrabkiyo dhanxanagii

Dhirindhirid ma ku heleen


Laba guul u dhalatoo

Isu dhiganta weeyee

Dabadeed dhabeeshii

Hanadkii ku dheeraa

Dhudi mays bariidsheen

Dhubbad qaadka sheekada

Qofba dhagarta caashaqa

Wixii dhaaxo soo maray

Ma dhex galay kalkiisii

Ma akhriyey dhambaalkii

Warka maysu dhiibeen.


Kalgacayl dhito ahaa

Dhamac iyo dab huriyeen

Dhuxuliyo ladh soo kacay

Hadba dhoon ma buuxsheen

Kolba dhacan ma jiideen

Dhacdadiyo u jeedada

Qofba dhaadashada guud

Qofka kale dhankiisii

Inaan looga soo dhicin

Ma ku dhaabadeeyeen

Sannad mays dhegeysteen


Ma dhalaalay waagii

Dhag ma tidhi cadceedii

Intay soo dhaqaaqeen

Iyagoon ka dheeraan

Dhaqankiyo xishoodkii

Dhaymana u jeel qaba

Iyadoo dhexdoodii

Dhulka suxul banana yahay

Dhibta maysla taageen

Wax intaa ka sii dhow

Ma ku dhiiran waayeen

Dhayal laysu taabtiyo

Dhallinyaro habkeedii

Ma ka dhega adaygeen

Dhadhansiga miliilica

Isha mayska dhawreen


Dhabbaday is taageen

Qofba dhaabaddiisii

Sara joog dhankiisii

Kun habeen ma dherernaa


Dhudhummada aboorkii

Dhulka hoose kaga baxay

Dhilashada jidhkoodii

Ma dhanbalay sartii guud

Ma dhammeeyey hilibkii

Xidididada ma dhaawacay

Ma u dhaafay seedaha

Lafta hoose maw dhacay


Dhiilluu ku geliyaa

Ama waad dhalliishaa

Dhagartiyo wedkaagee

Dhimashada kal iyo laab

Ma ku soo dhaweeyeen

Dhoollaha ma ka qosleen


Ubax dheelka subaxdii

Naxariis ku dhaashtoo

Afka dhiin cas mariyoo

Dhaddigiyo labkisii

Laba dhude isugu maran

Ma is dhaafsadeenoo

Dhaxal maysu siiyeen

Dhuuni kawlka caashaqa

Maysu sii dhadhamiyeen

Ereygii dhinaa hadal

Dhegta maysu saareen


Dhafan dhaaf aboorkii

Ma dhufsaday cammuudii

Ma u qaatay dhoobada

Dhab-dhabkiyo kabkabidii

Labadaba ma dhalan rogey

Dhismo kale ma soo baxay

Ma ka dhigay wax yaabliyo

Dudun dherer ku caanoo

Dhumuc iyo laxaad weyn


Dhalan dhoolka maantii

Dadku dhacarta jiilaal

Ma dhasaday dharaartii

Ma ka dheelmay galabtii

Iyadoon la dhaadayn

Sheekada dhabteediyo

Dhabar weyntan hooska leh

In dhexdeeda laba ruux

Runta kaga dhur sugayaan


Haddaan laysu dhamanayn

Nafta laysu dhiibayn

Ama dhaxal tis qaadiyo

Dhismo aqal la taagiyo

Ubad iyo dhaqaaliyo

Dhaqan reer la kala sugin

Dhunkashiyo u jeedadu

Tahay dhaayo guudkood

Waabay la dhabaqsado

Dhereg iyo markaas qudha

Ama sida dhurwaayada

Hilbo gabadh dheg roonoo

Higlo loogu dhuuntoo

Dhakhso loogu kala baxo


Ninba waxa dhabbacashada

Dabinkiisa ugu dhaca

Dhidar iyo xabaashii

Sharaf lagu dhabcaaliyo

Dhawrsooni laga tegey

Dhalanteedka beenta ah

Bulshadaa u dhaawacan


Hab jacayl u dhaqan galo

Ma holladay ka ugu dheer

Maamuusna ugu dhow

Mise weli wax baa dhiman