Damaca Itoobiya e badda heshiiska s.land iyo wareega dheer ay ku qaadatay qadiyaadaasi inay soo gaadho halkan ay maanta marayso
Waxaa maal mahan danbe aad looga hadal hayaa gayiga soomalidu dagto, iyo guud ahaanba caalamka arinta ku saabsan badda, iyo heshiisyadii lagu kala saxeexday dalka itoobiya. Kaas oo dhax maray raysulwasaaraha dalka Itoobiya aby axmad cali iyo md soomaali land mudane muuse biixi cabdi. Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugay bishii janaayo islamarkaana isku waydaarsadeen labada masuul nuqaladii heshiiska madal aad loosoo agaasimay.
Heshiiskan ayaa kadis ku noqday dadka soomaaliyeed. Yaab iyo af kala qaad ayay ku abuurtay dadwayna . Isla markaana waxay bulshadu ka bixisay falcelin kulul oo ay kaga soo horjeedaaan heshiiska , iyagoo qarkood ku tilmaamay inuu yahay mid u gogol xaadhaya guumaysi kale oo dhul kale ku doonayso itoobiya, oo raaca dhuukii ay soomaalida horay oga haysatay.
Waxaa sidoo kale dhankiisa ka hadlay madaxweynaha dalka soomaaliya oo si kulul oga falceliyay, xili uu ka hadlayay madasha baarlamaanka oo ay buux dhaafiyeen mudanayaasha baarlamaanka, islamarkaana ku tilmaamay inuu yahay mid sharciga baal marsan, isagoo arabka ku adkeeyay in aysan jirin cid awood u leh inay bixiso taaka ka mid ah dhulka soomaaliya.
Si kastaba ha ahaate, heshiiskan is afgaradka ahaa ayaa sawaxan badan iyo qaylo ka dhax abuuray baraha bulashada, warbaahinta caalamka , iyo sidoo kale golayaasha siyaasada lagaga arimiyo.
Wareega ay usoo martay itoobiya inay hesho marin badeed
Hadaba maqaalkan waxaan ku xusi doonaa taariikhda daowladda itoobiya ay ku raad joogtay inay jesho marin badaeed u gaar ah oo ku xidha dunida inteeda kale. Waxaa hubaal ah in dawlad walba ay u baahntahay marin biyood, kaas oo ka caawinaya is waydaarsiga ganacsiga kala dhexeeya caalmaka intiisa kale, sidaa la ajligeed waxaa lagama maarmaan ah inay hesho dakad ay wax kala soo dagto.
Maxay tahay muhimada gaarka ah ee marin biyoodku?
Waa su'aal wanaagsa. Ahamiyada uu leeyahay marin biyoodku waa fududaynta is dhaafsiga ganacsi ee kadhexeeya dalalka kala duwan ee caalamka. Dakadu waxay dawo ka tahay culaysyo farabadan oo soo gaadhaya isu socodka badeecadaha, taasoo kor u qaadaysa qiimaha maceeshada.
Goormay bad la'aanta noqotay itoobiya
Dalkan itoobiya ma ahayn waligiiba mid aan lahayn wax marin biyood ah sida uu maanta yahay. Hadaan dib u raad qaadno ilaa 1960-yadii , itoobiya waxay isticmaali jirtay dakadaha dalka maanta loo yaqaano Ereteriya oo ka tirsaana dalka itoobiya islamarkaana dhinaca ku haya badda cas. Markay taariikhdu ahayd 1991-dii waxaa dalka qabsaday jabhadiihii ka soo horjeeday taliskii dargiga la odhan jiray. Jabhadahaas Waxaa hormuud u ahaa jab hadahaas tigrayga oo ay isbahasi ahaayeen Ereteriyankii xornima doonka ahaa. Markii ay tigraygu la wareegeen xukunka dalka itoobiya waxaa madax banaani qaadatay dawlada Ereteriya, islamarkaana noqotay dowlad ka madax banaan dalka itoobiya intiisa kale. Halkaa waxaa ku soo xidhamay labaabkii bada ay ka galaysay itoobiya. Waxayna kala dirtay ciidankii badda ee ay lahayd iyadoo qalabkiisiina xaraashatay. Taa badalkeeda waxay heshiis ay kula wadaagayso dakada la gashay dalka Ereteriya. Taarikhdu markay ahayd 1998-dii dagaal ayaa faraha la iskaga gubtay ayaa dhax maray labada dal, kaas oo ka kacay khilaaf dhanka soodinta labada dal ku saabsanaa.
Waxay markale gashay itoobiya caqabad dhanka badda ah. Waxay mar kale u daba fadhiisatay dalka jabuuti waxayna kalasoo dagtaa rarka ay kala soo dagto dibda %95. Taasoo ka dhigan in guud ahaanba ganacsigeedu ku tiirsanyahay dakada jabuuti oo aad u yar marka loo eego dalka itoobiya.
Fikrada ah inay hesho itoobiya dakkad
Dhawr iyo sodonkii sano ee uu haystay dalka tigreegu waxba iskumay hawlin heliddadakad ay u madax banaanyihiin. Waxayna u muuqatay inuu malas zanaawi u arkayay inaysan wax badan u dhimayn bad la'aantu hormarka dalka, aritaana wuxuu u daliishanayay dalal kale oo gaadhay hormarka iyagoon lahayn wax marin badeed ah, tusaale ahaan Rwanda iyo kuwa kale.
Markay taariikhdu ahayd 2018 waxaa xukunka hantay ninkan maanta jooga ee abby Ahmad cali. Abi axmad marku sidaa kursiga u fuulay wuxuu bilaabay inuu ka shan qadhiyo arinta bada iyo xal u helitaankeeda. Aby Ahmad wuxuu hoosta ka xariiqay inay tahay arinta bad helistu mid geeri iyo nolol oga dhigan dalkiisa.
Safaradii abby axmad iyo xal u helidda bad la'aanta
Isla sanadkii uu xilka qabtay abi axmad wuxuu safaro ku la bixiyay qaar ka mida wadamada dariska la ah dalkiisa.
Wadamada uu safarka ku tagay waxaa ka mid ahaa dalka soomaaliaya oo xiligaas uu madax wayne ka ahaa Muxamad Cabdullahi farmaajo. Wuxuu halkaas kula soo saxeexday hesheesyo ay itoobiyo ku maal gashanayso ilaa afar dakadood oo ay ka mid yihiin hobyo , garacad . Sidoo kale wuxuu heshiis la sexeexday jabuuti inay ka siiso qayb dakada. Sidoo kale kenya oo la saxeeday heahiis dhanka dkada ah. Suudaan iyadan waa la galay heshiis lamida.
Dhismaha ciidamada badda ee itoobiya
2019 kii wuxuu bilaabay raysulwasaaraha dalka Itoobiya dhismaha ciidamo badeed oo uu yeelan doono dalkiisu. Waxay la sexeexatay itoobiyo heshiis dalka Faransiiska kaas oo ay ku bixisay hanti dhan 93 milyan oo dollar, islamarkaana loogu tababarayo ciidan badeed . Sanadkii 2021 waxay itoobiya soo bandhigtay, astaanta cusub iyo dirayska ciidanka badda ee dalka itoobiya. Sidoo kale waxay xadhiga ka jartay xarun tababarka ciidanka badda oo laga dhisay mid ka mid ah wabiyada mara dalka.
Febraayo 2022 waxay itoobiya codsi u dirtay nadiiga badda cas oo ka kooban dalalka soo gaadha badda cas, u jeedka codsiguna wuxuu ahaa inay ka qayb gasho dhoola tus ay lahaayeen xoogaga badda ee dalalkaas.
Naadigan ayaa ka kooban sideed dal oo kala ah: boqortooyada Sacuudi Carabiya, dalka masar, urdun , suudaan, soomaaliya, Jabuuti, Ereteriya, iyo yaman. Naadigan ayaa u xilsaaran arimaha la xidhiidha amniga bada cas.
Codsigii itoobiya ee ahaa inay ka qayb galiyaan ayaa lagu gacan saydhay. Maadaama aanay meela kasoo galin badda cas isla markaana ay tahay mid baxsan. Arintaas oo ku abuurtiya itoobiya calool xumo.
Hase yeeshee fikrada ah in sina aan looga maarmayn dakad ay gaar u leedahay itoobiya ayaa ahayd mid aan ka faaruqin maskaxda wiilkan itoobiya haysta. Inkasta oon lacadayn karin sababta ka danbaysa damacan, hadana waxay u badan tahay dhawr sababood ooy ka mid tahay inuusan kalsooni ku qabin dalalka dariska ah oo ay itoobiya qaar kamida colaado dhax mareen. Sidoo kale waxaa meesha aad mooda inay ku jirto aragti ah inuu abby aaminsanyahay inuu xaq ka maqanyahay islamarkaana uu rabo inuu soo ceshado gar iyo gardarabana uu xaqiijiyo riyadiisa ku aadan bad ugaar ah dalkiisa.
Waxaana laga dhax dheehan karaa hadaladii abby axmad uu 2022-kii ka horjeediyay baarlamaanka dalkiisa, kaas oo uu kaga hadlay baahida dalkiisu uqabo marin biyood, iyo tirada dadkiisu inaysan u adkaysan karin ka oodnaanta xeebaha.
Ugu danbaytii waxaa hal mar uun laga war helay heshiis laba geesood ah oo ay kal saxeexdeen madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi iyo raysulwasaaraha dalka itoobiya abby Ahmad oo ka dhacay magaalada addis ababa. Heshiiskan ayaa la kulmay canbaarayn oga timid dhinacyo kala dun, sida dawlada dhexe ee soomaalya oo ka hadashay. Meel adagna ka istaagtay. Waxaa kaloo dhaleecayn u soo jeedisay beesha caalamka, qaramada midoobay, Ururka jaamcada carabta.