Hawl Adduun


Hawl Adduun 


Kolkii aan hanaqaaday ee aan kala ogaaday waxa qumman iyo waxa qalloocan garaadkaygu waxa uu ii sheegay in aan joogo meel aan nolol ka suurta galahayn aniga oo runta ay maskaxdaydu ii sheegayso aan ku dhacahayn ayaan haddana dadkii aan la noolaa ka maqlay weedh ahayd "nolosha waa loo samraa" samirku waa qanaaco, qanaacaduna waa halka ugu danbaysa ee isdhiibidda oo qofku maalinta uu qanco waa maalinta uu waayaha toos isugu dhiibay. Garashadayda oo aad u hoosaysay ma aan fahmi karin in samirka iyo qanaacadu yihiin wax aad u xun oo aan dadka lagu la talin, haddii ruux kugu la taliyana ay tahay wax aan la qaadan, irbad suuxiso ah ayaa la igaga muday in aan wax aan jirin ka soo qaado weedhaas dadka aan la noolaa iyo meesha aan ku noolaa ay iigu qariyeen sida aan dareenka lahayn, runta soo socota oo gaadhiga ay saaran tahayna uu darawal ka yahay "Wakhti" hadaltiro iyo riyo dhalanteed ah ayay dhab igaga daaheen.


Wakhtigu waa mid aan nixin oo aan u naxariisan dadka, xaqiiqada dhayda ka cad ee ay wakhtiga iyo ayaamuhu soo sidaanna uma hayo gaashaan aan iskaga dhigo, adigu waad ogtahay oo waxa aad kortay iyada oo la leeyahay "Wakhtigu ha inoo samaado" se waligaa ma aadan arag wakhti san kolka ay xoogaa noloshu isu kaa haleesho ee aad is dhahdo maanta waa kuu iid ee aad intaa u celisid caqligaaga fayow waxa uu ku tusinayaa boqollaal baahiyood oo aad badankooda ama dhammaantoodba u qabtid baahi lamahuraan ah, dhafoorrada waxa aan cabbaar hayo fakar dheer ayaan galay waxa aan ka fekerayaa wax aan Aadame helin! Dadba ma helin oo qof walba oo dunidan korkeeda yimid heerkuu doono ha ka gaadho noloshee isaga oo tirsanaya baahiyo ka dhiman ayuu adduunka sagootiyey, maya e waa laga qabtay. Adiga oo og in xaalka dunidu sidaas u fool xun yahay haddana damaca iyo doonistu waa wax dadka la abuuran amase kuba abuuran oo xididdadiisa ayay ku lifaaqan yihiin, in aan socda oo aan aroortii kaco, sarena uga tooso gogashii dayacnayd ee ilaa xalay aniga oo hawlaha ifka ka fekeraya aan hadba dhinac isu rogayay ayaan go'aansaday, markii aan kacayna waxaa niyiyaddayda ku soo noqnoqanaysay hees  galab walba oo aan abtigay u tago rikoodhkiisa ka bixi jirtay:


"Illeen hohi kuma bogsiiyo

Hammigu warwar kaama bi'iyo

Halaahal wax kuuma keenoo

ADDUUN HAWLI KAMA DHAMAATO!"


Adduun hawli kama dhammaato oo waxa jidhkaygii  wiiqay ee ii ekeysiiyay qof aan cunin waxa ay cunaan dadka uu la nool yahay, timahaygii salaanta joogay inta ay salxanyo galeen ay madaxa ka sii dagayaan waa tallan iyo hawl adduun. Weli meeriskii "adduun hawli kama dhamaato" maskaxdayda kama bixin oo waxa aan is waydiiyay sidaa casilan muxuu kuugu xumaynayaa xilligu waxa aan kolkiiba ogaaday in ilaa xaataaqayuun uu wakhtigu noole walba silcinayay suugaantii Soomaalidu curisay intii maskaxdayda ku jirtay ayaan ka dhex arkay gabayo iyo Heeso aan xaddi lahayn oo wakhtiga hiifaya Xasan-Ganey isaga oo sheegaya waxa dadka kala sarraysiiyay ee koox caaddaa geeyay qayb kalena ka dhigay dhawrtaysato aan boggooda beer ka xigin waxa uu ku sheegay ereyo ay sida sameecadda dhagaheenna u soo gaadhsiisay Aamina Cabdillaahi:


"Waligeed adduunyada

WAKHTIGAA qof saacida

Midna WAAYAHAA xidha!"


Xasan waxa uu si fog oo waaya'aragnimo leh u ogaaday in ay waligeed sidaa bilaa aayo u ahayd dunidu oo wakhtiga iyo waayaha oo isku mid ahi dadka u kala eexan jireen. Wakhtigu waa jiraalka, waa wixii jirey, haddan jira, jirina doona. Waa waxa cid nooleeya, cid kalena dila. Magacyadiisa waxa aan ka xusuusan ahay: had, goor, xilli, waa, bari, mar, wakhti, ammin... heelladeenna waxaa ku kaydsan "HAD mooyee habaarba looma dhinto!"


 Anigu waxa aan isku tiriyay kolkii aan heestaa ay Aamina ku luuqaynayso arkayba kuwa ay waayuhu xidheen oo waliba labadible inta ay u qabteen ay xanan iyo jeerin qodax leh dhex dhigeen dhankii aan isu rogana ay iga mudayaan qodxaha fiiqa leh ee jeerinku, caloosha dadku waa meesha ugu dheeraysa oo halkii sikin ayay dhawr goor is gedinaysaa oo kolba fikir hor leh oo walbahaarkiisa wata kugu kicinaysaa runta iyo xaqiiqada waayaha ma qaadan karo oo dacarta ayay in badan ka qadhaadhahay mana rabo inaan sida dadka isku maayeeliyo "Badan wey danbaysaa" oo wax ii danbeeya oo aan da' sii kordhaysa iyo gabaw aan i daynayn ahayn iima danbeeyaan waxa aan aniga oo halkaygii fadhiya nafta u sheegay in ay dunidu tahay mid aad u waalan oo aan waligeed hagaagayn ee ay iska noolaato inta uu ka maqan yahay manaxariistihii mawdku, dhibkuna uusan ahayn meesha aan ku noolahaye meel walba oo aan dunida ka tago ay i daba socon doonto hawsha iyo dhibaatada ay dharaaruhu walwaalayaan. Giraanta meeraysiga ayaa qof nooliba meel ka taagan yahay oo ma leh bilow iyo dhammaad toona. Kol haddii aysan jirin raaxo iyo nasiino ah oo ay nolol leedahay buulkii aan ku dhashay ee la iga soo dhax qaaday markii aan adduunka imid waa in qoloftayda oo ay naftu ka rawaxday dib looga qaadaa!