Sida loo kariyo 𝑩𝒂𝒓𝒊𝒊𝒔 𝒊𝒚𝒐 𝒉𝒊𝒍𝒊𝒃


Sida loo kariyo 𝑩𝒂𝒓𝒊𝒊𝒔 𝒊𝒚𝒐 𝒉𝒊𝒍𝒊𝒃


Wuxuu Ka koobanyahay:

🔶️Basal 1 xabo 

🔶️Yaanyo lasoo shiiday
🔶️Karooto 1 xabo 
🔶️Toon iyo kabsar
🔶️Cusbo 2 qaaddo ama qayaas
🔶️Xawaashka hilibka
🔶️Xawaashka caadiga ah
🔶️Qarfe iyo heel shiidan
🔶️Joos shiidan qaaddo haafkeeda
🔶️Filifil shiidan qaaddo haafkeeda
🔶️Dhegayare qaaddo haafkeeda
🔶️Zabiib 3 qaaddo yaryar
🔶️Riixaan budo ama caleen
🔶️Saliid ama subag 4 qaaddo oo weyn
🔶️Bariis basmati nus kiilo


Qaabka loo diyaarinayo

1. Hilibka iyo khudaarta si fiican usoo dhaq.

2. Hilibka kaligii biyo ku saar.

3. Saliidda ama subaga digsiga ku shub kadibna basasha iyo toonta ku shub inta ay ka gaduudaneyso basasha, kadibna hilibki biyaha ka soo saar ee ku dar oo isla gedgeddi asaga iyo basashi ilaa uu ka shiilmo, cusbana ku dar.

4. Ku dar kabsarta iyo yaanyadi shiidneyd iyo xawaashyadi budada ahaa oo dhan kadibna waxyar kabacdi ku shub biyahii aa kusoo karisay hilibka ee karkarsanaa, ee shib ka dheh cabaar intey ka karkarayaan.


5. Bariiska soo dhaq kadibna biyo kusoo radi(biyo lasoo dhig)cabaar.

6. Weel kale ku shub saliid, toon iyo kabsar, xawaash yar, cusbo, Qarfihi, heelki, jooski, filfishi, reexaanti iyo dhamaan waxaa hayso.

7. Bariiska ku dar qeybtan bilaa hilibka ah ee si fcn ugu walaaq.


8. Qeybti kale oo hilibka ku jiray oo dadka kuu saarneyd ku dul shub bariiskan shiilmay, lkn hilibka waa inaa ka bixisaa oo weel gooni ah ku riddaa.

9. Bariiska markuu bislaan rabo hilibka dusha ka saar saar oo ku dabool 5 daqiiqo, oo dabka u gaabi si uu u huuro.

10. 5 daqiiqo kadib tartiib qaadada ugu gedi bariiska oo hilibka dhexda geey.

11. Zabiibka haddaa jeceshahay ku darso.

12. Ku gur saxanka cuntada oo caafimaad ku cun.

Jooska waa midka kuukuusan ee xalwada aan ku darsanno oo la shiiday.