qaybaha geela soomaalida

 

Geela nooccyadiisa kala duwan

Geelu marka loo eego dhaqanka iyo nolosha soomaalida waa shayga ugu qiimaha iyo waxtarka badan looguna jecelyahay xoolaha. Geela soomaalidu wuxuu u badanyahay ama ukala baxaa saddex nooc:
 

 

cashir online 

-Geel wabi.

-Geel nugaaleed.

-Geel hawd.

 

wuxuu kudhaqan yahay gobolada Bay, Bakool, Jubada hoose, jubada dhexe, iyo G/hiiraan. geela goboladaas kudhaqan wuxuu ubadan yahay midabada Guduud, Aydin cas, iyo midabka caddaanka ah oo ugu tiro yar. magacyada loo bixiyana waxaa kamid ah

 

            Geel hawd

Geel hawdka waxaa laga helaa oo uuku dhaqan yahay gobolalada Doollo, Ceel-cad, Gal-Guduud, Muddug, Sool, iyo T/Dheer. Geel hawdka qaabka iyo baxaaliga waa meel dhexaad oo geel wabigana waa kayar-yaryahay geel nugaaleed kana waa ka qiro roon yahay ka itaal iyo xoog badan yahay. Geel hawdku waa nooca geela oogu adkaysiga badan daaqa iyo kaqatanaanta biyaha taas waxaa loola jeedaa u adkaysiga gaajada iyo oonka.

Waayo wuxuu marwalba joogaa dhul hawda oo kulul xataa marka ay doogaada tahay iyo xiliga roobka,taasoo keentay in geel hawdku kulaylka iyo oonka u adkaysto. Geelaas hawdka kunool midabada nooc kasta waalaga helaa oo wuxuu qiyaastii noqon karaa sidan hees kuqoran:-  caddaan ama qiri-cad, maddaw, guduud, ciir-bacad iyo fiil.

Magic yada ugu badan ee reer hawdku geela ula baxaan waxaa kamida:-

Eryo, Aloos, Aaran, Baari, Baaqad, Busti, Dahab, Duuban, Doolab, Good, Gaafan.

 

Heesaha reer hawd ku ugu heesaan waxaa kamida tan :-

Ø Meel aan aar marin

Ø Ugaadh mooyee

Ø Aaran keediyo aar libaax baa

Ø Aroor yada hore uubatayn jiray.

Heestaas waxay  tilmaamaysaa in geelu marwalba daaqo ama ku dhaqanyahay dhul aaf ah

Oo dagmada iyo xoolaha kalaba kafog yihiin, dhulka aafka ah iyo hawdka durugsan waxaa waligiis ku badan ugaarta iyo dugaaga sidda libaaxa  sidaas darted geela iyo ragga haya waxay degaan layihiin libaaxa.

Meelkasta iyo gobolkasta hajoogee geela soomaalidu waa isku muuqaal dhawyahay midab ahaan iyo qaab ahaanba waxaase jirta in geelu kala waawayn yahay ama ukala caano badan yahay hadaba gobolka uukudhaqmo iyo goobta nololeed ee geelaasi kahelo daaqa biyaha, ciida, iyo daranta kuwaas oodhamaan qayb laxaadleh kaqaataa nolosha iyo waxtarka geela qiimaha iyo waxtarka geelu aad ayuu ugu sareeyaa wax kastoo oo ay soomaalidu dhaqato oo xoolaha nool ah. Sababtuna waxay tahay waxaa uu geelu leeyahay waxtar balaadhan oo aan xoolaha kale lahayn, sida:- caano badan, xoog badan, iyo qiimo badan hadii la iibsho ama lagu badalo xoolo kale.

Tusaale ahaan:- waxaa hasha la-lisi karaa dhawr jeer maalintii oolaga yaabo inlaga helo caano aan waxba kala yarayn dhawrka jeer. Waxay yiraah daan soomaalidu caanaha geelu waa:-

Ø Xero kumaal

Ø Xiskin kumaal

Ø Iyo xig kumaal.

 

 

 

 

       GEEL WABI

Geel wabigu waa geel waa wayn oo dhaadheer geela noocaas ahi waa geel saan culus oo socodka kuma dheereeyo wuxuuna kamid yahay geelasha soomaalidu dhaqato midka ugu caano badan geelaasi:-              -Wahsad

-Sugaal

-Hudee c

-Dhawrad

-  Waayeel

-Magool

-iyo Darbi

Magic yadaas oodhan waxay tilmaamayaan qaabka iyo dabeecada socodka hashaas.

  GEEL NUGAALEED

Geel nugaaleedku waa qaab meel dhaxaad ah waynaan badan iyo yar-yaraan aad loodareemo midna malaha waana geel saan fudud oo dheereeya xaga socodka waa nooc dhaga fudud oo qaylada heesta iyo shanqadhta markaba lafal gala noocaasina aad ayuu ucaano badan yahay laakiin wuu adkaysi yaryahay wakh tiyada jiilaalka, abaarta, iyo biyo waagaba waayo waa dooxo iyo cows kunool. geelaasi wuxuu kudhaqan yahay dhulka udhaxeeya:- ceel yagoori iyo degmada laasa caanood, D/ ayl iyo D/ burtunle dhulkaas ookamida G/ nugaal ee dalka somaliya ee magaalo madaxdiisuna tahay D/ garoowe waa dhul dooxooyin badan oo aad ucaws iyo biyo badan. dooxooyinka nugaal waxaa dhex mara dur-duro biyo ah. Geelaas dhulkaa jooga waxaa midabkiisu ubadan yahay cadaan ama qoryo cad.

Magac yada ugu badan ee loobixiyo geelaas waa sidan hoos kuxusan:-

Xiis

Xiito

Xayaab

Soohan

Saabuun

Siigo

Good

Gardho

Maadhiin

Iyo busti

Hees geel baatidhi :-

Nin kuxada iyo xaraash mooyee inaan xero kale xiis lagaa odhan xilaa lagu furay. (taas oomac naheedu yahay in lagu gado iyo in lagu dhaco mooyee si kale xerada ooga bixi maysid xiiseey)

Hees kale oo geel baa tidhi :-

Allow siigeey col siddeetan ah oo sangi iyo lug ah hayna solan siin. (tani waxay kadhigan tahay allow hashaydaay col fardo leh haynoo keenin suu anna wuu I idilayaa adna wuu kudhacayaaye).

Soomaalidu geela saan sheegnay aad ayay ujecel yihiin bixintiisuna waa ay ku addag tahay ninkii haysta ninkii aan haysana hellis tiisu geel sahal maahan taas baana sabab u ah inaan geel sahal lagu bixin.

Tusaale:- nin soomaali ah oo cigaal la odhan jiray kaasoo doobnomo kuraagay ilaa sannada 50aad qaraabada iyo saaxiibadiisna jec laayeen inuu guursado ayaa nin saaxiib kiis ahaa oo xaashi la odhan jiray ku yidhi cigaal saaxiib maad guursatid oo intaad labaatan halaad oo yaraad ah bixisid gabadh wanaagsan guursatid?

Cigaal ayaa qosol dhoolo caddeeyay wuxuuna yidhi xaashi waatalo fiican saaxiib laakin haddii guurku kuxidhan yahay labaatan halaad oo labaxsho waxaan filayaa inaan kala raagi doono. Cigaal oo inuu geel bixiyaa aynan kahor cadayn baa gabyay oo yidhi :-

Inkastoo mudaba waa mudee aan milaygii guur joogo inkastoon marxaladaan kujiro xilo lamoogaanin loda macasha wayn iyo idiyo moodher iyo geenyo mid kalood tidhaah daba waxbaan kaa maqli lahaaye miyir kayga anigoo qaba oo aan maanku iga guurin ma muqiininkaro xashiyow sidigta maadhiine hamaqnaado guurkuba intaan marinlahaa geel.

Nin kaasi wuxuu cadaystay in hadii guurku sabab unoqdo geel labixiyo uusan guursanba doonin waayo wuxuu rumaysan yahay geela.

 

Gabaygii

Afar dhalay, afar dhalahayiyo dhaqayo loomaalay iyo dhaban madoobow ritiga dhuunta lagu qaado hadii aan dhac lookala helayn dhoofna lagu waayay ma dhulkaan kazoo qodahayaa dhug iyo aar laaga?

Maxamuud wuxuu gabaygan kucadaynayaa in geel ninkii haysta aan xoog looga qaadi Karin, lacagna uusan dhaaafsanaynin, sidaas darteedna ay aad u adag tahay si geel lagu helaa.