maansada sama wadaag ee taxanaha ah

 maansada sama wadaag

maansada sama wadaag

taxanaha maansada sama wadaag waa maanso dheer oo taxan waxayna ka ahdlaysaa akhlaaqda qofka muslimka ah iya oo dhiiri galaysa suluuga iyo habdhaqan suuban ee qofku kudhaqmilahaa shaqsi ahaan kula dhaqmi lahaa dhaamaan inta ku hareeraysan .

waxay si taxane ah usoo bandhigaysaa dabeecadaha wanaagsan islamarkana wxay qeexaysaa babka loo dhaqangaliyo iyadoo dhiiri galinaysa guud ahaan samaha.

.Walaatinimada….

Xurmo….

Dulqaadka….

Usamafalka waalidiin

Isu dhimrinta

Is ceeb asturka

Isu naxariisiga

Is kaalmaynta

Isku duubnida

Isu ducaynta

Iswaaninta waji furaanta

Is nabad galinta

Isu lab xaadhnida s

Is daryeelka

Wada tashiga

Is xidhiidhinta

Is waxsiinta

Dhaxdhaxaadinta

Is xaqdhawrka jaarka

Isdhuldhiga iyo tawaaduca

 

4.Isku xanqarsiga iyo isu xilqarinta

Isbooqashada

Ilaalinta balamaha

Ilaan

Linta amaanada

Malaha wanaagsan

maansada sama wadaag

 

sifoooyinkan aan kusoo xusnay koor ayay soo bandhigaysaa maansadu astaamahan ayaa inabadan aad mooda bulshadeenu inay dhayalsatay islamarkaana inbadan ooka mid ah lagaba tagay, dhaqankanaagsan ayaa ah mid ay dhiiri galanayso diinteena suuban waana wax lagu yaqaano dadka muslimiinta ah .

maansadani waxay gaar utahay websitkan xogwaran plus

1.Isjacaylka

Jabaqdaa baxaysaa

Dhagta jiidanaysee

Codku jiibinayaa

E meelaan jacayl jirin

Jamaad kayaahinaysaa

Gabankaa jilaayaa

Jidkiisaba haseejoo

Haka tuuro jararkee

Wxuu goobayaa jira

Waamarag u joogo 

Qiri meel jacayl jirin

Inaanay kajirin nolol

Quruxdiyo jamaalkaa

Milicsiga jeedaalada

Jaleecada laraacdaa

Waxay muujinaysaa

Farta uu jacayl qoro 

E jawhar iyo luul

ku xardhay joxorad oo

Jamaal midabadiisana

Jaadba uu ku dhigay xaraf

Ama jawi odgoonoo

Ubax jaalba jaal oo

Manka jirjirka saartoo

jawi cagaar hilaabtiyo

dhul xareedi jiiftoo

dhaayuhu ku jeel bixi

Jacayl waa ka waynyahay

Laba gaar ujoogsaday 

Inuu meel lajoogsado

Is jacaylku waa sumad

Jiid qudhoo isku yaaliyo

Jameecaad walaala ah

Laabtooda jiifee

Duul janada loo xulay

Oo jeen qaartay iimaan

Ayaa midan la jaaroo

Iimaanka jaliga 

Jidkiisii inay tahay

Gartayoo lajiitaye

2.Walaatinimada….

Walaalnimada waartee

Waasacee mugwaynee

Wadku soo af  jarikarin

Wadan kala fageynkarin

Kala weecin karin midab

Luqad.laiskuwaayayn

Wabiyaal dhaxmaro iyo

Badwayn kala  jarjaikarin

Waynahaa tilmaamoo

Iimaan ku waaboo

Ina faray wanaajiya

Oo waligiin ilaaliya

Gundhigeedu wuxuu yahay

Weedhii tawxiidkiyo

Waynanynta eeboo

Kuli waan usimanahay

Kuli waa midkoo kale

Wehela waa caloo kale

Kala weecin sumadeed

Waalidkiyo awawgana

Kuma kala wanaagsanin

Abtir way kawayntahay

Iyo waa bahdee kani

Waxaa loogu magac bixin

Waa si loo tilmaamoo

Looga sooco wadartoo

Loo hilmaamin waligii

Waxaa la isku dhaafaa

Taqwadiyo..

Wardigiyo salaadiyo

Waajibkoo la oogee

Waaxid raali galintii

E ogaad wadartiin

 

3.Xurmo….

Xurmaa laiku sooraa

Gubta lagu xidhiidhsha

Ehel ka iyo xitada iyo

Bulsho lagu xaqdhawraa

Xiiso lagula ceeshaa

Oo xquuq dhexdeeniyo

Xaq na saaran weeyaa

Xiliwalboo an joogniyo

Xaaladwalboon ku suganahay

Xerowalboon aan naalaba

Xilbaxbay inootahay

Siwalbood uxiintoo

Ood llgana uxiirtoo

Xeedhyaha katuushoo

oo dhaydii xoolaha

Gaawayawga xoorta leh

 

Hadii aan xurmadu jirin

Xilbax kuuma noqotoo

Xigtoo luun ma turaysoo

Gaawayaw laxay iyo 

Xeedhyo madhan madoorshaan

Xox sagaara dhaantee

Naftu kuma xaslaysoo

Maxiisayso laabtuyo

Xumaa laisku sooryaa

Xumaa laisku laisku dhaafaa

4.Dulqaadka….

Eebaa awood loo

Danbiilaha udhaafoo

Dadwaa noocyo badanyahay

Hadana duni kuwada nool

Dabeecana kukala duwan

Kadhaxayso daniyo

Wakhti darana nool

Dabeecadu gabaabsiday

Dulqaadkuna saboolyahay

Dareen kama dhamaadee

Dadku jeerba waa siye

Dhan qudhuun lagama dayo

Baro dabeecadiisoo

Ceel daliil macaan iyo

Ku dacar ajoobo

Midba kaaga dari door

Daaimbaa ku uumoo 

Waa jid aan laduwi karin

Kii doona abidkii 

Xareed inuu duruurtana

Diidana waxaa

Ubeensheegay damacoo

Naftiisuu kudili oon

Kii dulqaadka lagu sado

Dadka darajuu dheeryahay

Oo ndanaynin qaladkiyo

Duulduulka gacalkee

Dhibta ugu dulqaatee

Dheefta ugu duceeyee

Foolxumaday ku falayaan

Ku qurxiya dulqaadkee

Dada ee iloobee

Dulqaad eebaa doortoo

Isagaa ku  deeqoo

Ku ku neceb daweeyo

Ku ku jecel daryeelo

Adoon dhiig kadaadinin

Nacab kaa difaacoo

Diintaa lagu amaanaye

Waa astaanta dahabka ah

Iyo dhaqanka doorka ah

E kaga daya xabiibkoo

Isagaa 

Oo le raas ladaga iyo

Dugsi iyo gaboodba leh

Deeq eebe weeyaan

Diiqada iyo cidhiidhiga

Cuqdud kugu dilaacdiyo

Wax xunoo ku daariyo

Dabaylaha balaayada

Lagadayrto weeyaan

E kuducaysa waligaa

 

5.Waalid 

Waa laba sirwayni

Lamahuro sidoodaba

OOAdigan socoyanayaba

Saaftin laga jaraa tahay

Waa labo wax lala simo

Oo  lasiisan karo jirin

Masahlano xaqooduye

Mid nasaaran weeyaan

Suuban hooyadaadii

Kugu sidaysay uurkee

Mudo kugu sil caysee

Sikastooy uculustahay

Saacad na kaacaban

Saa kugu jeclaydee

Farxad kugu sugaysee

Kugu dihatay silic iyo

Sakaraad aktiisee

Ku seexisay dhabteedee

Horaadkana kusiisee

Dhabarkeeda kusaaaartee

Sama kugu anqarisee

Soorta aan dhadhaminayn

Ilaa ay ku siisee

Kaa dhawrtay saxarkee

Dhibta kuugu samirtee

Waxwalbood samaysana 

Kugu saarin eedee

Kugu sintay dada tahay

Iyo aabo saxanoo

Sulbigiisa tahayoo

Sabab kuu ayaayo

Duudkiisa kugu siday

Magacaaga sugayoo

 

Intaa kusoo barbaarshoo

Kula simay asaagaa

Bal waa qodob suaalee

Damiirkiyo caqliga saxan

Iyo garaadka saafiga

Miyaanay nasiinayn

Inan sidaan u idilahay

Samafalkooda loo koco

Waxay naga sugaayeen

Iyo say mudnaayeen

Iyo say mudnaayeen

In kastoon lasiinkarin

Abaalkoodo suuyahay

Waa inaan samaynaa

Oon xooga saaraa

Sidii aan ugudan lahayn

Waajibkaa nasaaranee

Usameeya nala faray

Ilasii siqdaye aan 

Soo gaba gabagabeeyee

Ducaan saaray labadaba

Oon kuna sagootiyay

Saatirkay hadaayoo

Saban dheer hawaarsho

Ha udaayo sixadoo

Ha kusimo fardawsoo 

Janadii ha seexshee

……………………………

 

6.Malaha wanaagsan

Eebaha macbuudka ah

Samaa laga malaystaa

Dadka loo maleeyaa

Inana maamin joogta ah

Iy male madaynoo

Waxaynaan markaa hubin

Musawibaan kaqaadnaa

Iyo mala awaal madhan

Oon meela haysanin

Markaasaan labada daan 

Oon labada daamood

Miduun ola talwnaa

Suu maray xadiiskuna

Waa madaxa beentoo

Mid kamadhan xaqiiqdoo

Mugdi weeye lagu lumo

Yuu kuhodin ismoodsiis

Mawqifwalbood lakulantiyo

Meel walbood istaagtaba

Cidwalbood lajoogtaba

Kamalayso samauun

Hawshii aad moogtahay

Ama aad kamaqantahay 

Ee kugu maqaala ah

Madmadawna soo galo

Hakaqaadin meeshaa

Maankii fayawbaa m

Male caafimaad qaba

Oo lasaaray miisaan

Mujiya wanaagoo

Dhadhamiya macaankoo

Muminiinta idilkood

Kamalaysta khayruun

Aan seegin marinkaas

………………………………

7.Dhimrinta

Isu dhimrintu waa qurux

Iyo qiima gooniya

Uu dhaqanka hadanki

Dhigay daraja sare oo

Loogu dhaashay bilicoo

Dhadhankiisu waa malab

Oo dhawaaqa hadadalkiyo

Dhaqdhaqaaqa lagu ladho

Dhaayaha uroonoo 

Dhagtu way kunasataa

Waxaa dhugata laabtoo

Qalbigay dhistaayoo

Naftay dhiiri galisaa

Dheef baa kaduxaysoo

Jacaylbay dhashaayo

Naxariis ayay dii

Waxaa lagaga dhawraa 

Dhaawaca dareenkoo

Waa laysku dhaafaa

Kiise laga dhartire ee

Dhagaxee qalala ee

Kaasi dhinacna seegyoo

Hoosbuu udhacayaa

Dhamaanteen walaalow

Waa  dhaqan gobeedoo

Nin caqlileh madhaafee

Aan dhiiri galinoo

Aan dhawro waligeen

Waa dhaxalkii nabigee

…………………………………

 

8.Is asturaada

Inuu eebe dhawriyo

Inbiyaalka mooyee

Aadmiga dhamaantii

Eed lagama waayiyo

Ceeb iyo dhaliil iyo

Turunturo aktiisee

Mar unbay yar seegiye

U ogow sidaasoo

Ha u fiirsan 

Halaayaabin abidkaa

Dhaliishaad ku aragtana

Astur cawradiisoo

Go`a saaroo adkeeyo

God doloolka awdoo

Walaalaha iimaankuna 

Waa isu muraayade

Hadii aad tusaysana

Isaguun usheego

Yay ogaan shisheeyuhu

Kasoo qaad adoo kale

U ilaali wixii sira

Ey ishaadu qabatoo

Ha fididinin amaanada

Hana sheegin abidkaa

Anuun hadalka sii darin

Inyar aan ku raacshee

Aduunyadu midaba badan

Dadna iima badan

Waa intaasoo noocoo

Inaad kohato way jiri

Miday ka keentiyo

Ku caqli ku oodo iyo

Kuduruuf eryanaysaba

Cudurdaarka uun badi

Hadaad aragtay ficilkii

Bal ogow maxaa dhalay

Waxaan saa uleeyahay

Ninbaad arki caraatmi

Uu garaadku eediyo

Hadadd hoos u eegtana

Ubacdiisa baadhana

Eedu ay god kale gali

Ood ogaan cidhiidhiyo

Ciil inuu ugeeyoo

Caado ulahaan jirin

Oo kii cariyay jinacaa

Ulahaa inuu uro

Oo lgu cananta

Kii eebe caasiyaa

Yar ilooba daacada

Waa insasoo caqliyo oo

Cadilkii ulaabtee 

Shaydaanka ha ucelin

Wixii gaf a ee dhaca

Shaydaan u aanee

…………………………………

10.Isu naxariisiga

Naxariista guudee 

eebuhu nasiiyaa

noolaha dhamaantii

ku nastaa hadhkeedoo

naaskeeda dhaadhyaa

kuwadaagi noloshoo

ay isugu nuglaadaan

ninka raba inuu helo

 naxariista samadana

nooluhuu karaadshaa

uu naacaw qabaw iyo

naxariis ufidiyaaaa



9.iskaalmaynta

ukaalmaynta keena taag daran

koley waa amar  korkeena ah

ka yimid samadoo kasoo dagay

aadami nimadana ka kaw tahay

dubkaa damqashada ku beeran

ayaan ka adkaysanaynin

aduu karayoo awooda

inaad kaalmayso ruux dhiban

kusoo dhacay adi agtaada

gacanta hakalaabane ufidi

ku kaalmee adu naftaada

walaalkaa kaalmadiisa

ka caawi kadeedka haysta

aad heshid kaalmada kariimkee

karaankaa adu adaal keen

kutubta sida aan ku hayno

intaad kaalmayn walaalkaa

ilaahbaa kaalmahaaga ah

miyaa wax kawayn jiraayo

adigu korotoo  ka fiican

kalla maye waa maqaam kore

inuu alle adiga kuu galo 

kobtaad ugu jirto walaalkaa

kol walba way kula gudboontahay

albaabada kaalma fidintuye

kolaad isu sudho dun iyo irbad

ku gabay aragoon karaynin

kobtaad qabsataba waa wada kurus

alow kaalmee nin kaalmo leh

ka qaad kii dhiban waxaa dhibay

isu keen xaqa adoomada

kakaafi shirqoolka kaafir










11.Iskuduubnida

Duulkii isku duubanee mida

Damaacigu kuma dagdago oo

Damani kama helo dagnaan

Dadkii kala daadsan ee daman

Daylyaroo soo gashaa dumin

Wixii ku dagaaba uu duban

Dacawaa uyaroo ba diirata

Dadow isku duubni waadayr

Cadaawaha kaa dabaala

Dadow gacmo wada jirbaa udana

Hadaan doc qudheeta laga safan

Hadaan lagu dirmin ujeed qudha

Hadaan laga danbayn hogaan qudha

Haday inba doc udareerann 

Walee dayaxaa dusheena sariyo

Guul waa kaa damero geeso leh

 

12.Isu ducaynta

Ducaa kaalmo ugu wayn

Dadna kii kuu quudhaa

Deeq kuugu badiyaye

Oo walaalka drugsani

Duco hadiiu kugu xuso

Sida diinta lagu hayo

Ducadiisu waa aqbal

Ma dahayso way dhici

Ninka daayin tuugana

Dar alle maseegine

Talo 

Dawgii maseegine 

Guulbuu duljoogaa

Meel fog looma doono

Dahab lagu bixiyoo

Carab kugumadaalee

Laba erey dadkaagiyo

Diintaada uhibee

Waa ka dayr balaayada

Waa doc khayr ku idilyahay

……………………………………….

13.Iswaanita wada tashiga

Waanaa adeec mudan

Iyo wax isu sheeg gacal

Nin weeleeyay liibaan

Nin waydaartay daad qaad

Waayeel gaboobiyo

Waaya arag sidiisaba

Waxbaa laga guntaayoo

Warkiisaa la dhuuxaa

Waa wada indho dushaa

Meel dheer wax kaa tusa

Kaa weecsha qaladkoo

Kugu haga wadada saxan

Abid wehel kayeeloo

Haka waayin dhinacaa

Adna kaad wax dheertahay

Wax tus hala bakhayline

Wacdiyoo baraariji

Oo ka du waraarada

Hadii aanu waalayn

Anuu maskax wareer qabin

Islawayni saarayn

Wanaagaa mid qaatoo 

Waantooba buu noqon

……………………………………………………………………………………………………………………

14.Wajifuraanta

Albaabkaaga furihii

Kulankaaga faraxii

Waa waji  furaantiyo

Foolkood faruuryahaa

Aad kafaydo weeyaa

Xiidhiidhko fiicnaadsiyo

Amaan kuugu filanoo

Dadku kaama fiigoo

Kaamana fogaadaan

Nina kaama fisho xumo

Waa dabeecad furanoo

Xidhiikeena fududayn

Bushadeena farax galin

Faaido yin lagu helo

Hafudaysan samehee

Falo beerta aakhiro

Waa sadaqo fududoo

Lafactami nin geel hura

Iyo fuluusta lacageed

…………………………………

15.Is nabad galinta

Diinteenu waa nabad

Magacaa nagaga filan 

Dugsi weeye nololeed

Umaduna kunagidahay

Muslimiintu waa nuur

Nafcigooda mooyee

Dhiba lagama naawilo

Waa duul nasbboonoo

Laga naaray shaydaan

Niyadoodu furantahay

Isu nugul dhaxdoodoo

Naxariis ku wada nool

Afkooduna wax nura male

Iyo awaw lanaariyo

Nacaliyo afxumo male

Kanadiif ah beenoo

Namiimnimo kadhawrsoon

Xana laguma soo baran

Aan lahayn nashuushoo

Nafta aan dareen galin

Naacow da`aysiyo

Nafaxaadna laga helo

Laga nuujay diinoo

Laga raacay nabigii

Nacaskii bariiqdee

Noqdaee doorsoomee

Nabadii ka doorbida

Nacaybshiyo qadhaadhee

Noloshana kadhacayee

Maa lo iyo nabura qaba

Kacaamoobay nuurkii

Shaydaan ku neefsaday

Ninka soodh walaakii

Iyo bilaawaha u nacay

Kay naas wadaageen

Lanasaqay gugiisaba

Waa kadibadoo naargale

Nacab weeye geeso leh

…………………………………..

16.Isu laab xaadhnida

Waxaa xero ladago oo

Lagu nasto u waafisan

Xanan iyo lahayn qodax

Laab xaadhanbaa weeyaan

Laga dhaqay xumaanoo

Naxli iyo xajiin male

Xanaf dhiilo reebtiyo

Cilad iyo xanuun male

Xiqdi iyo nacayb male

Daxal iyo xinjiro male

Xintan iyo colaad male

Xanuun laab ta jiifiyo



17.Wada tashiga

Markaan toydeen tixraacay

Wixii tagay ilaa tan joogta

Tafiirteeniyu talaalkii

Talada taariikhdu say tidhi

Inuun tamilnayn kaskeenu

Inuu yahay tiix la ururshay

Markuu isku tago ku oon tira

Tif aan kaligii wax nina tarin

Hadaad tubta dooni toosan

Inaaad isku taagto toobiye

Tisqaadoo aan tasoobin

Kalidaa toogto kuuma tooste

Tolkaa lagu soo dhaxtuuraa

La toydaa haka santaagine

Kutaariikh hore utaagnaa

Ku taf ahoo naburka taabta

Ku kaa tusa dhaban ka tabin

Tilmaan meesheedaa taala

Tusaale garaad la tuujay

Latafa tirayoon lahayn tuur

Taf iyo muruq waxayna kuu tarin

Talaa kugu takulaysa

Taageero wada tashaa leh

Waa tiir adagoo tawfiiq huwan

…………………………………………………

18.Daryeel

Daryeel iyo danayn iyo

Diir isu damqada iyo

Dareen isu dubaaxiya

Iyo isu dabacsanaan guud

Kaa dugsiiya dhaxantoo

Kaa dhawra dayrada

Kula neceb dayacankoo

Daranyoyo rafaadkiyo

Dacdariyo luufluuf

Iyo diifta dakaan iyo

Durxumo iyo  tiiraanyiyo

Canuun aad udaraniyo

Ciil aad dilaacdiyo

Kuu diida murugada

 

Naftu ay ku duruktaa

Dugsataa hadhkiisoo

Dookheedu raaca













19.Is xidhiidhinta

Cidii kaa mudan xidhiidhin

Adkee xadhigoo ha sii dayn

Xaq dhawroo ehelka xaalee

Xasuusnaw dhaadmihiina

Xurmeeyo u diid xumaanta

Kulana dheel nolosha xiiso

Xigtiyo ehelkoo lagooyo

Ku xaaraan weeye diinta

Xogtaa hoo hadaad ilawday

Xidhiidhka ilaah nin gooyay

Ayaa midan xuma midan uquudha

Inuu alle wayne xooray

Ninkaa xadhigiisa gooyay

Janooynka laga xirmaanshay

Jaxiimiyo xorodka naarta

Xero iyo hoy oga sameeyay

Xaabada inaad noqoto naarta

Waxaad xamilayn kadhawrso

Lasoco xaaladooda nololeed

Hamoogaan xuquqohooda

Tagoo booqo kii xanuunsan

Ku xaadir ahaw danaha guud

Oo abid ku xisaabtan inaad tahay

Xubin xil lajiroo muhiim ah

Ku xeer is jacayl dushiisa

Ka dhawr dhaawaca xidhiidhka

………………………………………………………

20.Is wax siinta

Muslimku waa walaalo miidhan

Mulaax iyo malabkii doocaad

Milgiyo sharaf lagu mariimay

Maal iyo kuwa moodba isu hura

Midiba midka kale mudnaan siin

Markay maal iyo manfaco tahay

Midiba mid ka kale hormariyoo

Maatiduu dhalayoo macaluushay

Ka doorbida marti islaameed

Mugdiga hoos wax ugu siiya

In lala qabo si uu umoodo

Waxaanuu ka maarmayn siiya

Markay dhib tahiyo musiibo

Midiba midka kaloo isa dhigi

Magliga xaw lahiyo mawdka

Maadhka iyo dahab iyo macaaadin

Macnaba kamalaha agtooda

Waxaa ka mugwayn walaalka

Murana male iyo hunguri maman

Way naasnuujiyaan miskiinkana

Malaha mana sheegad iyo murug

Waxay midigtoodu dhiibtaa

Maquuna galbayna siiyaan

Sharafta mulkibay uyeesheen

Deeqdana martabay kagaadheen

Macaan gobanimiyo maamuus

Wxay naftu mohato oo idil

Mahadna kama rabaan abaal marin

Mid aan ka ahayn mawla sare

……………………………………..

Micidu  ay kaaga siibato

……………………….

22.Is dhexdhexaadin

Dhis same oodiisa dheeree

Kadhawr dhaawaca jidhkiisa

Kolay waadhaqan insaanoo

Dhaxdiisa dhib lagama waayee

Kadhawe maahmaahdu say tidhi

Dhool iyo carabaa isugu dhawe

Dhaaxay iyaguba is qoomaan

Haday laba kala dhukaafaan

Haday dhinaca isla waayaan

Hadhaafin labo is afdhaafay

Adoon midna dhinaca saarayn

Dhaxdooda rar caafimaad kufur

Daawee nabar dhiila dhiigay

Dhoobada kaduwoo xareed udhur

Dhulkkana ladhaxsoco samaha

Hadhigin abidkaa guiisa

…………………………………

21.Is xaqdawrka jaarka

Jaar waamiduun laba

Inuu noqdo 

Jinbigaaga taalo

Dugsatood ag joogte

Ama waa jaxiimiyo

Jabadkaad kadagi lahayd

Jahanaba dhaxdeedee

Labadaba midaad jiraan

Maan aday ku joogta

Jeebka taa kurida oo

Jagadaada siixulo

Baritani majiraysee

Ninka jaarka gooyee

Kana jarta bariidada

Moog jaaicoodee

Kooda jilicsan booqanin

Jiidh jiidhkana kubadiyee

Kajaahila xaqoodee

Kasoo jiita oodee

Dhawr bari iyagoon jalan

Ka janjeedha xaaladu

Ulahayn wax jixinjixa

Jeebkuna ubuuxee

Jawaanadu uxidhanyihiin

Jawfkiisa buuxshee

Dibiradaa lajeedsada

Ee kalidii uun jiraa

Waxaa uu jaranayee

Uu jidhku kukala fiday

Jaxiimaa ka jariyoo

Jasadkiisa raamsata

Waana suu jeclaadiyo

Jabadkii uu ootoo

cid majirto ergo ugalaysoo

kasaartoo u jiidh nixi

ku jabaarku lacnaday

safka nabiga kumajiro

 

kuna waa mid 

su jaliil nafaray iyo

noo jilciyay xabiib

ujira xaqoodee

jidkii toobiyaha helay

bahidoodii wada jufay

xanankana kawada jafay

taba marakay kla jiiftoo

jalan iyagoon joofmadhan

ubadkiisauu jecelhay

isku si uwada jira

kala jeexdaan moofada

kuu ale jeclaadoo

uu xiskoodu joogee

ibliis jeel ugalinee

janaduna uxu xeestee

jaliil ku macsuumay liiban

………………………………………

  …….




23.Isdhuldhiga

Kuligeen aadanbaan ku kulanaa

Kuligeen uurbaan kawada nimid

Kuligeen baahidaan kasimanahay

Korayn ninka rabow kabaha eeg

Waxaa kibir eeday kumayaal

Kukufay oon abid kasoo kici

Wacdi yo kuuguu filan kuwaantow

Oo aad Ku ekaato kaad tahay

Adoonimadaadaa ku koobnaw

Kalidaa maahee war kaadsato

Kolaba ha isu muuqan kalidaa

Kar iyo istusnimo kadhawrsato

Yuun kaa kaydanin walaalkaa

Yaanuu ka korayn dareemin

Isaga koolkooli oo kori

Kubeer inuu yahay adoo kale

Kuwalba heerkiisa kulasoco

Kursiga mudaniyo koraynta

Heerkaad darajayn kagaadhay

Kosoo dag haku kadsoomine

Inaad kasarayso kula noqon

Ninkii darajada kufaaniyo

Nninkii kor ukaaji yeelkii

Kaskaa kula dhaqan waalaalkaa

Kuwaad kamid tahay oo kula siman

Kasooqaad gabi oo kuladhaqa





24.Isku xanqarsiga iyo isu xilqarinta

Xafid sirta walaalkaa

Kaxasee maqaalaha

Ka xijaab dadkoo idil

Amaanda xusuusnaw

Amaanada xusuusnaw

Iyo xilka ay leedahay

Ee laguu xanbaariyay

Xakamee faruuryaha

Inay kaa xadaanoo

Kaxishoo inaad cido

Sida xoolohoo kale

Xurguf miday dhaxtaaliyo

Yaanay xulin bulshada kale

Kaxanfidiye ha ugayn

Sida xaashi joornaal

Xaafadwalba hagaadhsiin

Xabad qudha hasiiday

Hadii xabadka lagu hayo

Xaraf yaan lagaa helin

Xaga danb nafta oo ha xaalayn

Haday xawda kaa jari

Ha u xoorin sharaftaa

Ha xaqirin kalsoonida

 

25Is booqashada

Booqashada walaalkiyo

Say dheheen bariidadu

Bushi kaama qaadee

Qalbigay bogsiisaa

Farxadbay kubeertaa

26.Ilaalinta balanta

Aasaaska sharaftiyo

Udubuda wanaagiyo

Irdo khayr kasoo galo

Iyo astaamo gobanimo

Inagaa lagaaroo

Abaadkeena yaalaan

Umad saafiyaan nahay

Ilaan nimada aaminay

Iimaanku uudagay

Akhlaaq looga kala hadhay

Ugu deeqay eebuhu

Xeer lagu ilaaliyo

Ayaadka waaree

Duugoobin abidkood

Maskax aan kasoo duxin

Dhulka lagu alifinee

Aqli aanu curinkarin

Uu xafiday ilaahay

Baloontoo la eegana

Waa lagu adkeeyo

Waxaa weeye amarguud

Balantii aadburisana

Aakharay dib kuu dhibi

Aadam oon ifkaba iman

Bacadkiyo barigan arag

Balantuu ilaahay

Uu inala galee hore

Rabigeen inuu yahay

Iyo tii dhaxdeena ah

Waa midaan xanbaariyo

Mid utaal ninkii garan

Iyaduu laburiyana

Waa aastaan uu leeyahay

Uurka bukaha liitiyo

Dodka ka u ayaan daran

Ale nagama yeelee

Balankaan ilaalino

…………………………….

27.Ilaalinta amaanada

Aamaanadoo la

Diintay badhkeed tahay

Sida baalka diintiyo

Ku baranay quraankana

Inii loo bandhigay jeer

Koon inay balqaadaan

Ooy buurahaa culus

Badu ay kafaagatay

Dhulkan alle balladhshiyo

Samaduba