Caadooyi layaable oo kajira dalka hindiya-xogwaranplus


 


Dabaaldagyada

Dabaal dag farabadan ayuu leeyahay aroosku dalka hindiya , dabaaldagyadan iyo damaashaadkan ayaan kol koobaad waxaa lagu qabtaa guriga caruuska maalinka koobad ayuu waalidka caruusku qaabilaad usameeyaa caruusada isagaa oo kusoo dhaweeya subag iyo malab , wuxuuna xaflada ugu qabtaa gurigiisa, kadibna waxaa la isdhaafsada tahiyado, ubaxyo , iyo hadiyado waxaana xafladaas lagu magacaabaa xaflada jaymala wxayna kadhigantahay heshiis iyo is afgarad labada dhinac ah.

 

Mihandi

 

Waxaa lagu tilmaamaa xaflada mihandi (mehendi) inay tahay xaflad ugaar ah dumarka, waana mid ka mid ah dhaqamada guurka ee ugu caansan dalka hindia , waxaa lagu xardhaa gacmaha iyo lugaha caruuusada xinaha si aad uxirfadaysana waa loogu sharaxaa, taas oo ay oga jeedan xidhiidhka ka dhaxayn doona gabadha iyo odaygeeda mustaqbalka, markii uu dhamaado xafladaasi waalidka gabdhu waxba macunayo kahor aqalgalka gabadhiisa taas oo ay ku macneeyaan ilaalinta daahirnimadooda.

 

Dab shidka

Waxaa lagu tiriyaa dabka ay kusheegaan muquduska inuu yahay aasaaska qabashada xafladaha aroosyada hindida, wxayna kadhiganatahay marqaati u taagan dhacdadaas muhiimka ah, iyagoo dabka kushida meel kadibna labada arooska ahi ay kudul wareegaan dabkaa olalaya ilaa 7 talaabo iyaga oo aqriyaya balanka hondusiga  ee guurka lagu aqriyo, kadibna waxaa lagala qaybta loo yaqaano (laja homa)taaso ah inuu caruusada walaakeed kushubo bariis gacmaha caruusada kadibna ay ugasii gudubto gacmaha caruuska oo ka hooseeya kuwa caruusada kadibna dabka uu kudaato bariisku.

 

Dharka dhaqanka iyo arooska

 

Majiro wax qaanuun ah oo xadidaya dharka loogabaahanyahay kaqayb galayaasha aroosku inay soo xidhaan balse waxaa caada ah in lasoo xidho labis aan muujinayn labada law iyo labada garab oo dhaadheer  waxaa lagu tilmaama labiska looyaqaano “lehenga” midka ugu muhiimsan maadaama oo la aaminsanyahay inuu xanbaarsanyahay ixtiraam dheeraad ah.

 

Xaflada soo dhawaynta arooska

Wxaa laqbtaa soodhawaynta arooska kadib markii lasoo gabagabeeyo xaflada arooska, waxaana looga gol leeyahay in loo duceeyo labada caruus lanabarakeeyo kana helaan hadyado iyo duco xubnaha qoyska iyo guud ahaanba qaraabada, waxaana halkaas lagu soo bandhigaa buraanburo , heeso iyo jaas, , waxaana mamnuuc ah dhaqanka hindida inay  ciyaaraan martisharafta raga ah iyo sidoo kale inay grabka qabsadaan caruusada , ama ay shumiyaan waxaana looga baahanyahay caruusada inay daganaansho iyo waayeelnimo muujiso maalinta arooska.