Faaidooyinka akhriska



Dardar galin maskaxeed


Akhrisku waa ispoortiga caqliga aqriska ayaan ku ilaalin karnaa awooda caqligeena iyo caafimaad qabkiisaba isla markaana ku xoojin karnaa , sida aan jimicsiga jidhka ugu ilaalino dhismaha iyo caafimaadka jirkeena, igagana difaacno astaamaha gabawga , iyo raadka ay da'du ku reebto maqaarkeena.



Iska qafiifinta walwalka iyo culayska



Akhrisku waa mid ka mid ah maaweelooyinka firfircooni galiya qofka , maxaa yeelay waa mid ka mid ah noocyada ugu wanaagsan ee madadaalada , akhrisku waxa uu ruuxa siinaya fursad oo oga boxo cadaadiska nolosha isaga oo lawadaagaya waaya

 aragnimo ashqaas kale oo ka qibrad badan, aqrisku waa daaqad aad kafiirsan karto caalam kale hadaad kadaashay rootiin nolosha.



Akhri si aad u hesho hurdo dheeri ah



Dad badan ayuu aqrisku u yahay fursad ay ku helaan hurdo dheeri ah , waxaa lasheega in qofku markuu akhris kadib seexdu inuu galo hurdoo aad u macaan oon lahayn wax walaaca


Toosinta carabka jabaqda leh


Akhrisku wuxuu kacaawiyaa qofka carab furnaanta iyo inuu ruuxu aftahanimo la yimaado gaar ahaan caruurta waxay kasaacidaysaa inuu yaraado laaxinka afka ay hadba ku hadlayaa talabaad uu dhismo heerkiisa luqadeed iyo inuu korodhsado maalinwalba oo uu akhris sameeyo erayo cusub murtiyo , kuwaas oo kabi doona hanaanka uu u cabirayo una gudbinayo fariimaha uu xanbaarsanyahay.


Fahanka geedi-socodka nolosha


Wuxuu akhrosku kuu sahalayaa inaad lajaan qaado waqtiyo kala duwan ,duruufo kala duwan iyo inaad lafangasho bulshooyin kala gadisan , maadama ood aad fahami karto adoo kaashana kahibrada aad kadhaxayshay ,akhriskaaga ,sababtoo ah shaqsiga akhriska badan waxaa lagu toriyaa qof waaya arag ah.