FACEBOOK oo shaaciyay astaan cusub oo soo bandhigaysa postyada saaxibadaa iyagoo loo habeeayay siday uka horeeyeen taariikh ahaan

 



 

shirkada meta ayaa shaacisay inay kusoo kordhisay barteeda bulshada ee facebook astaan cusub taas oo ka caawinaysa macaamiisheed inay si tartiibsan oo taariikhda ku taxan kusoo koobaan waxayaabiha ay baahinayaan , 

habkan cusub ayaa usoo bandhigaya postiyadii saaxibaada ama groupyada aad lasocoto iyo sidoo kale bogaga aad ku xidhanta si isdaba joog ah oo utaxan sida ay ukala horeeyaan .

facebook ayaa u noqonaya habkii hore ee barbilawgii kaas oo lahaa soo koobida wararka si ay ugu fududaato adeegsadayaasha helitaanka macluumaadka , kaas oo kahor aha mid aan ku shaqaynin sidii hore laakiin ahaa mid an meelday lahay, hada kadib waxaad helaysaa liiska qoraalada iyo waxyaabaha kale ee ay baahinayaan saaxibadaa iyo bogaga aad lasocoto , iyada oo taariikhda ay kalhoreeyeen lookala horeeysiiyay.

 

 

waxay soo ceshanaysaa shirkadu awoodeeda ah inay kuusoo bandhigto dhamaan wixii kudhaafay maalmaha aad kamaqanyd iyada oo taariikhaysana aad ka heshid astaantan cusub ee lagu soo daray hada. sidoo kale shirkada meta waxay isla qaabkan kusoo biirisay barteeda kale ee instagramka 2022. talaabdan ayaa noqonaysa qayb kamid ah dadaalada ay shirkada meta ugu jirto inay kor ugu qaado farxada iyo madadaalada  bulshada ku xidhan, taas oo ah matoorka lagula tartamayo shirkadaha loolanka kula jira sida titok oo kale , oo kaduula waqtiga adeegsadayaasha iyo waxa ay xiisaynayaan , isaga oo kusoo koobaya waqti yar mawduuc muhiim ah islamarkaana meesha ayna ka maqnayn xoogow qosol ahi.