Sheekoyinkii juxa

 


Sheekoyinkii juxa

Juxa waxa uu ahaa nin aad uriwaayad badan oo hadaladiisa iyo dhaqamadiisuba ay dadka kaqosliyaan , waa nin ku can baxay murti qosol leh, islamarkaana ruuxa waano siinaysa isaga oo kuraaxaysanaya oo qoslaya.

Halkan waxaan kusoo bandhigaynaa erayadiisii wada qosolka ahaa ee xiisaha lahaa qaar kamida.

 

Juxa iyo dameerkiisii

malin maalmaha kamida ayaa juxa oo safar ah dameerkiisiina wata sahaydu ka goday, kadibn waxa uuu goaansaday inuu iibiyo damiirkiisa , wuxuuna geeyay saylada xoolaha , juxe dameerka sayntiisa ayuu ku arkay waskh wuu walaacay oo wuxuu isyidhi waxaa lagu nici wasakhda saynta kaga taala wuxuuna goaansaday inuuba kajaro sayntan wasakhda leh, kadib intuu kajaray ayuu meel galiyay dameerkii oo daba goan ayat qolo baayacday wadahal kadib ayay qolodii aragtay sayntii oo ka maqan ,

war juxe away sayntii dameerku ?

wuxuu ugu jawaabay sayntii mafogee waalaheli ee horta aan qiimaha ka hesheeno.

 

Juxe iyo naxashka

Juxee ayaa maalin maalmaha kamid ah eaxaa lawaydiiyay marka maydka lawado naxashka maydku saaranyahay mawxaa laga socdaa midigta mise bidixda , mise xaga hore, mise xaga danbe?

Wuxuu ugu jawaabay, dhankaa doontaba kasoco laakiin kasaaran uun hanoqonin.

 

Juxe iyo tobankiisii dameer

Juse ayaa soo iibsaday toban dameer midbuu fuulaa kadibna inta kale ayuu tiriyaa wxay noqdaan sagaal hadana uu kadagaa kadibna uu tiriyaa waxay noqdaan toban markuu dhawr goor tiriyay isagoo mid fuushan ay sagaal notay uu kadagay uu tiriyay ee ay toban noqdeen ayuu yidhi anoo lugeeya oo toban dameer wata ayaa iidhaanta anoo dameer saran oo sagaal dameer wata.

 

Cirkani cirkayagii u ekaa!!

 

Juxe ayaa bari safray wuxuuna tagay deegaan aad oga fog kii uu kunoolaa habeen habeenada kamida oo gudcur ah ayuu meel banana ah qadaadka useexda wuxuuna fiiriyay cirka , wuxuu arkay xidigihii uu arki jiry markii uu deegaankooda joogay markaasuu yidhi “alla cirkani cirkayagii u ekaa”.

 

Bagaanan saarnayn
 

Juxaa malin maalmaha kamida lagu yidhi dameerkaagii uu lumay halkii wax kale laga dhawrayay ayuu sujuud qab yidhi, waxaa la waydiiyay war dameerkaagii baa lumay baan kunidhiye waa maxay sujuudu? Wuxuu ku jawaabay:”waa al xamdu lilaah kol hadii aanan saarnayn markii uu lumayay”.

Intay khushuuc qabato aarmuu igu sujuudaa

 

Juxe ayaa nin guri ka kiraystay gurigii ayuu tiir kamid ahi shanqadh dayn waayay , wuxuu utagay ninkii guriga ka kireeyay wuxuuna usheegay inuu guriga tiir kamid ihi dhaqdhaqaaqayo, nin kii guriga lahaa ayaa ku yidhi iska dhaf tiirku uu tasbiixsanyaaye, juxe isaga oo layaaban jawaabtii ninku ssiyay ayuu ku yidhi: “waxaan kabaqayaa inay khushuuc qabato uu igu sujuudo”