Hatoy, oo ahaa hogaamiyaha qabiilka Taino,

 



Hatoy, oo ahaa hogaamiyaha qabiilka Taino, ayaa soo ururiyay "Red Indians" dadka qabiilkiisa waxayna ku noolaayeen dalka Cuba ,  maalin maalmaha kamid ah ayuu keenay sanduuq ay ka buuxaan dahab iyo lacag  wuxuu qabiilkiisa ku yidh: "Tani waa waxa ay  caabudaan isbaanish-ka kusoo duulay dhulkeenna".


 

"Tan darteed way nala dagaallamaan, na dilaan, oo na silciyaan, oo tan waa inaan ku tuurnaa badda..."

 

"Cadawgu waxay noo sheegaan in Ilaahoodu yahay Ilaaha Nabadda iyo Sinnaanta, haddana waxay qabsadaan dhulkeenna oo ay na addoonsadaan!...

 

Waxay noo sheegaan inqy jirto nolol  aakhiro oo lagubwaari doono nin walibanab lakulmi doono abaalmarinta  cl, laakiin waxay xadaan hantideena, waxay kufsadaan haweenkeena waxayna ku xadgudbaan

 

Sharafta Gabdhaheena! sababta oo ah iyagu nooma dhigmaan xoog iyo xamaasad dhanka dagaalka, waxay sidaa darteed naftooda waxay ku daboolaan gaashaanka birta si ay uga ilaaliyaan fallaadheenna!"

 

Dad badani ma fahmin farriintiisa wax yarna waxay way ku raaceen fikradiisa si ay uga hortagaan reer Spain.

 

Istaraatiijiyadda Hatoy waxay ahayd dagaal jabhadayna, oo ku dhufoo kadhaqaaq ah  islamarkaana galaan buuraha, halkaas oo ay mar labaad kasoo abaabulaan, qorsheeyaal iyo weeraro dheeri ah.

 

Muddo 3 bilood gudohood ah, istiraatiijiyadda Hatoy waxay ku guuleysatay inay reer Spain galaan xaalad difaac, silamarkaana ay ku dhuumaalaystaa qalcadda "Baracoa", iyagoo ka baqaya inay ka baxaan boosaskooda.

 

Ilaa  qy usuura gashay taliyaha guutada Isbaanishka Velasquez bishii Febraayo 2, 1512, inuu gacanta kusoo dhigo  kadib khiyaanada Dad Hindi cas ah, wuxuuna qabtay Hatoy.

 

Ka dib markii Hattoy la xidhay oo dab la qabadsiiyay xaafadiisa, wadaad ayaa u yimid isaga oo weydiisanaya inuu u beddelo diinta masiixiga ilaa uu jannada aado.

 

 

Hatoy wuxuu ku yidhi: Ma jiraan Isbaanish adiga oo kale ah oo jannada ku jira ؟ ... Wadaadkii wuxuu yidhi: Haa .... Hatoy wuxuu yiri: Haddii waxaan doorbidi inaan inaan naarta galoo.

Waxaana lagu gubay noolosha.