Qofkii socodka daayaa socodkaa daaya

 Qofkii socodka daayaa socodkaa daaya 



Maxaan u u lugaynaa?

Waxaan rajeynayaa in qof walba uu akhriyo ....



Waxaan u soconaa si aan u yareyno walaaca iyo cadaadiska nafsiga aj .



Waxaan u soconaa si aan hoos udhigno miisaannadayada.


Waxaan u soconaa inaan daaweyno sonkorowga iyo kolestaroolka.


Waxaan u soconaa inaan dhaqaajino howlaha kelyaha, beerka.


Waxaan u soconaa inuu firfircoonaan helo wadnahu.


Waxaan u soconaa si aan u yareyno adkaanta halbowlayaasha.


Waxaan u soconaa si aan u yareyno astaamaha calool istaaga iyo ciladaha dheef-shiidka.


Waxaan u soconaa si aan u hawl galinno nidaamkayaga difaaca jirka.


Waxaan u soconaa inaan kicino muruqyadeena iyo lafaha, oo aan xoojino caafimaadkooda.


Sabab kasta oo aan kor ku soo sheegnay waxay ka dhigan tahay hadaf aad u weyn oo socodka loo joogtayn karo, waa xaqiiqo aan laga indha laaban karin in cudurradan oo dhami ay yihiin kuwo ka yimaada fadhiga .


Dhakhaatiirtu waxay dhahaan: Ma jiro cudur dabiici ah ama cilmi nafsi ah oo laga reebo lugaynta daaweyntiisa. Haddii daawo soo baxdo taas oo leh faa'iidooyin la mid ah  kuwa socodka laga helo, waxaa ku kharash gareeyn lahaa dhakhaatiirta malaayiin, bukaannaduna kuma iibsan kareen qiimaha ugu qaalisan; Laakiin socodka ayaa ah daawo wax ku ool ah oo bilaash ah, bukaannaduna ay ka caga jiidayaan inay qaataan.



Waxaa naloo abuuray laba laxaad oon ku socono.

Laakiin dhakhaatoirtu waxay nasaaraan sariiro, markii aan cudurro qaadno, iyagu dib nooguma soo celin karaan inay socdaan, laakiin waxay nagu caawin karaan inaan ku nasanno sariiraha cad cad .


Ka dadaal dhaqdhaqaaqaaga, caafimaadkaagu wuu socdaa waqtigii farxadduna wuu sii dhamaanayaa.