Laptobka ugu raqiisan

Laptobka ugu raqiisan

Ma u baahantahay laptop aad u adeegsato hawlahaaga waxbarasho hadana ma kuu saamixi la adahay duruuftaada dhaqaale inaad hesho? Haday jawaabtaadu tahay haa halkan waxaan kuugu haynaa xalka aad u baahantahay, inta badan waxaa jira aday ku jirta jaamcadaha islamarkaana aan heli karin dakh dheeraad ah oo ay ku soo gataan hadba waxa ay u baahdaan. Laptop ku waa mid aad muhiim ugu ah ardayda, siiba kuwa jaamacadaha dhigta, wuxuuna u yahay hub dariuri ah. Laptobka waxaa lagaga maarmi karaa baahiyo badan oo ardaygu leeyahay islamarkaana kharashaad aad u badan ku baxayaan, sida bugaagta oo kale, halka uu bugaag badan oo waraaq ah ardaygu kasoo iibsan lahaa maktabadaha wuxuu aayar kalasoo dagi karaa internetka iyagoo pdf ahaan ah islamarkaana ku shuban karaa Laptobkiisa. Sidoo kale wuxuu u baajinayaa wakhti badan oo uu ku bixin lahaa maktabada jaamacada hadaanuu haysanin bugaag ku filan si uu u daalacdo buugaagtuu u baahanyahay.



Waxaan jira noocyo fara badan oo Laptob-yo ah qiima ahaana kala gadisan, Taya ahaana kala wanaagsan. Inkastoo ay tahay tayadu unug aasaasiga xulashada aaladaha elektiroonigga ah, hadana waxaa jira qaar tayo ahaan aan wax saasa ka liidanin kuwa professional ka ah, hadana qiima ahaan munaasib u ah dadka dakhligoodu koobanyahay, sidaa darteed waxaan isku daynay inaan soo xulo laptob wanaagsan tayo ahaan qiimo ahaana aad u jaban. Hadaba tolow noocuu noqon doonaa Laptobkaasi?



Waakan anagoo waliba si tafatiran kuugu faahfaahin doona astaamihiisa oo dhamaystiran.


Dell Inspiron 3593 :


Laabtoobkan wuxuu leeyahay shaasha muuqaal sare le HD, taas oo taabashada ku shaqaynaysa (screen touch). Laaptobkan ayaa qabanaya shaqooyin badan oo kala gadisan, qiima ahaan waa mid raqiis ah. Laptobkan ayaa ku qalabaysan processor noociisu yahay, Intel nashqada: Core i5-1035G1 3.6GHz. 

RAM 8GB, hard drive 512 GB, iyo sidoo kale SDD , sidoo kale markii laga hadlo dagdagiisa waa mid aad u xawaare sareeya.

Waa laptop aad ugu habboon dadka aan dhaqaale buuran lahayn.


Faalaynta laptopka


Faahfaahin astaamaha :  


10- Intel Core i5-1035G1 3.6GHz .

Xusuusta helitaanka Random Ram oo leh awood 8 GB ah nooca DDR4 2666 MHz RAM .

256 GB awoodda kaydinta gudaha oo leh hard disk oo SSD ah .

Kaarka shaashadda ee Intel UHD .

15.6 inch shaashadda iyo muuqaalka iftiinka LED-ka oo leh nal gadaal ah .

Qalabka wuxuu ku shaqeeyaa qaab dhismeedka Windows 10 iyo 64-bit .

Battery oo haynaya 6 saacadood oo isdaba joog ah .

Miisaanku waa 2.18 kg .

Qiimaha caalamiga ah ee aaladda  waa lacag dhan: 520 USD .

Waxaad ku xisaabsan kartaa hadba lacagta dalka aad joogto serkeedu inta uu joogo.

5ta laptop ee u tayada badan ... iibso mid kamid ah - xogwaran dheeri ah