Asalkii xiddigiska


 Asalalka cilmiga Astrology ee Baabulooniyiinta

 

Waxaa jirta caqiidada ah in Baabulooniyiinta guud ahaan waxaa loo aqoonsan yahay inay asal ahaan ka soo jeedo dhaqanka amba se cilmiga loo yaqaano astrology. Jaantusyadooda astrologiska ah waxay u saamaxeen inay saadaaliyaan soo noqoshada xilliyada iyo dhacdooyinka qaarkood.in kabadan 2000 , astrology iyo astronomy waxay ahaayeen laba cilmi oo isku mid ah.

 

Astrology-ga Baabiloon waxaa loo soo bandhigay Gariigta horaantii qarnigii aad BCE iyo, iyada oo loo daraasadaha Plato, Aristotle, iyo kuwa kale, astrology-ga ayaa la aamnsanaa inuu ahaa cilmi sax ah. Dhawaan ayay la qabsadeen iyana Roomaaniyiintii. magacyada Roomaankau u bixiyeen calaamadaha xidigiska yaa wali waxaa loo isticmaalaa dhaqankan ilaa manta. Iyadoo lasheego inay Carabtu markii dambe ku faafisay adduunka oo dhan.

 

In kasta oo astrology-ga hore loo adeegsaday in lagu ogaado waxayaabaha qaybka ah, iyo faalka haddana waxaa markii danbe loo isticmaly si loogu saadaaliyo qaababka cimilada, taas oo loogu adeegayo beeraha. Ugu dambeyntiina waa la ballaariyey oo waxaa lagu daroay saadaasha masiibooyinka dabiiciga ah, dagaalka iyo dhacdooyinka kale ee saameeya nonosha aadanaha. Mar haddii guulo laga gaaro arimahan, waxay ahayd isbeddel dabiici ah oo astrology-ga waxaa kaloo loo adeegsaday in lagula taliyo boqorrada iyo madaxda iyo dadweynaha guud ahaan.

 

Zodiac ( oo laga soo qaatay ereyga Griiga oo macnaheedu yahay wareegga xayawaanka ) ayaa la rumeysan yahay inuu ku soo barbaaray Masar-tii qadiimiga ahayd oo markii dambe ay qaateen Baabulooniyiinta. Astrologers-kii hore waxay ogaadeen inay qaadatay laba iyo toban burji oo dayaxa ah ( i.e., bilo ) qorraxdu inay ku laabato meeshii ay ka soo baxday. Ka dib waxay aqoonsadeen laba iyo toban xiddigood oo ay arkeen inay ku xiran yihiin horumarka xilliyada waxayna u xilsaareen magacyo xayawaan iyo dad gaar ah ( Babylonia, tusaale ahaan, xilli roobaadka ayaa la aaminsanaa inuu dhacayo markii qorraxdu ku jirtay koox gaar ah oo markaa loo magacaabay Aquarius, ama biyo-hayaha.

BCE, astrologers-ka Baabiloon waxay rumeysanaayeen in qorraxda, dayaxa, iyo shanta meerayaasha ee loo yaqaanay wakhtigaas ( Jupiter, Mars, Mercury, Saturn, iyo Venus ) ay leeyihiin awoodo kala duwan. Mars, tusaale ahaan, waxay u yaqaaneen inay casaan tahay waxayna astaan u hayd gardarro iyo dagaal.