Qaliinka is qurxinta.. qaababka loo fuliyo

 

Qaliinka is qurxinta.. qaababka loo sameeyo



Waxaan ku noolahay duni casri ah, duni isu furan oo dhamaanba meesha ka bexeen ijaaradii kala soori jiray umadaha ku kala dhaqan dunida dacaladeeda.

Isdhaxgalkaas bulsho waxa bar-bar socda is dhaxgal ka dhan ah nolosha qaybeheeda kala duwan. Iyada oo laga dareemayo bulshadeena isbadal dhaqan kaas oo salka ku haya dadyow qalaad.



Waxaa jira isbadal dadwayne oo bulsha walba kusoo kordhay, oo saamayn wayn ku yeeshay dhaqanka iyo nolosha bulshada, isbadalkaas ayaa inagu soo rogay dhaqamo cusub oo lajaan qaadaaya dunidan cusub, islamarkaana sahayday daaqadana kasaaray dhaqamadi iyo caadooyinkii dadyow badan lahaayeen , isagoo abuuray xaalad jahawareer, oo uu dadku noqday mid loo yeedhiyo sida ay tahay inay u noolaadaan, qaabka ay labiskooda uqaataan, wax ucunaan,iwm.




Waxaan is leeyahay waxaa doorka ugu wayn ku leh dhibaatan warbaahinta, taas oo guri walba gashay, islamarkaana abuurtay tusaalayowga lagu daydo nolosha ee hormuudka u ah bulshada.

Sawirrada photoshopka ah iyo muuqaalada lagu dhalaaliyay baraamijyada sawirada lagu xardho ayaa u muuqda inay dad badani uqaateen wajiyo xaqiiqo , tasoo dhalisay isbarbar dig aan laga fiirsan oo horseeday inay badalaan dheehooda iyo midabkooda, si ay u helaan muqaal lamida sawirkaas ay ka arkaan shaashadaha  wargaysyada, iyo baraha bulshada.

Halbeega noocaas ahina waa mid qaladan. Musalsalada taxanaha ah ayaa kow ka ah. waxaa hubaal ah in isbadal uu ku dhacayo argtida daawadayaashu ka qabaan naftooda, kalsoonida ay ku qabaan muqaalkooda. 


Qeexitaanka quruxda 


Kalmada quruxda ayaa ah mid wajiyo badan oo aan lahayn hal qeexitaan oo gaara, waxaa mararka qaar lagu qeexaa aragti gaaban oo ku koobaysa muuqaalkan  inuu yahay wax bildhaantiisa ishu u bogto , laakiin quruxda shay walba way gashaa iyadoo loo eegayo nooca uu yahay. Waa nooc farshaxan oo  abuuraya layaab iyo amakaak, ialamarkaana soon jiidanaya dareenka qotoda dheer ee bini-aadamka ku dhex jira.  Quruxda ayaa loo qaybiyaa laba nooc:

quruxda gudaha iyo quruxda dibedda, laakiin quruxda gudaha ayaa ah waxa qofku naftiisa ka aaminsan yahay. Markuu isagu isku kalsoon yahay, quruxdiisa gudaha way kordheysaa, laakiin haddii uusan isagu isku kalsoonayn, quruxdiisu wuu saluugayaa, islamarkaana wuxuu isku dayayaa inuu ku kabo quruxda dibedda taas badelkeeda iyadoo loo eegayo qaabka hadda jira, kaas oo isbadbadalaya marwalba iyadoo loo eegayo aragtida sida ay sida  muuqaalka dhalinyarada sidaa darteed way adagtahay in lagu noolaado iska daba ridka cabirada fashionka.



Dalalka ugu badan qaliinka is qurxinta


Kaalinta

Wadanka


Sanadka

Tirada 

Percentage 


1

Braziil

2019

1.49 milyan

13.1%

2

Mareykan

2019

1.35 Milyan

11.9%

3

mexico

2019

580.695

5.1%

4

Russia

2019

486.152

4.3%

5

Hindiya

2019

394.728

3.5%

6

Turkey

2019

351,930

3.1%

7

Jarmalka

2019

336,244

3%

8

Talyaaniga

2019

314,432

2.8%











Sida ay soo bandhigeen warbixinada laga helay wadamada ugu badan tirada qalliinnada. Braziil waxay safka hore kaga jirtaa wadamada leh tirada ugu badan ee qalliinka la isku qurxiyo, iyadoo qiyaastii 1.49 milyan oo qalin laga fuliyay ( 13.1% ). 


In kasta oo Mareykanku kaalinta labaad galay 1.35 milyan oo qalliin ( 11.9% ), waynaynta naasaha ayaa  ugu fara badan qaliinada lasameeyay oo ay ku xigto iska shubtaanka baruurta iyo giijinta caloosha. 


Dalka mexico ayaa kaalinta saddexaad gashay 580.695 qalliin oo ka dhigan  ( 5.1% ), Russia ayaa laga fuliyay 486.152 qalliin oo ka dhigan ( 4.3% ), Hindiya waxay gashay kaalinta shanaad iyadoo leh 394.728 qalliin ( 3.5%).

Turkiga ayaa soo galay kaalinta lixaad  qalliin isqurxinta, isagoo gaadhay 351,930 oo ka dhigan( 3.1% ). 


Jarmalkuna wuxuu galay kaalinta toddobaad isagoo fuliyay 336,244 qalliinn oo ka dhigan ( 3% ).

Talyaanigu wuxuu kaalinta sideedaad ka galay adduunka oo dhan qalliin is qurxinta  oo gaadhay 314,432 ( 2.8% ).

daraasadahan ayaa muujinaya heerka ay marayso saamaynta operation Ada noocaana , waana mid sida dab caws la sudhay ugu siibfaafaysa dunida, sanadba sanadka kadanbeeya sida ay xaqiijinayaan torakobyaadaas caalamiga ah ee aan kor kusoo xusnay.



Warbixinno caalami ah ayaa soo saartay tirada qalliinka la isku qurxiyo ee laga sameeyay adduunka oo dhan, taas oo gaadhay qiyaastii 11.36 milyan oo qalliin is qurxin ah intii lagu guda jiray sanadkii 2019 oo kaliya.

Siday sheegtay warbixin ay soo saartay "Ururka Caalamiga ah ee Qalliinka Quruxda", waxay kordhay 7.1% heerkii ay taagnayd sanadii 2018, sidoo kale waxay korodhay intii udhaxaysay sanadihii 2015 ilaa 2019 20.6%, Warbixinta ayaa sidoo kale cadaysay haayadu in qiyaastii 13.6 milyan oo kale adeegsadeen agabka la isku qurxiyo ee aan nidaamyada qalliinka ahayn guud ahaan adduunka oo dhan sanadkii 2019.



Ciladaha camaliyadahan



  • Waxay kaga tagtaa qofka lagu sameeyo qaliinka noocana dhibaatooyin ay kamid tahay:


  • Inuu dareemo daal badan iyo caato, islamarkaana uu u baahanyahay nasasho.


  • Xanuun laga dareemo meelihii uu qaliinka is qurxinta kusameeyay.


  • Naburro barar meelihii dhaawaxa ahaa.




 Hababka qalliinka is qurxinta ee caadiga ah waxaa ka mid ah:


  • Maqaarka maqaarka: Marka dhakhaatiirta qalliinku ay u qaataan maqaarka caafimaad leh qayb kale oo jirka ah oo ay u isticmaalaan inay daboolaan maqaarka lumay ama waxyeelloobay.


  • Balaadhinta haraga: Haddii aad leedahay aag maqaar waxyeello soo gaadhay, dhakhaatiirta qalliinka waxay isticmaali karaan buufin lagu simo maqaarka u dhow si ay gacan uga geystaan fidinta iyo koritaanka maqaarkan aagga ay dhibaatadu saameysey.


  • Wareejinta Dufanka: Haddii aad leedahay qaybinta aan sinnayn ee dufanka, Dhakhaatiirta qalliinku waxay ka saari karaan dufanka xad dhaafka ah meelaha kale ee jirka waxayna ku buuxin karaan meelaha madhan.


Noocyada qalliinka qurxinta


Waxaa jira qalliin badan oo la isku qurxiyo oo kala duwan oo dadku sameyn karaan si ay u helaan muuqaalka farxad galinaya, caafimaad iyo kalsooni. Waxyaabaha soo socdaa waa qaar ka mid ah kuwa ugu caansan:


Kicinta dufanka: Daaweynta qalliinka ee ka saarida dufanka, oo ay sameeyeen dhakhtar qalliin caag ah. Inta lagu gudajiro nidaamka liposuction, laalaabyada dufanku kaga tagay maqaarka ayaa laga saaraa meelaha jilicdasan, sida miskaha, barida, ama bowdooyinka.


Qurxinta sanka: Dhakhtarka qalliinka qurxinta ayaa beddeli kara qaabka ama cabirka sanka isagoo ka shaqeynaya carjawda iyo lafahaba.


Qalliinka qurxinta ee dhabanada: Haddii aad leedahay dhabano godan ama laalaabka indhaha ka hooseeya, qalliinka qurxinta ee indhaha ayaa ka dhigi kara mid aan ladareemi karin. Waxaa ka mid ah baabi'inta finanka isha si looga saaro maqaarka xad dhaafka ah ama dufanka.