Al-Farouq Omar bin Al-Khattab ayaa booqday qabriga Rasuulka, (naxariisbiyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) Wuxuu arkay nin reer baadiya ah oo taagan qabriga nabiga (scw) hortiisa oo ducaysanaya, Cumarna gadaashiisa ayuu istaagay oo wuxuu dhagaystay ninkii reer baadiyaha ahaa wuxuu leeyahay


Qiso dhaxmartay sayid cumabinu khadaab iyo nin ree miyi ah

 Al-Farouq Omar bin Al-Khattab ayaa booqday qabriga Rasuulka, (naxariisbiyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) Wuxuu arkay nin reer baadiya ah oo taagan qabriga nabiga (scw) hortiisa oo ducaysanaya, Cumarna gadaashiisa ayuu istaagay oo wuxuu dhagaystay ninkii reer baadiyaha ahaa wuxuu leeyahay:


Ilaahow, kani waa kaad aad jeceshahay, waa nabigee.

 anna waxaan ahay addoonkaaga,

 Shayddaankuna waa cadowgaaga.

Ilaahayow, Haddaad i cafiso waxaa ku farxaya kan aad jeceshahay, addoonkaagiina wuu liibaanay, 

cadowgiina wuu guuldaraystay.


Allahayoow haddaadan i cafin waxaa murugoonaya kan aad jeceshahay ee nabigaaga ah (scw)


Waxaad ka farxisay cadowgaaga, addoonkaagiina waad halligtay !! 


Allahayow Adiguna waxaad tahay mid ka deeq badan in aad ka nixiso kaad jeclayd, aad ka farxiso cadowgaaga, oo aad addoonkaaga halaagto.


Ilaahow, haddii Carabtii horee sharafta lahayd markuu nin sayid ahí ka dhinto, ay addoommadooda ku dul xorayn jireen qabrigiisa, anna waxaan dul leenay naftayda qabrigii sayidka caalamiinta ee ku xoree qabrigiisa"


Sayid Cumar ku dhawaaqay inta taagtiis isagoo leh:

Ilaahooow, waxaan kugu kugu baryay wixii uu kugu baryay ninkaas ree baadiyaha ah . Kadibna Wuxuu ku dul ooyay qabriga xabiibka ilaa gadhkiisu uu ka qoyay.



Innaguna waxaan leenahay:

Ilaahow, waxaan kugu tuugnay waxa ninkaas reerbaadiye kugu tuugay, ee annagana nagu xuree sidoo kale Aabayaasheen, hooyooyinkayagii, mowtaadka yagii, iyo qof kasta oo xaq nagu leh ku xoree qoortooda.