faa`idooynka xabasowdo ee caafimaad


faa`idooyinka caafimaad ee xabaasuuda


 asalaamu calayku waraxmatulaahi wabarakaatu. xabaasuudu waa mira daiici ah oo aad caan u ah, inta badana aan filaayo inaan wada naqaano, waa geed ay diintu ku sheegtay faaidooyin caafimaad oo aan lasoo koobi karin. sidaa darteed ugu yaraan waa laga helaa aqal walba oo muslim leeyahay, iyadoo mira ahaan ah, amaba saliid ah. maanta waxaan halkan kaga hadli doonaa faaidooyinka waawayn ee ay leedahay xabaasuudu. inkastoo aan hal maqaal iyo labo iyo in kabadan toona aan lagu soo koobi jarin faaidada alle (subxaanahu watacaala) dhax dhigay geedan barakaysan, hadana xoofgaa waxaan ka taabanaynaa kuwa ugu muhiimsan inta ay fursado inooga saamaxdo, allena ogolaado.

 maxay tahay xabaasuuda?















xabaasuudu waa geed kamid ah dhirta, waxayna aad oga baxdaa aagga badda miditerimka, balse meela badan ayaa laga beeraa oo kamid ah qaarada afrika iyo asia, iyo sidoo kale gacanka carbeed.

halkan ka akhri sidoo kale:

magac cilmi ahaan loo yaqaano waa nigella Sativa, waana geed nagaadh ah oo gaaban. waayo hore ayaa la bilaabay adegsiga geedkan, waxaana loo adeegsan jiray, nooc daawo ahaan ah iyadoo lagu dabiibi jiray noocyo badan oo xanuuno ah. sidoo kale xabaaasuudu waxy ahaan jirtay mid loo adeegsado, xawaashaynta cunooyinka qaar.

waxay dhashaa sidii kaabsoolo yaryar oo ay gudaha ugu jiraan midha cad-cad kuwaas oo wax yar kabacdi isu badala midibka madow een isticmaalno, kadib marka ay la kulanto xawada.

halka ka akhri sidoo kale:

faa`idooyinka caafimaad ee xabaasuuda
 xabaasuudu waxay leedahay faaidooyin badan oo ay xaqiijinayaan khubarada caafimaadku. hadaba hadaynu wax yar kasoo qaadano faa`idooyinka tirada badan ee lagu sheegay midhahan barakaysan waayadii hore iyo wakhti xaadirkanba, xabaasuudu waxay safka hore kaga jirtaa daawooyinka ay isticmaali jireen dhakhatiirtii carbeed , iyo kuwii la adeegsan jiray qarniyadii giriiga ee qadiimiga ahaa.

sida aan kasoo xiganay bogga al mayadeen isagoo kasoo xiganaya wargays kale oo lagaleeyahay dalka ruushka, wxa lagu xusay faaidooyin tiro badan geedka loo yaqaano xabaasuuda.

sida uu qeexayo cilmiga caafimaadka ee casriga ah, waxaa lagu tilmamaa in fuudka xabaasuuda marka la diiriyo ay kaxayso dibirada, sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in biyahalaga miiro ay hurdada keenaan, sidoo kae ay ilka xanuunka  dajiyaaan.

waxaa ay daawaysaa xabaasuudu ekfashinka bankeryaaska, beerka, iyo beeryarta.
waxay caawiyaan beerka waxayna ka hortagtaa sunta.

waxyabha gaarka ay latahay ee la xidhiidha ladagaalanka sunta, waxay ilaalisaa xuubka caloosha oo ay kadifaacdo dhiibato kasoo gaadhaaallkolada iyo wixii lamidka ah. waxaa kaloo ay yaraysaa aashitada, waxayna biirisaa soosaarka nitric oxide, taasina waxay gacan kagaysanaysaa daawaynta cdurada caloosha. 

waxay dardar galisaa xaabasuudu inuu soo saaro pancreas - ku insulin. waxaa intaa sii dheer in xabasuuda ay yarayso nuugis xiidmaha ee glucose ta.

waxay daraasdo lagu sameeyay dad bukaan jiif ah ay sheegayaan, in isticmaalka 2 giram maalinl walba laga yaabo inay daawo ka noqoto macaanka dhiiga nooca 2aad.

siday daraasaduhu cadeeyeen xabaasuudau waxay saamayn ku leedahay garaaca wadnaha. wxayna sheegayaan khubaradu in ay ka wanaagsantahay  ditiazem daawada loo yaqaano ee loogu talagalay  wadnaha.

isticmaalka xabaasuuda mudo dheer wuxuu wanaajinayaa shaqooyinka wadnaha, islamarkaana wuxuu awood u yeelanayaa wadnuhu hawlaha uu qabto.

faaidooyika xabaasuuda ee xasaasiyada

waxay leedahay xabaasuudu awood ka hortagta xasaasiyada alergy-ga.

waxay muujinayaan daraasado lagu sameeyay dad qaba xasaasiyada, sanboorka, inay xabaasuudu tahay dawo la isku halayn karo, islamarkaana lagaga kaaftoomi karo daawooyinka kale.

miyaha laga miiro xabaasuuda ayaa lagu tilmaamay inay wax kataraan niif-qabadka. waxay muujiyeen daraasaduhu , inuu yahay themecoinone mid saamayn wanaagsan ku leh muruqyada halbawlaha sanbabka.

waxay gaar latahay xabaasuudu, dajinta kaarka iyo hoos u dhiga kulaylka jirka.

daraasdo ayaa tibaaxaya in ay xabaasuudu ka hortagto waxyeelada ka dhalata sunta loo adeegsado dagaalda.


saliida xabaasuuda

waxay saliida xabaasuudu ka kooban tahay aashito badan oo dufan leh. waxaa kaloo ku jira nigellone, kaas o ah  antioxidant  dabiiciya iyo glutathion. waxaa intaas siii dheer, oo ku jira argonic acide.

faa`iidooyinka saliida xabaasuuda

Saliida xabaasuudu waxay saameyn faa iido leh ku leedahay cudurka loo yaqaan 'ulcerative colitis', waxayna ka ilaalisaa xiidmaha waxyeelada biyo la'aanta. 

Waxay daraasaduhu sheegayaan in sifooyinka saliida xabaasuudu ay  ka xakamayso sameynta sonkorta unugyada beerka. 

Saliidda xabaasuudu iyadoo adeegsanaysa thimicoinone, waxay ka hortagtaa horumarinta neuropathy iyo osteoporosis ee sonkorowga.


 saliida xabaasuudu ay leedahay antifungal iyo  ka hortaga fayraska waxayna u shaqeysaa sidii anti-virus unugyada aadanaha. 

faaida ay u leedahay xabaasuudu maqaarka

waxaa ay ka hor tagtaa fin doobka kasoo baxa dhalin yarada, waa hadii mudo 2 bilood ah la isticmaalo, amaba waxyaalaha ay ku jirto xabaasuudu qiyaasti10% ay ka tahay.

dhalal dheeraad iyo bilic ayay siinaysaa wajiga.

waxay gacan kagaysataa saliida xabaasuudu dhaymaha nabarada iyo bogsashadooda, waxayna sii dardar galisaa dhalashada unugyo hor leh.

faaidooyinka saliida xabaasuudu u leedahay timaha

Saliidda shinnida waxaa loo isticmaali karaa iyadoo si fiican loogu duugo madaxa, iyadoo timaha oo dhan laga wada subkayo seddex saacadood ka hor intaadan iska maydhin, ka dibna lagu dhaqo saabuun ama shaambo iyo biyo diiran.

Faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee saliida xabaasuudu u leedahay timaha:
1- Joogtaynta caafimaadka maqaarka
Saliida xabaasuudu waxay ka koobantahay maadooyin ka hortaga xanuunada ku dhaca maqaarka. Sidaa darteed, waxay ku habboon tahay xallinta dhibaatooyinka maqaarka, gaar ahaan dhibaatooyinka maqaarka sida canbaarta iyo cudurka 'psoriasis.

2- Joojinta timo daadashada
Awoodda saliida  xabaasuuda ee lagu joojiyo timo daadashada waa mid ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee saliidan u leedahay timaha. Saliidda xabaasuudu waxay ka kooban tahay tiro badan oo nafaqo ah oo loogu talagalay timaha iyo follicle