Anaa garanaaya tuuga

 

Kaaaf iyo kal dheeri ... Wuu usoo wuxuuna arkay xaaskiisa oo ooyaysa



Kadibna wuxuu weydiiyay sababta, waxayna ku tidhi: shimbiraha geedka gurigeena ku yaal saaaran ayaa i fiiriya markaan xijaab la'aanta ahay, tanina waxay igu noqon kartaa danbi xagga Ilaah . 


Si dhakhso leh ayuu ugu soo booday ninkeedii ,wuxuu ka dhunkaday inta u dhaxaysa labada indhood osagoo layaaban daacadnimadeeda iyo cabsideeda Ilaah, kadibna wuxuu qaatay faas isla markaana geedkii ayuu gooyay . 




 

Toddobaad ka dib, wuxuu ka soo noqday shaqadii xili hore saaduu usoo galay guriga wuxuuba arkay xaaskiisii oo ku jiifta laabta nin kale ! 


Wax talaba ah ma uusan qadi ion ka ahayn inuu qaatay wixii uu u baahnaa wuxuuna ka cararay isla markaana ka baxay magaalada oo dhan . 


Wuxuu tagay magaalo kale oo aad u fog wuxuuna arkay dad ku kulmaya meel u dhow qasriga boqorka, markii uu weydiiyay sababta ay ku yiraahdeen khasnaddii boqorka ayaa la xaday . 


Dhanka kale, wuxuu sidoo kale arkay nin ku socda farahiisa caaradooda oo meeaha ag maraya, wuxuu weydiiyay yaa kani wa ayo? 

Waxay ku yiraahdeen waa sheekha magaalada oo wuxuu ku socdaa xaarada hore ee faraha si uu isaga ilaaaliyo inuu isku taago ama ku joogsado qudhaanjada oo laga yaabo inuu Ilaah cadha galiso! 


ninkii ayaa fikiray kadibna wuxuu yidhi:


Walllahi, waan helay tuugii, ee u yeedha boqorka . 


Markii loo yeedhay Wuxuu u sheegay boqorka inuu yahay sheekha kaa xaday khasnada boqortooyada, hadaan been sheegana, madaxayga hala gooyo. 


Kadib ayay askartii keeneen sheekhii, kadib baaritaan wuxuu qirtay sheekhu xatooyadii!



boqorkii wuxuu ninkii waydiiyay, Sideed ku ogaatay inuu yahay tuuga?!! 


Ninkii wuxuu yidhi:


Marka sheekada ku saabsan wanaagga qofka la buunbuuniyo, ogow inay tahay dabool uu ka hooseeyo fal dambi .. 

( iyo casharka )


Waxaa jira dad nolosheena ku ku jira oo sheegta wanaag iyo sharaf dheraad ah isla markaana sheegta inay yihiin milkiilayaasha fikradaha iyo qiyamka sare ayaa inta badan ah shayaadiin quusiyay kii qarsoonaa ee jinka ahaa.