dhoodaan gardaro gabay cajiiba

 



dhoodaan gardaro gabay cajiiba 


Waa gabay waano iyo wax sheeg u ah qof walba oo naftiisu u qurxiso inuu gardaradu, ama gaf ula tago qayrkii. Wuxuu abwaanku kaga hadlay gardarada isaga oo dhinacya badan ka istaagay dhaqankaas. Gabaygan waxaa lagu magacaabaa gar daro, wxaa curiyay abwaankeenii waynaa allaha u naxariistee abwaan dhoodaan, taariikhdu markay ahayd 1972[1].

 

 

Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e

Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye

Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e

Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye

Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye

Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e

Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene

Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay

Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane

Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e

Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye

Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e

Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee

Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye

Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye

Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye

 Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto

Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane

Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane

Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba

Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba

Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba

Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo

Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago

Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e

Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye

Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye

Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya

Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala

Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede

Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e

Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye

Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo

Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye

Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo

Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro

Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho

Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye

Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere

Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye!

Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye

Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane

Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye

Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye

Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye

Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e

Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye

Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye

Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye

Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee

Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne

God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba

Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene 

Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane

Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye

Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane

Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye

Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee

Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye

Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba

Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo

Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye

Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey

Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray

Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday

Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay

Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay

Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay

Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee

Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay

Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya

Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe

Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya

Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay

Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya

Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide

Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba

Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray

Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye

Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye

Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye

Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay

Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e

Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye

Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba

Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay

Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye

 

Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey

Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye

Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane

Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin

Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde

Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne

Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye

In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye

Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane

Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye

Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe

Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye

Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore

Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye

Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede

Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye

Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay

Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye

Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine

Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye

Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane

Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo

Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye

Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay

Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay

Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho

Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye

Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay

Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane

Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne

Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye

Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee

Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye[2]

 

tixraac

[1] boggasuugaanta. (n.d.). Retrieved from .doollo: https://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dhoodaan/gardaro.htm

[2] boggasuugaanta. (n.d.). Retrieved from .doollo: https://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dhoodaan/gardaro.htm